Home » Warar »

Labaatan Musharrax oo u Taagnaa Xilka Madaxweynaha oo u tanaasulay Xaaji Maxamed Yaasiin

Kulan ay shalay Isniintii ku yeesheen gelinkii danbe Magaalada Muqdisho Isbaysiga Musharixiinta isu soo Taagtay qabashada Jagada madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaarkood xilkaas isaga Tanasuleen.

Af hayeen u hadlay Musharixiintaas ayaa ka war bixiyay sida ay arrintaa ku dhacday isagoona sheegey in ay ku heshiiyeen in hal Musharax oo tartanka uga qayb gala ay iska soo xulaan.

Afhayeenka ayaa sheegey in shalay ay sameeyeen Doorasho dhowr Wareeg ka kooban oo la is reeb reebayay isla markaana guddoonku ahaa in Musharaxa ugu danbeeya ee ku guulasyta Doorashadaas inuu ahaado midka Isbahaysigooda u matalaya Musharaxnimada Soomaaliya isaguna uu uga qayb galayo. Musharaxa isreebreebkaas ku Guulasyatay ayaa waxaa uu noqday Musharaxa Xaaji Maxamed Yaasiin Ibraahim oo isugu Isbahaysigaas ka tirsanaa oo noqday Ninka ku Guulaystay inuu Jagadaas u Tartamo.

Musharixiintii kale oo Isbahaysigaas ka tirsaneed oo tiradoody ay gaareysey illaa Labaatan Musharax ayaa goobta ka cadeeyay in ay ka tanasuleen Musharaxnimadii ay ku doonayeen in ay xilkaas ugu tartamaan.

Arrintan ayaa lagu macneeyay Siyaasad Cusub ee ka hana qaadday Soomaaliya isla markaana ay habboon tahay in lagu daydo.

Waxaa illaa iyo iminka u taagan Musharaxnimada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in ka badan Labaatan Musharx kuwaasoo badankood maalinimadii shalay soo gudbistay Codsiyadooda.Tirada guud ee iminka u sharaxan Jagadaas ayaa waxaa ay gaarayaan laba iyo Labaatan Musharax kuwaasoo sida la filayo isu soo taagi doona Doorashada Maalinta Tobanka Bisha ah ka dhici doonta Magaalada Muqdisho. Si kastaba tiradan tanasushay ayaa waxa ay hoos u dhigaysaa Musharixiintii faraha badnaa ee isu soo taagayay Xilka Madaxweynaha in kastoo weli ay aad u badan yihiin marka la eego kuwa haatan xilkaas u ol oleynaya.

Dhinaca Kale Gen. Cabdikariin Faarax Dhega Badan Abbaanduulaha Ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa shalay shir jaraa’id ku qabtay gudaha Magaalada Muqdisho.Abbaanduulaha oo waraysisiigiisu dhinacyo badan taabanayay ayaa ugu horeynba waxaa uu ka hadlay Doorka Ciidamada ee ku aaddan Ragga isu soo sharaxaya Jagada Madaxweynaha Soomaaliya.

Dhega badan ayaa sheegey in Milaterigu Siyaasadda Dalka uusan wax Shaqa ah ku lahayn isla markaana ay dhex dhexaad ka yihiin Ragga xilkaas u tartamaya aysana jirin cid ay si gaar ah u taageerayaan.Jeneraalka ayaa hoosta ka xarriiqay in Ciidamada dawladdu ay la shaqayn doonaan cid kasta oo jagadaas ku guulaysata iyaguna aysan cid gaar ah la jirin. Cabdikariin Yuusuf Aadan ayaa dhinaca kale soo hadal qaaday in ay sugayaan ammaanka Musharixiinta Xilkaas isagoona ballan qaaday ammaankooda inta ay ku guda jiraan Tartankaas.


Magaalada Adis-Ababa oo la isla Dhex Marayo in Melles Zanawi uu u Geeriyoodey Sun la Siiyey

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Adisb Ababa ee Dalka Itoobiya waxay sheegaya in Raiisul Wasaarahii hore ee Dalka Itoobiya Melless Zanawi uu u geeriyoodey Xanuun uga yimid Sun loogu darey Cabitaanka uu Cabey Waqti Habeen taasoo soo dedejisey in markiiba loola Cararo Isbitaalka

Suntaas ayaa la sheegey in Melless markiiba Miyir Doorsoon ku ridey iyadoo Dhaqaatiirta Wadankaas ay isku dayeen in ay la Tacaalaan ama ay badbaadiyeen hase yeshee markii ay gacan ka taageen ayaa waxaa ;loola Cararey Dalka Biljama isagoo weli Miyir la’a

Dhaqaatiirta Wadanka Biljam oo isku dayey sidii ay dib ugu soo celin lahaayen Miyirkiisa ayaa u suurta gelin , waxana la sheegey in lo okeeney Dhaqaatiir kale ooku Takhasusey sida loo daaweeyo dadka la siiyo Sunta waxaa lagu waramey in ay wax ka qaban waayeen Xaalada Melless Zanawi

Hadaba warar kale Duwan ayaa ka soo baxay Sidii uu u geeriyoodey Raiisul Wasaaraihii hore Wadanka Itoobiya Melless Zanawi warar ayaa sheegey in maalin ka hor inta aan lagu soo boodey Melless Zanawi baaritaan Caafimaad oo lagu sameyey Dhaqaatiirtu ay sheegeen in Caafimaadkiisu Boqolkiiba Boqol uu aad u Wanaagsan yahay maalintaa ka dib waxaa lagu soo waramey in Melless Xanuun deg deg ah u ku soo boodey oo dhinaca caloosha ah .

Warar ayaa sheegaya in uu isa soo tarayo Meless loo badino in la Sumeeyey ayna ka dambeeyeen Wadamo Shisheeye ka dib markii Waqtiyadii dambe Raiisul Wasaarihii hore uu wax ka badeley Siyaasadiisii uu kula shaqeynayey Wadamo ay aad isgu dhawaayeen Dowladda Itoobiya ka dib markii uu la Xirtey Wadamo kale oo ay si aad isaga soo horjeedaan Wadamada Reer Galbeed

Nin Itoobiyaan ah oo lagu magacaabo Diraase Worgis oo u waramayey Jaraaid ay leeyihiin kooxaha Mucaaradka ah ayaa yiri” waxaa uu ahaa Hogaamiye aan jecelnahay Waxaan aaminsanahay in Melless Zanawi la sumeeyey waayo dadkii ku dhawaa Melless ayaa Qariyey in ay sheegaan Xanuunka ku soo boodey Raiisul Wasaaraha taasi ayaa kuu Caddeyneysa in Melless Zanawi la sumeeyey mar dambe ayaa ogaan doontiin sababhii uu u geeriyoodey Melless Zanawi “

Geerida ku timid Melless Zanawi ayaa waxay kadis ku nqotey dadka ku nool Wadankaas oo ilaa iyo hadda aan garaneyn waxa uu u geeriyoodey Melless inkastoo Mucaaradka Wadankaas ay sheegeen Melless Zanawi in isla Habeenkii lagu soo boodey laba maalin ka dib uu geeriyoodey iyagoo sheegey in Sababha loo Qarinayey ay ahayd si aysan fara uga bixin Xaalada Wadankaas

Haddii ay dhab noqoto in Melless Zanawi uu u geeriyoodey Sun la siiyey waxaa uu marayaa wadadii ay mareen Madaxweynayaal ama Hogaamiyayaal dhowr ah uu Dunida Madax ka noqdey oo qaar lagu diley Sun oo uu ku jirey Hogaamiyihii hore ee Falastiinyiinta Yaasir Carafaad waxaa qaar kale lagu qarxiyey Diyaarado sida Hogaamihii hore ee Bakistaan Siyaa Ul Xaq

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.