Home » Faallo »

SAFARKEEYGII SOOMAALIYA, IYO SIRTII AAN SOO HELEY (Qeybtii 1-aad)

HORDHAC/GOGOL-DHIG

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Intaas kabacdi, waxaan warbixintan ciwaankan leh, ugu talagalay in aan ku faaqido, waxyaabihii aan kusoo dhuuxey, safarkii aan hada ku tagay, ugana soo laabtey wadankeena hooyo gudihiisa, mudadii u dhaxeeysey (Augost 6-2012-illaa-September 6, 2012). Waxaan ku daali doonaa in aan Isbuuckasta soo gudbiyo warbixino, wixiiba karaankeyga ah, haduu Allaah idmo. Inagoo Isbuuckasta ciwaan gaar ah, oo cusub uga hadli doona arimo muhiim ah. Bal aan ku bilaabee, tan Isbuucan waxaan uga hadleeynaa Doorashada Madaxweynenimada Isniinta dhaceeysa beri ah dhacaysa.

Musharax, xildhibaan, laaluush  iyo Kursi, maxaa kala heeysta Isniinta!

Akhristoow, Musharixiinta waxeey u kala qeybsanyihiin laba nuuc. Qaar ku dadaaley kuna guuleeystey in eey Beelahooda iyaga Xildhibaannada usoo xulaan, si codadkooda eey ugu xisaabtamaan mustaqbalk, waliba kuwa Beeshooda ah iska daaye, ku guuleeystey in eey Dhaqaale ku qanciyeen Ugaasyada, si eey u soo xulaan Rag loo tilmaamey  oo keen la yiri. Ragaas waxeey kala ahaayeen Sadexda Mas’uul ee ugu sareeysey Dowladii waqtigeeda dhamaadey, sida: Madaxweyne Sh. Shariif Sh. Axmed, Prof.Cabdiwali Cali Gaas iyo Shariif Xassan Sheikh Aadan. Intaa oo kaliya ma dheereeyn sadexdan Musharax, musharaxiinta kale’e, waxeey kaloo dheeraayeen, in eey si gaar ah ugu isticmaalayeen Ololahooda Musharaxnimada Madaxweyne, Hantida Dowlada, sida; Gawaaridii Dowlada, Xarumihii Dowlada, Ciidankii Dowlada, iyo dhamaan Agabkii kala duwanaa ee Qaranku lahaa. Musharixiinta kale ee sadexdan kasoo harase, ma aaney heysan intaas oo dhan oo fursado ah, oo halka sadexdan odey eey Vila Soomaaliya wufuuda ku qaabilayeen, inta kasoo hartey hoteello iyaga eey kireeysteen ayey dagaanaayeen. Gawaari eey kireysteen ayaa sawirada musharaxnimo ugu dhaganaayeen, Agab Doowlad oo eey sida Ragaa, eey si shaqsi ah ugu isticmaalaana ma eeysan helin, iyo waliba Dhaqaalihii Dowlada ee Umamdu laheyn, oo sida Sadexaa kore, eey Codad ku gataan intaba. Sidaa daraadeed Ragu isku fursad ma aha, Gudiga Doorashaduna Indhaha ayey ka laabteen, Arimahaa aan sharciga aheyn, ee Sadexdaa nin fursada gaarka ah dheereeysiisey inta kasoo hartey iyaga.

Waxaa la yiraahdaa “Haadda Tukaa u dhiifoone”. Shariif Xassan Sh,Aadan oo loo yaqaan “Shariif Sakiin”,  Wuxuu ku guuleeystey in uu madax uga dhigo Odey eey isku Beelyihiin, Gudigii ansixinayey, hadii wax cilladeeysanyihiina, dib u celinayey Xildhibaanada liiskooda la keeno.

Intaa kadib isaga iyo Prof. Cabdi Wali Cali Gaas oo isgaashaan-Buursanayana waxeey ku guuleeysteen in eey gudiga marsiiyaan intii kasoo jeedey Beelahooda, iyo waliba intii eey dhaqaalaha ku siiyeen Ugaasyada beelaha kale, si eey usoo xulaan raga eey wataan kadibna eey ugu codeeyaan. Halka Sh. Shariif Sh.Axmed oo hurdo weyn ku jirey, Ragiisiina Daaqada lagala wada baxey, kuwaasoo u badnaa Ragii Culimada ahaa ee Maxaakiimta, Ruug cadaayaal siyaasadeed, waloow qaar Hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho ka mid ahaana eey ku jireen. Markii eey u noqdeen xubnahaasina Sh. Shariif, sidii Shariif Xassan iyo Cabdiwali eey Ragooda eey dhaxda ugu xirteen, ma aanu ugu gulfine, wuu laadlaadiyey. Balse goordambe oo “Xeero iyo fandhaal kala dhaceen”, ayuu bilaabey in uu Waziirkii Arimaha Gudaha diro, kuna amro in waxoo dhanba la joojiyo, taas oo Mahiga iyo Safiiro reer Galbeed ah oo la socdey eey hor Istaageen. Wuxuu sidoo kale Sh. Shariif bilaabey in uu shirar xasaasi ah Beelweyntiisa, iyo taageerayaashiisa guudba la galo, iyo in uu Maxaabiis farabadan ooda ka qaado, taasoo siyaabo kale loo micneeyey. Isagoo ku andacoonaya in dadkan liiskooda lasoo celiyey, maadaama eeysan Maxkamadi xukumin, in Dambiilayaal aaney aheyn Sharciyan. Isagoo cuskanaya, oraahda sharciyeed ee dhaheeysa “Everyone is innocent, unless proven guilty”.oo ah in illaa qofka Maxkamadi Dambi ku cadeeyso uu Dambi-laawe yahay.

Dhinaca kale; soo xulitaanka xubnaha meeshii eey gaartaba, waxaa bilaawdey isku jilaafeeynta kursiga Gudoomiyaha Baarlamanka, oo sadexdii Rag ayaa is tusey in Kursiga Madaxweynenimo uu iyaga dhexyaalo, sidaa daraadeedna eey tahay in eey Siyaasad ahaan “Ukala Dishaan!”, si taasi u dhacdana waxaa mid kasta uu ku dadaaley in uu u ololeeyo: 1-In nin isaga ku heyb ah aanu isu soo sharixin jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka, 2- Iyo in Rag kasoo jeeda Beelaha labada ninee kale, uu u Ololeeyo, si Foorfaayt looga qaado cayaarta, markii mid uu daaqada ka baxana, ka guuleysashada kan kale uun xooga la saaro, oo eey howshu kala fududaato.

Waxaa la isu Jilaafeeynayey sidan. Sh. Shariif Sh. Axmed wuxuu u ololeeyey Prof. Jawaari oo kasoo jeeda Beesha Digil iyo Mirifle, kaasoo ku gacanseeyrey Odayaashii Digil iyo Mirifle ee Shariif Xassan uu ka dhaadhiciyey in qof Digil iyo Mirifle ah aanu isu soo sharixin Gudoomiye Baarlamaan, maadaama uu ku doodayey in Beesha Digil iyo Mirifle eeysan aheyn in markasta loo qoondeeyo jagada sadexaad, iyadana ku qanacdo, balse eey mudantahay in eey labada jago ee ugu sareeysa Dowlada midkood eey qabtaan,maadaama uu isaga tan madaxweyne uu hami weyn uga jirey. Balse Prof. Jawaari wuu diidey, waxaa oo dhanna wuu ku gacanseyrey, taageerada Sh. Shariif iyo taageerayaashiisana wuu heystey. Waxaa sidoo kale jirtey in Prof. Jawaari uu dhowr Musharax oo kale, uu heshiisyo hoose oo kala gooni ah la galay, isagoo waliba kala qarinayey in mudo ah, taasoo usaamaxdey in uu ku guuleeysto Jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Waxaa sidoo kale jirtey in Shariif Xassan Sh. Aadanna uu u ololeeyey in uu soo sharaxo Mudane Mustafe Dhuxuloow oo kasoo jeeda Beesha Hawiye, si Sh. Shariif uu daaqada uga baxo, balse Mustafe waxaa ku kacay Beeshiisa gaar ahaaneed iyo tii guud ee Hawiye, ugu dambeeynna wuu ka istaagey. Shariif Axmed-se sidaa kuma aanu quusane, wuxuu heley Prof. Cali Khaliif Galeyr, oo isu soo sharaxey qaab ka Aar-goosi Hogaanka Maamulka Puntland ah, maamulkaasoo si aad ah u taageeysan, una wata Mushaxa madaxweyne ee Prof. Cabdiwali Cali Gaas, oo Beel ahaan eey isleeyihiin Maamulka Puntland iyo Madaxweyne Faroole. Maadaama Prof Galeyr uu tirsanayey in eey si aad ah ugu faragaliyeen Maamuulkii Khaatumo iyo Xubnaha Beeshiisa gaar ahaaneed u matalaya Baarlamaanka. Prof.Galeyr Beesha Daarood wuu ka diidey taladii eey usoo jeediyeen, ee aheyd in aanu isu sharixin Jagadaa Gudoomiyenimada Baarlamaanka, waloow laga guuleeystey, meel sare ayuu gaarey, si sharaf leh ayuuna ugu wareejiyey saaxiibkii Prof. Jawaari.

Prof. Cabdiwali Cali Gaas, oo isna sadexdaa nin kamid ahaa ayaa isagana wuxuu gadaal ka riixayey illaa labo musharax oo Prof. Jawaari ku jirey, si labadan nin midkood uu u rajo tiro.

Ugu dambeyn waxaa meesha ka baxay Musharax Shariif Axmed Sh.Aadan, maadaama Jawaari ku soo baxay Gudoomiyihii Baarlamaanka, Dowlada hada jirtana eey ku dhisantahay Nidamaanka qalafsan ee 4.5.Waxaa isu soo haray labo ka mid ah sadexdii Hargaanti, ee goor hore soo xushey, kalana xareeystey Xubnaha Baarlamaanka.

Sadexdan nin oo kaliya ma aaney tartameeyn oo waxaa sidoo kale jira Liis dheer oo Musharixiin kale ah, oo u tartamaya jagada Madaxweynenimo, balse ololahooda Musharaxnimo, uu waqtigiisii kasoo hormarey, maxaa yeeley iyaga saxiixayaashiina kama aaney mid aheyn, soo xulasho xildhibaanana fursad ma aaney u helin, sidaa daraadeed waxeey dadaal badan ku bixiyeen in eey xildhibaanadaa lakala xareeystey iyana dhinac ka xodxotaan, Idaacado iyo TV-yo gudo iyo Dibadba ahna eey wareeysiyo siiyaan, Boorar eey meelaha ku dhajiyaan, Shabakada internet-ka oo eey sawiradooda iyo Boorarkooda ku faafiyaan, sidii in eey Shacabka si toos ah madaxdooda u dooranayaan oo kale “One man, one vote”. Halka xaqiiqda biyo kama dhibcaanku tahay, in xildhibaano niman u kala xareeysan, eey dooranayaan madaxweynaha. Ragan aan sheegeeyno waxaa ugu taageero badan, Mudane Farmaajo oo ah hogaamiyaha ugu shacbiyada badan, iyo Mudane Dr.C/Raxmaan Baadiyoow oo taageero xoogan ka heysta Ururka Caalamiga ah ee Ikhwaanka, iyo Mudane Xassan Sheikh oo bahda Tacliinta taageero isna ka heysta, iyo kuwo kaloo farabadan.

Maadaama fursadahaa raga kale heystaan, ee aan kor kusoo sheegney aaney kuwan heysan, rajada kaliya ee aay qabi karaan, waa in Xildhibaanada Damiirkooda uu ka dheereeyo Hungurigooda iyo Shilimaadka laga yaabo in eey dhowr musharax ka wada qaateen. Mid ahaa xildhibaan illaa Dowladii Carte, ayaa nagu yiri, tartankan ka hor waligeey lacag Madaxweyne uguma codeyn, laga yaabe Ballan-qaad Jago in aan ugu codeeyey, laakiin hada waan bislaadey, Waziir ku xigeena waan dhaafiwaayey, wixii maanta ka biloowda waa “Kista i bar marka hore, waxa kale ha inoo dambeeyaane!”. Marka u maleyn maayo in eey isku laaluush bixin noqon karayaan, nin Qasnadii dowlada u ballaqantahay, iyo wixii laga boobey hantida Ummada iyo waa dhinaca kalee, nin Dhaqaale kiisa ah iyo mid loosoo Qaaraamey, ku tartamaya. Waxaan sidoo kale meesha ka marneyn, Dowladaha dariska, Wadamada Soomaaliya daneeya iyo Guud ahaan Beeha Caalamka, oo iyana danahooda gaarka ah darteed Musharaxooda wata, isla wata, kalana wata.

GABAGABO IYO GUNAANAD

Marka dhinacyo badan laga fiiryo, waxaa beri la filayaa in uu Sh. Shariif Sh. Axmed markale, kusoo noqdo Jagada Madaxweynenimada, waloow-Waxkastaahi dhici karaan-. Maadaama uu ololihiisii Prof. Jawaari uu guuleystey, waase hadii eeysan u midoobin Shariif Xassan iyo Prof. Cabdi wali Gaas, taasoo ah mid aan sahlaneyn, maadaama uu Shariif Xassan Ololaha ku taageerey, wateyna Prof. Cali Khaliif Galeyr, taasoo aad usii kala fogeysey isaga iyo Prof. Cabdiwali.Waxaa sidoo kale hor istaagi kara Sh.Shariif Sh.Axmed in Mudanayaaha Baarlamaanka raacaan Oraahdii Musharax Salaad Cali Jeelle ee aheyd “Lacagi waa qaadasho, Codkana waa in aniga la isiiyaa”, oo sidaa wixii eey qaateen inta meel iska dhigaan, ruuxa eey Damiirku sheegayo eey sidaa ku doortaan.

Xaqiiqda ayaase waxeey tahay in Raga badankiiba eey ka tahay Musharaxnimo Madaxweyne “Presidential candidate” oo wax weyn wadamada Caalamka ka ah, eey CV-ga u gasho-Ileyn wadamada badankood, ruux Urur Siyaasadeed oo weyn uu soo Doortey ayaa gaare’e- iyo in eey ku gorgortamaan, oo dhahaan, Afar cod ayaan heystaaye, Waziir ama waziir kuxigeen ma ii ogoshahay, Ninkaagan meesh ugu Tunka weynoow. War jiraabase, Cakaaruu iman!

“Politics is a dirty game”

Wabillaahi Towfiiq.

W/D: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor”
Bare/Macallin Jaamacadeed, Qeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha
Al-Madinah International University, Malaysia
abdulkadirphd@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " SAFARKEEYGII SOOMAALIYA, IYO SIRTII AAN SOO HELEY (Qeybtii 1-aad) "

  1. axmed says:

    suleyman waad naga qoslisey

  2. suleiman says:

    cinwaanka markaan akhriyey waxaan is iri c/qaadir ma sheeko jaceel ayuu soo qoray!! markaan-se gudaha u galey baan fahmey in uu xambaarsan yahay arimo siyaasadeed oo la xirira ololaha loogu jiro doorashada madaxweynenida
    shukran macalim (bare sare) c/qaadir .