Home » Warar »

Prof. Jawaari: Baarlamaanka Cusub Waxay dib u eegis ku samaynaaya Dastuurka KMG, qodobadiisana wax ka bedelayaan….

Soomaaliya: Guddoomiyaha baarlamaanka cusub, Prof. Maxamed Jawaari, ayaa markii la doortay waraysi uu bixiyey waxa uu kaga hadlay Dastuurka Kumeel gaarka ah.

Waxana uu sheegay in arrimaha ugu waaweyn ee sugaya baarlamaanka ay tahay in ay dastuurka dib u eegis ku sameeyaan, oo qodobadiisa wax ka bedelaan, wax ku kordhiyaan ama  ka dhimaan ilaa afti dadweyne lagu ansixinayo.

Prof. Jawaari oo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri: “Dalka Dastuur ayuu yeeshay, waa hubaal, hase yeeshee dastuurka ma dhamaystirna, si kumeel gaar ah ayaa waxaa u soo ansixiyey gole dastuur ansixineed. Baarlamaanka arrimaha ugu waaweyn ee xilalka sugaya waxaa weeye in ay dastuurka dib u eeegis ku sameeyo, oo aftina u diro, ilaa inta afti dadweyne lagu ansixinayo inta ka horeysa waxa uu u furan yahay baarlamaanku in ay wax ka bedelaan qodobadiisa, oo wax ku kordhiyaan ama ka dhimaan, taasi baarlamaanka ayey u furan tahay, dastuurka xaaladiisuna waa midaas…”

Hadlan ka dhegeyso waraysiga Jawaari siiyey TV-ga Somali Channel

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Baarlamaanka ayaa Agoosto 28, 2012 waxay guddoomiye u doorteen Prof Maxamed Sh. Cismaan Jawaari.

Dastuurka Kumeel Gaarka ah oo Muran gelinaay Dhulka Soomaaliya iyo Kenya oo siyaadisey Damaceedii badda:

Dastuurka sida kumeel gaarka ah loo ansixiyey Agoosto 1, 2012 waxa uu u gogol dhigayaa sidii muran loo gelin lahaa dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya (dhulkii hore xorta u ahaa), isla markaasna loo dhaxal wareejin lahaa.

Qodobka 7aad ee dastuurka KMG waxaa lagu siyaadiyey saddex faqradood ee hoos ku qoran:

Qodobka 7: faqradda 3. Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Somaliya ee khilaafaadka soohdimaha caalamiga ka dhasha in xallintooda loo maro tub nabadeed iyo iskaashi waafaqsan qawaaniinta Dalka u degsan iyo kuwa Caalamiga ah.

Qodobka 7: faqradda 4. Xuduudaha Jamhuuriyada Federaalka Somaliya waa xuduudihii ku astaansanaa Dastuurka 1960 ee Somaliya.

Qodobka 7: faqradda 5. Jihooyinka xuduudaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya:
(a) Waqooyi: Gacanka Cadmeed
(b) Waqooyi Galbeed: Jabuuti
(c) Galbeed: Ethiopia
(d) Koonfur Galbeed: Kenya
(e) Bari: Badweynta Hindiya

Qodobadaas oo lagu soo qoray Kenya waxay u gogol dhigayaan in ugu horayn meesha laga saaro dhulka Soomaalida ka maqan ee ku hoos jira gumaysiga Itoobiya iyo Kenya.

Tan labaad waxa qodobadaasi horseedi karaan in dhulka xorta hore u ahaa lagu qabsado Soomaalida oo muran la geliyo, sida hadda ka socota xeebta la olloga ah Kismaayo iyo Raaskambooni (UFIIRSO: Waxaa dastuurka KMG ku qoran sidan: Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Somaliya ee khilaafaadka soohdimaha caalamiga ka dhasha in xallintooda loo maro tub nabadeed iyo iskaashi….)

Dawladii hore ee FKMG ayaa ahayd tii taariikhda Soomaaliya u horseeday in dhul-badeedka hore xorta u ahaa ay Kenya muran geliso ama damac ka soo galo, kaddib markii ay la saxiixdeen heshiis ahaa khiyaano-qaran, oo loogu magac daray Is-faham, markii dambena heshiiskaas ay waxba kama jiraan ka dhigeen baarlamaankii hore, taas oo sababtay in baarlamaankaas laga dhigo hawl gab.

Damaca Kenya oo laban laabmay intii uu socdey barnaamijkii Roadmap-ka :

Intii ka dambaysay markii baarlamaankii hore ee KMG laga dhigay hawl gabka ee uu bilowday habkii loo bixiyey Roadmapka, waxaa Kenya dardar gelisey in ay qandaraasyo shidaal sahamin ku bixiso aagag ka mid ah dhul-badeedka Soomaaliya.

Dhul-badeedka gudaha ugu jira badda Soomaaliya ee Kenya qandaraasyada ku bixisay waxaa ka mid ah:

  • Block L5 (Anadarko)
  • Block L22 (Total)
  • Block L21, L23, L24 (ENI – Talyaani)
  • Block L26 (Statoil Norway)
  • Block L13 (Zarara Oil)

Khariidaddan hoose waxaa Kenya samaysay bishii May 2012 xilliggaas oo Soomaalidu ku mashquul sanayd waxa loogu yeeray Roadmap.

Sida ka muuqata khariidada waxaa Kenya ku soo xad gudubtey dhul-badeed aad u baaxad weyn.

Soomaaliya waxay leedahay sharci badeed oo qeexaya dhul-badeedka Soomaaliya, oo ah Sharciga No. 37 ee Dhul-Badeedka Wadanka (Somalia Territorial Sea) iyo Dekedaha ee soo baxay 10 –kii September 1972.

Waxaa shacabka Soomaaliyeed la yaabayihiin sababaha kallifaya in dastuurka loogu daro qodobo muran gelinaya dhulka jamhuuriya (oo loola jeedo dhulkii hore xorta u ahaa), halka laga ilaalinayo in Dastuurka lagu daro sharicigii badda Soomaaliya (Law No. 37) si loo quusiyo dalalka damacu kaga jiro  badda Soomaaliya.

Baarlamaankan cusub ayaa looga fadhiyaa in ay sharcigaas Law No. 37 ku daraan Dastuurka, shacabka Soomaaliyeedna aysan aqbalin ansixinta dastuurkaas ilaa qodobkaas lagu darayo, la turxaan bixinayo, lagana saarayo qodoba ka hor imanaya diinta Islaamka, sida culimada Soomaaliyeed sheegeen.

Akhri Xeerkii badda Soomaaliya ee 1972 oo AfSoomaali loo rogey

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Prof. Jawaari: Baarlamaanka Cusub Waxay dib u eegis ku samaynaaya Dastuurka KMG, qodobadiisana wax ka bedelayaan…. "

  1. Cusmaan says:

    Somalitalk waa ku mahadsantahay soo badhigida xogaha cilmiyeysan ee ku wajahan difaaca dalka iyo dadkaba.
    Waxaa ii muuqata in Soomaaliya xaalad cusub gashay taas oo aan wax badan oo tal ahi ku jirin gacanta Soomaalida marka laga hadlaayo dhanka siyaasada.
    In kastoo dastuur dano shisheeye ku salaysan la soo macmalay, in kastoo dadkii ansixiyey la isu keenay oo aqabal la saaray, inkastoo talooyiinkii waxgarad la diidey in la qaato, inkastoo baarlamaanka oday looga dhigey nin muddo la degenaa dadwlada (Norway) ugu danaynta badan arimaha badda soomaliya, haddaana waxaa muddan in la eego halka ay ku dambeeyeen dad badan shaqooyin dabadhilifnimo ah soo qabtay ummadahoodana khiyaamay ugu dambayntiina kuwii la raacay iyo kuwii la khaa’imayba iska fogeeyeen.
    Waxaan Jawaari leeyahay, wax Aadan Madoobe oo hadda hogaamiye kooxeed iyo qaswadeba lagu sheegayo ka xishooday yaan lagugu dagin. Ogow, dadkii Soomaaliyeed waa nool yihiin taariikhduna ma naxdo waana qoreysaa wax san iyo wax xun-ba.. Taariikhdu wa wareegtaa maalinta qolaa gacan sareeysa, kuwa hadda aad dhabarka saareysaan weligood sidaa ahaan maayaan Soomaaliyina weligeed silic kuma jiri doonto Idanka Alle. Dastuurkaan hadaad wax ka bedeleysaan u bedela sida ummadu dooneyso e ha u bedelina sida qolya dibadeed rabaan. sanadkii hadda la soo dhaafay waxaa halaagsamey madax badan oo ummado muslimiin ah u xukumayey dano dad kale mid ka midna lagama qoomamayn wixii ku dhacay tusaale ahaan Cararkii Bin Cali-gii Tuunis, Xabsigii Mubaarak, Dilkii Qadaafi, Dabkii Cali Cabdalle Saalax iyo gilgilkii Ina Asad iyo ina boqor xuseen.
    Ka faa’iidayso Jawaariyow raggaas wax ku dhacay oo ay sabab u ahayd Khayaamo ummadeed oo ay sameeyeen. UNOPS, AMISOM iyo Norway ma leh Somalia . Eebe Xaqa ha ina wada tuso.

  2. Asc Dhaman Somali Mid waa muhim in aan ogano maxan uga damqa laayna ay dhibateynta aay nagu hayan ethopia iyo kenya ma aqan waxa aay somalida iskaga mashqulini taas?!………
    Mida kale kenya iyada waxa aay hada u dam iyo dig ledahay dhul waxa ka weyn seefta aay hos nooga wado waana fahmi waynay wali ma arag rag ka qiroday arima aay watado kenya muwadin majiro miyaa rux u naxo dadka dalka kana qabto…….
    Ethopia dad kena ayey qabta mahil mami karo xasuuqii borame ee dhacay 1984 waana dhinbil naga dhax holci waxaana sugna waqti gena waqtiga hadu sodaho iyo hadu sodhaqsato waa kan imado waana lagu kala baxaaa qofba malin ayu kuleyahay adunka mahil mami karo 4 hooyo oo xamilada ahaa iyo ardadi macaliminti waa muruga go,eyn waxayna mudan yihin talo in looga dhax Dhiso magalada borame iyo mugadishow dhiso dhab ahantii hadana wali weyna gu wadan xasuqa ila firiya muwadin hadi gobol ka hiran ee magalada b/wein malin kasto hadu qarax dhaco waxa maqan shan iyo ka badan ma xaqba mamu waadi nimaa ma islanimaa marka dad kaa waa dad u soo baxay cirib tirka soomalida dadkaa dad iska qabto ALLAHA naga dhigo
    AAMIIN AAMIIN AAMIIN AAMIIN AAMIIN AAMIIN AAMIIN AAMIIN

  3. Aadam says:

    Ma wada diidanin ee qodobo aan diidnay ayaa jira Maxamedoow , ma wada xuma ee waxa xun aan ka saarno dheh , hadii haruub caana ah duqsi kaaga dhex dhoco waa lagu sii ridaa lagana saaraa , marka haatan waa inaan qodobada qaloocan ka saarno toos toosino wixii qaloocan ,

    qaran dhan ayaan ku waynay qalad jiray intaan sixi lahayn ayaa afka dhulka u galinay marka wax ha la saxo ee yaan la qasin Maxamed faaraxoow

  4. Asc wr t wbr dhamaan bahda somalitalk somalia dadkeda wadaniyad wey ka dhamaatay diin dal iyo dadba cid difaacan karto somalida laguma arko sababtoo ah qabiil aya wax walbo inagala weyn teeda kale dhamaan kuwa sheegana siyaasi ama donaya xilal in ay ka qabtaan dowlada la dhisayo ama ti dhacdaybo hal ruux o ka hadlaya lama arko dhibka ugu weyn wuxuu yahay somalida runta iskuma sheegto waayo ninki qaldan hadi lo shegi laha qaladkisa waxba is bedali lahaa lakin wan la yaabanahay sababta runta logu shegi la,ayahay raga qowlaysatada ah c/raxmaan diinaari aya ka hadlay arinti kenya ka damacsan tahay somalia kenya si dagdag ah ayay hal mar afka wada furteen ayago hadalkisa beninaya nin kaloo qadiyad iska baara o diinaari garab istaaga wa laga waayey o kenya u jawab celiya runtana u sheega ha ahaaden kuwa hada xilalka ka dhamaaday ama kuwa gulufka ugu jiree somaliyey ilaahi ina abuurtay aynu u towbad keno iskana daynayo xaqdiga xaasidnimada aynu ka dhaxalnay qabyaalada ogow gacma wadajir bey wax ku gooyaan nin kaliya ama rer kaliya o wax qabsan karo ma jiree wcs

  5. haddaan nahay shacabka soomaaliyeed dhaamaanteen raali kama nihin dastuurka cusub waayo waxaa ku jira qodobo ka hor imaanaya diinta islaamka iyo khatar ku ah dhulka janhuuriyadda soomaaliya dambigaas waxaa shisheeyaha gacan ku siiyo koox qawleysato oo sheegtay madaxda qaranka kuwaasoo aay ka dhamaatay islaamnimo iyo soomaalinimaddii sharafta laheyd marka waa in dastuurka soomaaliya laga saaro qodobadaas