Home » Warar »

Khubaddii Salaad Cali Jeelle ka jeediyey Baarlamaanka: “Lacagi waa Qaadasho, Codkana waa in aniga la i siiyo”

Khubad socotey 15 daqiiqo oo xildhibaanada, shir guddoonka baarlamaanka iyo musharaxiinta kaleba ay qosol aan kala go’lahayn kaga jawaabeen….

Musharaxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya doorashada September 10, 2012 ayaa in badan oo kamid ah waxay khudbado ka hor jeediyeen baarlamaanka, khubadadaas oo ay ku cabirayeen aragtidooda ku wajahan waxqabadkooda haddii ay xildhibaanadu u doortaan madaxweyne.

Musharaxiinta khubadaha jeediyey waxaa ka mid ahaa Salaad Cali Jeelle, khubadaas oo socotey qiyaastii 15 daqiiqo waxay ahayd khubad bilowgeedii ilaa dhammaadkeed ay xildhibaanada iyo musharaxiinta kaleba aysan qosol kala joojin.

Khubaddii Salaad Cali Jeelle ka daawo Video hoose oo uu duubay TV-ga Somali Chanel.

VIDEO: “Lacagi waa Qaadasho, Codkana waa in aniga la i siiyo”


Musharaxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya:

  1. Axmed Ismaaciil Samatar
  2. Bashiir Nuur Bidaar
  3. Cabdilaahi Axmed Cadoow
  4. Cabdiqaadir Cosoble
  5. Cabdiraxmaan Baadiyoow
  6. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
  7. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi
  8. Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex
  9. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
  10. Cismaan Maxamed Gacal
  11. Cumar Salaad Cilmi
  12. Ibraahim Cali Xuseen
  13. Maslax Maxamed Siyaad
  14. Maxamed Axmed Saalax
  15. Maxamed Cabdilaahi Farmaajo
  16. Maxamed Cabdilaahi Oomaar
  17. Maxamed CabdiWeli sheikh Yuusuf
  18. Saciid Ciise Maxamuud
  19. Salaad Cali Jeele
  20. Shariif Sheekh Axmed
  21. Xaaji Maxamed Yaasiin
  22. Xasan Sheekh Maxamuud
  23. Xuseen Khaliif Jaamac
  24. Yuusuf Garaad Cumar
  25. Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Khubaddii Salaad Cali Jeelle ka jeediyey Baarlamaanka: “Lacagi waa Qaadasho, Codkana waa in aniga la i siiyo” "

  1. QOSOL BADANAA NINKA WUU IGA QOSLISIIYAAY SOMAALIYEY MEEL MA KALA JIRNOO SAAAN U NECBAA HANADANA SHAACIRO AYUU II NOQDAY ILAAHAY MID HANAGA DHIGO MARLABAAD QALBIGEENA DHIBKA HAKA QAADO ILAAHAY

  2. suleiman says:

    salaad cali jeelle qudhiisa wuu og yahay inaan cidi dooraneyn sidaas darteed ayuu meesha keeney kaftan iyo waxaan loo joogin!!!. ha loo sheego xildhibaanadaan badanaa waa dad aqoon iyo si hufan loo soo doortey caadaqaatayaashii mooshinka iyo laaluush ku shaqeen jirey waa ku yar yihiin ee istartiibi ku dhaha. nasiib ayuuba leeyahay hadaan sii saxiibadiis laga reebin kamid noqoshada baarlamaanka…..

  3. aad iyo aad ayaan marka kobaad ugu faraxsanahay habka qiimaha leh ee dorashada u dhaceeso, mida xigto waxaan fikrad kudarsan lahaa umada walaalahay ee somaliyeed iyo musharaxiinta u taagan madaxtinimada in eey si cadalad ah u tageeraan qofki ala qofki ku gulesto madaxnimada, madaxweynaha gulesan donoow adigane noqo kii dalkiisa iyo dadkiisa wax u qabto oo hanoqon ku beeshisa kaliye fiiriyo fiiri midnimada iyo walaaltinimada somaliyeed… Waxaan qoralkeyga kusoo dhamenayaa walalayaal diinteena sharafta leh halagu adkado ree galbeedka fikradey wataan si diplomasi ah haloola dhaqdo anago isku ilaalineno iskana ilalineeno wayo manta hadii eey umada somaliyeed ahaan laheed dad is maqlayo uma aanan bahnaaneen dadkan ajanibta ah ee nagu dhexjiro madaama hada eey dhacday hadane danteena aan kafiirsano ayagane aan kudanesano xag dhaqaale iyo xag dhisma wadanka mahadsanid dhamaan.

  4. soomali talk waxaan leeyahay waa wepka ugu wanaagsan marka loo fiiriyo kuwa ka hadlo siyaasada soomaaaliya

  5. kahin nur says:

    Soomaalaay xaalqaado hadii Salaad Caliba uu haweysanayo inuu xil u qabto umaduu ku xasuuqayey Muqdisho, war walaalaha Somalitalk iska saaro waxakan ma istaahilo in la dhageysto dhiig yacab ku naaxay dhiigii shacabka Soomaaliyeed.

  6. Waa hadal aan kujirin wax nifaaq siyaasadeed. Wuxuu taabanaya dhibaatooyin jiro laakinse waxaa ka maqan balan-qaad siyaasadeed sida ay rag badan sameeyeen walow aysan qabankarin