Home » Warar »

Faahfaahin Dheeraad ah oo ku saabsan Qaraxyo Ismiidaamin ah oo Maanta lala Beegsadey Halka uu Degen Yahay Madaxweyne Xasan Shiikh ee Hotel Jaziira

Baalamaanka oo maanta Go’aamiyey 16-ka Bishaan la Caleemo saaro Madaxweyne Xasan Shiikh

– Waxaa Waqti aan sidaa u dheereyn Magaalada Muqdisho laga maqley laba Qarax oo la sheegey in ay aheeyeen Ismaadaamin, waxaana Qaraxaasi lala beegsdey Hotelka uu Degan yahay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud 10-kii Bishaan la doortey.

Waxaa Qaraxii ugu horeeyey Fuliyey ruux isku soo rakibey Waxyaabo Qarxa kaasoo markii ugu horeysey isku Miidaamiyey Albaabka laga galo Hotelkja Jasiira ee ku dhow Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, waxaana markii uu dhacay Qaraxa hore la maqley Rasaas Xigtey.

Qaraxii labaad oo aan ka dambeyn kii hore Daqiiqad ayaa waxaa Fuliyey Gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyey kaasoo ahaa nooca loo yaqaan Grip , waxaana isna Xigey rasaas fara badan oo la sheegey in ay furayeen Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom, waxaana ilaa iyo hadda la xaqiijiyey in ay ku geerriyooden Qaraxaasi ilaa 10 Ruux oo isugu jirey Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Federaalka iyo dhaawac intaa la eg.

Qaraxaasi ayaa markii uu dhacayey waxaa Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamud uu qaabilayey ama la kulmayey Wasiirka aarimaha Dibadda ee Dowladda Kenya Sam Ongera , sidoo kale waxaa uu qaabilayey Wafuud caalami oo dhamaantood ugu yimid in ay u Hambalyeeyaan Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya.

Wwaxaa lagu waramey in Hotelka uu Qaraxa lala beegsadey lagu arkeyey Qiiq iyadoo wadooyinka oo gala Hotelka dhamaan la wada xirey.

Waa Qaraxii ugu horeeyey ee lala beegsada Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyadoo Madaxdii ka horeysey sidaan oo kale ay Qaraxyo la kulmeen kuwaas oo ay sheegteen Xarakada Alshabaab , hase yeeshee midkaan maanta lala beegsadey Madaxweynaha Cusub ayaa ilaa iyo hada aaney jirin Cid sheegatey iyadoo Xarakada Alshabaab ay qoraal ay ka soo saartey Madaxweynaha Cusub ku sheegetey in ay si isku mid ah ula Dagaalamayaan islamarkaana aaney joojin doonin dagaalka.

Qaraxaasi markii uu dhacay ayaa waxaa inta badan wadooyinka Muqisho la soo dhoobey Ciidamo aad u fara badan kuwaas oo joojiyey Gawaaridii iyo isku socodkii dadka , waxaana meel weliba gaaf wareegaya Ciidamada Dowladda sidoo kale shacabka Muqdisho ayaa waxay la yaab ku noqotey Qaraxa lala beegsadey halkii uu degenaa Madaxweynaha Cusub ee Hotel ay jasiira

Dhinaca kale waxaa Kulan maanta ay yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka oo uu shir Gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa lagu go’aamiey in Maalinta Axada ah oo ay bishu tahay 16-ka la Caleemo saaro Madaxweynaha taasoo ka dhici doonto Xarunta Madaxtooyada , waxana ka soo qaybgali doona Madax ka tirsan beesha Caalamka gaar ahaan kuwa daneeya arrimaha Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.