Home » Warar »

Dalaaliin ka Dhex Abuuratey 275-ka Xildhibaan iyo 25-ka Musharax

Lacagi waa Qaadasho, Codkana aniga i sii cidi ku arkimeysee….

Iyadoo laba Maalmood ay ka Harsan tahay Xilliga loo Balansan yahay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa hadda Baarlamaanka ka socda Wax qabadka siyaasadeed ee Musharaxiinta iyadoo mid weliba uu balan qaadey in uu is bedel keeni doono , waxaana Magaalada ka socda Ololaha Doorashada oo ay wadaan Musharaxiinta waxaa Magaalada lagu Xardhey Sawiro waa weyn oo ay ku qoran taha Mudane Codka Isii.

Marka intaas aan ka soo Gudubno waxaa Tartankaa loo galayo Doorashada Madaxweyninimada ayaa waxaa ka abuurmey Dalaaliin u kala Dab qaadaya Xildhibaanada 275 Xildhibaan iyo 25-ka Musharax waxaana iigu yaab badneyd markii hadalkiisu isoo gaarey nin aan Garanayo balse meel aan sidaa iiga dheereyn ku hadlayo Taleefoonka Gacanta , waxaana ka mid ahaa hadaladii uu ku hadlaye isagoo markaa la hadlayey Shaqsi kale oo aan islahaa Waxaa uu ku leeyahay Deyn “War lacagtaadii Deynta waan ku siinayaa ee bal ii sug inta ay ka dhamaaneyso Doorashada “

Markii uu Taleefonkii uu dhigey ayaan Xagiisa u dhaqaaqey waxaan Iri ?” War ninyahow Waxaan kuugu ogaa Dalaal iibiya Guryaha iyo Gawaarida hadda ma waxay kuula gashey Doorashadii” Inta Qosley ayuu yiri “Saaxiib waad I dhegeysaneysey Miyaa markaan is haysaney Ninkii Deynta igu lahaa “: Markaas baa iri” Haa waan ku dhageysnayey oo Cid weliba ayaa ku maqleysey sida uu u dheeraa Codkaada “markaasuu yiri

‘ Saaxiib meel waliba way nala gashey Dalaanimadii waad arkeysaa in aan u dhaxeeyo Xildhibaanada iyo Musharaxiinta iyagoo hadda iigu dhow sidaan deynta isaga bixin lahaa waxaana u kala Dab qaadayaa Shan Xildhibaan iyo mid ka mid ah Musharaxiinta Xoogaa waxaa la isku fahmi la yahay lacagta hase yeeshee saacadaha soo socda ayaa saaxiib arrinkaa kala Tuurayaa, marka aan kuwaan dhameeyo kuwa kale ayaa shaqadoodii isugeysaa , Runtii Saaxiib Shidaal waa iga Dhamaadey , Taleefon ku hadalkiisa iska daa, Habeen Barkii baan Gureygeyga tagaa Caku Dalaalnimo kaa gashey Musharaxiin iyo Xildhibaano aan is aamineyn ”

Waxaan iri ‘ Saaxiib qiimaha Codkii imisa ayuu marayaa” waxaa uu yiri isaga oo Afka kala haya” Waa qiimo aad u sareeya Xildhibaano ayaa lacagta ka sokow waxaa loogu Darayaa in loo iibiyo Guri iyo Gaari” Intii aan wada hadleyney ayaa mid kale oo isna Dalaal ah Goobta nagu yimid inta meel gaar ah u baxeen ayaa Hoosta wax la isugu sheegey , waxaana Dhagaheyga ku soo dhacay “ War intaa buu maryaa qiimaha ee iska jir yaan lagaa hoos bixin “

Saaxiibkey baa dib iigu soo laabtey oo i yiri” War Ninyahow Xaalka ma fiicna ee Ilaahow na samatabixi “Markaa baa iri”war Dareenka aad sheegeysid waa maxay markaasuu yiri”Saaxiib waxan la yaabanahay qiimaha uu gaarey Halkii Cod marka Cod sidaan lagu kala iibsanayo waa wax aad ula yaabey waayo nin Malaayiin Doolar Kursi ku raadinayo wallee dadkaan Ilaah baa u maqan Korkoodaa lagu Gorgortamayaa waa Shacab aan garaneyn Dantooda ”

Waxa uu waqtiga uu is guro waxaa la filayaa in maalinta Isniinta ay dhacdo Doorashada Madaxweynimo iyadoo ay ka qayb galayaan Ilaa 25 Musharax waxaana maalmahan si aad ah loo hadal hayey Doorashadaas , waxaa dadka ay ku Xooman yihiin Dhegysigga Idaacadaha , Daawashada Talifishinada , Daalacashada Webabka Soomaalida iyo Jaraaiidka , waxaan Magaalada ku soo Qulqulaya Warfidiyeeno Shisheeye kuwaas oo doonaya in ay si toos ah u tabiyaan Doorashadaas oo noqotey Doorashadii ugu horeysey ee ka dhacda dalka Gudihiisa hase yeeshee dadka intiisa badan ayaa qaba hal ku dhig maalmahaan la isla dhexmarayey oo ahaa “Lacag waa qaadasho Go’aanka waxaa leh Xildhibaanka” waa sidii uu xaley ku Beer laxowsadey Xildhibaanada Musharax Salaad Cali Jeelle oo yiri “Xildhibaanow lacagta qaado laakiin Aniga Codka i  sii Cid ku arkimeyso.  (Daawo Hadalka Jeelle oo ah Musharax: “Lacagi waa Qaadasho, Codkana waa in aniga la i siiyo”)

Isku soo duuboo Haddi Eebe Idmo waxaa maalinka isniinta lagu Balansan yahay Doorashada Madaxweynaha Iyadoo Dadka isugu jiraan kuwa Doonaya in ay arkaan Wajiyo Cusub , halka kuwa kalena ay doonayaan in qaar laga soo celiyo Madaxdii Hogaamineysey Dowladii Federaalka sida Shiikh Shariif iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Hadaba soomaalidu waxay Tiraah “GARI LABA NIN KAMA WADA QOSLISO” sidoo kale Waxay Tiraah “FARDO LA ISKU HAYO MAXAA LA ISUGU FAANAA”:

Ragga u Sharaxan Doorashada ee 25- ee buuxiyey Shuruudihii looga baahnaa waxaa ka mid ah

  1. Axmed Ismaaciil Samatar
  2. Bashiir Nuur Bidaar
  3. Cabdilaahi Axmed Cadoow
  4. Cabdiqaadir Cosoble
  5. Cabdiraxmaan Baadiyoow
  6. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
  7. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi
  8. Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex
  9. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
  10. Cismaan Maxamed Gacal
  11. Cumar Salaad Cilmi
  12. Ibraahim Cali Xuseen
  13. Maslax Maxamed Siyaad
  14. Maxamed Axmed Saalax
  15. Maxamed Cabdilaahi Farmaajo
  16. Maxamed Cabdilaahi Oomaar
  17. Maxamed CabdiWeli sheikh Yuusuf
  18. Saciid Ciise Maxamuud
  19. Salaad Cali Jeele
  20. Shariif Sheekh Axmed
  21. Xaaji Maxamed Yaasiin
  22. Xasan Sheekh Maxamuud
  23. Xuseen Khaliif Jaamac
  24. Yuusuf Garaad Cumar
  25. Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Dalaaliin ka Dhex Abuuratey 275-ka Xildhibaan iyo 25-ka Musharax "

  1. waxay ahayd maanta oo kale oo xaaladda dalka iyo dadka somaliyeed ku sugan yihiin in la baryo qofka xilkan qaban kara haddii ay daacadi jirto , waase la yaab in maanta rag la hor cararayo xildhibaanada malaayin dollar , haddaba waa maxay sababta uu u rabo qof in uu Doorasho iib ah ku helo oo haddana ballan qaaado wax qabad sidee uga rajaynkaraa wax qabad dalka iyo dadka u wanaagsan.