Home » Warar »

Shiikh Shariif iyo oo kulan la qaatey Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka, Jawaari

Iyadoo habeenkii Arbacadu soo gelaysay Xilli dambe la soo Gunaanaday Tartankii Doorashada Musharixiinta Guddoonka Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa arrintaa darteed waxaa si wadajir ah Shir Jaraa’id u qabtay Madaxweynaha uu Xilka ka dhamaaday Shiikh Shariif iyo Guddoomiyaha Cusub ee Barlamaanka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari.

Ugu horeyn waxaa halkaa ka hadlay Shiikh Shariif oo u Hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya isagoona sheegey in la qabtay hawl aad u muhiim ahayd isla markaana uu soo dhaweynayo Guddoomiyanimada Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari.

Shiikh Shariif ayaa hoosta ka xarriiqay in tani ay qayb ka tahay dadaalkii lagu doonayay in Soomaaliya ay kaga baxdo hanaankii ku meel gaarnimada oo ay mudada ku soo jirtay isagoona Beesha Caalamka u sheegey in hawlihii Road-Map-ku haatan ay marayaan meel gebo gebo ah.

Shariif Shiikh Axmed ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha Cusub ee Barlamaanka in Ilaaheey xilkiisa u fududeeyo isagoo Baarlamaankna ka codsaday in ay la shaqeeyaan Guddoomiyahan Cusub ee la doortay.

Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha Cusub ee Barlamaanka oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa dhamaanba u mahad celiyay Xildhibaanadii Codka siiyay iyo kuwii aan siinba isagoona sheegey in xilkaas loo dhiibay uu isku dayi doono sidii uu uga soo dhalaali lahaa.

Jawaari ayaa sheegey in hawlo badan ay sugayaan Baarlamaanka Soomaaliya sidaa darteedna ay bilaabi doonaan sidii ay u soo dooran lahaayeen Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya maalmaha soo socda.

Guddoomiyaha Barlamaanka ayaa sheegey in Arabaco ay Xildhibaanadu nasan doonaan maadaama ay ku daaleen hawshii Talaadadii illaa habeenimadii Arbacadu soo geleysay ay wadeen Maalinimada Khamiistana ay fadhigoodii 4aad isugu imaan doonaan si ay u sii amba qaadaan hawlaha laga sugayo Barlamaanka Soomaaliya oo ay u horreyso Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Kulankaan ayaa dadka Siyaasada Odorosa waxay leeyihiin waa kulan siyaasadeed oo loogu Gogol Xaarayo Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya iyadoo dadka qaar ay sheegayaan soo Bixidii Mudane Jawaari uu u Ololeeyey Shiikh Shariif, warar kale ayaa sheegaya in Mudane Jawaari ay wateen Beesha Caalamka maadaama Sannadihii la soo dhaafey uu ku dhex jirey la shaqeyna Hayadaha daneeya arrimaha Soomaaliya.

Si kastaba habeenimadii Arbacadu soo geleysay saq-dhexe ayaa Guddoomiyaha Barlamaanka iyo labadiisa ku xigeenba loo dhaariyay Xilalka ay ku guuleysteen, doorashadan oo noqotay tii u horreysey ee Dalka ka dhacda in ka badan Afartan Sano.


Maxkamad ku Taala Gobolka Virginia ee Mareykanka oo Xukun Mag Dhow ah Dul Dhigtay Gen. Maxamed Cali Samatar.

Dacwaddii ka Socotay Dalka Maraykanka laguna qaadayay Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Gen. Maxamed Cali Samatar ahaana Wasiirkii Gaashaandhiga Dowladii Milatariga ayaa iminka soo gaba gabowdey kaddib Siddeed sano oo ay Dacwaddaasi Socotay.

Maxkamadda ayaa Jeneraal Samatar ku Xukuntay Kow iyo Labaatan Milyan oo Doolarka Maraykanka ah oo Mag dhow ahaan loo siinayo Xubnihii Eedeynayay Samatar.Xukunka ayay Maxkamaddu si kama dambays ah ugu dhawaaqday in Generaalku Mag dhow ka bixiyo Gabood falkii uu u gaystay Dhibanayaashaas iyo eheladooda.

Qaar ka mid ah Xubnihii Dacwaddaas dabada ka riixayay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegey in ay kaga guuleysteen Dacwaddii mudada Sideedda sanno ah ay daba taagnaayeen iyagoona intaa raaciyay in Ujeedkoodu uusan ahayn in Lacago loo xukumo balse ay doonayeen sidii cadaaladda loo hor keeni lahaa cid kasta oo dembi ka gashay dalka Soomaaliya

Si kastaba qareenaddii u doodeysey Gen. Samar ayaa sheegtay in ay Racfaan ka qaadan doonaan. Xukunkaas. Sidoo kjale Shacabka Soomaaliyeed qaar ka mid ah ayaa Dacwadaas ku Tilmaamey mid Xaqdaro waayo Xukunkii Milatariga dadka Soomaaliyed dhamaantood wey ka qayb qaateen iyagoo sheegey in Gen Cali Samater loo beegadey ay tahay arrimo Qabiil waxayna Dowlada Mareykanka ay ka Codsadeen in Dacwadaas dib u eegaan waayo kuwa ka tirsan Saraakiishii Ciidamada Dowladii Miltariga ayaa ku nool Mareykanka iyo meel ka mid ah Yurub oo aan wax Dacwad ah lagu qaadin.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.