Home » Warar »

Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya oo Sheegay in Qarixii Shalay uu ahaa mid la Doonayey in lagu Niyad Jebiyo

 

Kadib Markii Maalinimadii Shalay (Arbacadii) Qarax Is Miidaamin ah lala beegsaday Hoteelkii uu ku Sugnaa Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya ayuu markii u horeeyay Madaxweynuhu ka hadlay Weerarkaas. Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegey in weerarkaasi uu ahaa mid Fuleynima ah isla markaana ay soo qaadeen Xarakada Shabaab kaasoo uu sheegey in ay fashiliyeen Ciidamadii ammaanka goobta sugayay.

Madaxweynaha Dawladda Federraalka Soomaaliya ayaa Tacsi u diray Askartii weerarkaas ku dhimatay isagoona kuwa ku dhaawacmay Alle uga baryay inuu Caafiyo.Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in Weerarkaas iyo wax walboo ka yimaada dhinaca Cadowga aysan marnaba Niyad Jabineyn isla markaana aysan ka leexineyn Dhaartii ay u Dhaarteen in Dalkan ay is bedel ka sameeyaan.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa weerarkaas ku sheegey inuu ahaa mid la doonayay in lagu Niyad Jabiyo is bedelka cusub ee ay damacsan yihiin in ay ka sameeyaan gudaha Soomaaliya isagoona tilmaamay in tani cashar ay u tahay isla markaana ay wax ka qaban doonaan Qaraxyada noocaan ah ee ka dhaca gudaha magaalada Muqdisho.
Shalay ayay ahayd markii Hoteelkii Jaziira ee uu ku sugnaa Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maalmihii la soo dhaafay Weerar Is Miidaamin ah lagu soo qaaday halkaasoo Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac isgu jira uu ka dhashay.

Saraakiil ka tirsanaa Ciidamadii Mileteriga Soomaaliya oo Weerarkaas ka hadlay ayaa ku macneeyay ama ku dhaliilay Wasaaradda amniga qaranka Dayacaad ay dayaceen Madaxweynaha meel aan munaasib ahayn oo ammaankeeda la sugi karina ay dejiyeen.

Dhaliisha ay soo jeediyeen Saraakiishii hore ee Ciidamada milateriga ayaa waxa ay keenatay in isla xalayba Madaxweynaha laga saaro Hoteelkii uu deganaa lana dejiyo Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho halkaasoo ammaankeeda si weyn loo adkeeyay. Iyadoo 16-ka Bishaan Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud la Caleemo saari doono iyadoo ay ka soo qaybgeli donaan Wafuud Caalami ah

Cabdulaahi Shiikh Xasan Caddow (Dr.Ashhad) oo Bogaadiyey Madaxweynaha Cusub islamarkaana sheegey in uu yimid Waqti loo Baahnaa.

Dr Cabdulaahi Shiikh Xasan Caddow (Dr Ashhad ) oo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa si weyn uga Hadley is bedelkii ka dhacay Dalka gaar ahaan Doorashadii Madaxweynaha ee uu ku soo baxay Xasan Shiikh Maxamuud waxaana ugu horeyntii uu Bagaadin u Direy Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya oo uu sheegey in uu yahay Aqoonyahan yimid Waqti loo baahnaa.

“Muddo Sagaal sanno ayaa sugayey is bedelkaan in uu yimaado , waxaana ii muuqata fursado badan oo aan Dowladda Cusub kula Shaqeyn kara maadaama aan ahay aqoonyahan doonayo in uu Dalkiisa u abaalguda islamarkaana aan ahaa qof wax ku soo bartey Canshuurtii dalka” ayuu yiri Cabdulaahi Sheikh Xasan oo intaa raaciyey.

“Waxaan kula Talinayaa Madaxweyne Prof Xasan Shiikh Maxamuud in uu soo magacaabo Raiisul Wasaare karti leh oo dalka ka badbaadin kara dhibaatooyinka uu ku jiro ee dhinaca Nabada , Dib u heshiisiinta iyo Dhaqaalaha waxay Jiritaanka Dowladaada ku xiran tahay hadba sidaa u soo xulato Raiisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya”

Dr Cabdulahi Mar uu ka hadlayey arrimaha Gobolka Banaadir waxaa uu u soo jeediyey Madaxweynaha Cusub in uu isbedel ku sameeyo islamarkaana tixigelin ka siiyo dadka reer Banaadiriga maadaama muddo dheer lagu sameynayey Dulmi iyo Cadaaladdarro weyn , waxaa uu sheegey in uu doonayo in aqoontiisa ku biiriyo arimaha Gobolka Banaadir ee dhinaca arrimaha Bulshadda iyo sidii dib loogu soo dhisi lahaa kaabayaashii Gobolka Banaadir taasina waxay u baahan tahay la tashi dheer.

Ugu Dambeyntii waxa uu sidoo kale Dr Cabdulaahi Bogaadin u direy Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed isagoo sheegey in uu wax weyn ka qabtey arrimaha Amaanka iyo dib u soo celintii kala dambeyntii waxaa uu sii raaciyey”Doorasho kam dhacdeen Magaalada Muqdisho adiga ayaa sabab u ahaa in ay taasi ay suurta gasho, dadaalkaasina waa mid uusan hilmaami doonin Shacabka Soomaaliyeed Taariikhda ku xusi doonto”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya oo Sheegay in Qarixii Shalay uu ahaa mid la Doonayey in lagu Niyad Jebiyo "

  1. Qarni says:

    waxaan hanbalyo iyo bogaadin udirayaa madaxweynaha csub xasan shiikh maxamuud alaaha lagarabgalo howsha culus ee loo dhiibay
    Midda labaad, Madaxweynaha waxaan kacodsanayaa Askarta ku dhimata qaraxyada Alshayaadiiin ama Alshabaab qofba suu u yaqaan , in loo sameeyo aasqaran hada kadib oo shacabka iyo madaxweynuhuba kaqeybgalaan .Ashabaab iney dadka iyo dalka burburinayaan oo aysan cidna cafineyn waxaa daliil u ah Madaxweynaha cusub oo innocent tiga ah bay damceen iney khaarijiyaan marka dadku waa iney ku baraarugaan dhimankan fikrka qaldan wata !