Home » Warar »

Cabdiraxmaan Faroole sheegey in aysan marnaba Ogolaadoonin in Baarlamaanka lagu soo daro Dagaal Oogayaashii iyo Kooxaha Xagjiriinta ah

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole ayaa markii u horeeyay ka hadlay hadaladii dhawaan ka soo yeeray Madaxweynaha uu Xilkiisii dhamaaday Shiikh Shariif Shiikh Axmed ee ahaa in aan laga hor istaagi Karin dagaal Ogaashii in ay galaan Baarlamaanka iyadoo Maxkamad ku Caddeyn .

Madaxweynaha maamulka Puntland Faroole ayaa sheegey in arrintaasu ay tahay mid ka baxsan Heshiisyadii ay hore u gaareen Saxiixayasha roadmapka isla markaana haatan la doonayo in heshiiskaas dib laga baabi’iyo Faroole ayaa si cad ugu nuux nuuxsaday in Guddigu Xaq ay u leeyihiin in ka hor joogsadaan Barlamaanka cid kasta oo dembi dalkan ka gashay, faragelinta Xukuumadda ku meel gaarka ay ku samaynayso Guddiguna ay tahay mid gebi ahaanba Khalad ah.

Cabdiraxmaan faroole ayaa sheegey in Xubnihii uu Guddigu hor joogsaday ay yihiin Dembiilayaal dembiyo kala duwan ka soo galay Dalkaan sidaa darteedna aysan mudneyn in xiligan ay xubno ka noqdaan Barlamaanka Soomaaliya oo la doonayo inuu ahaado mid ka nadiif ah dad ku eedeysan falal Denbiilanimo.

“Marnaba ma ogolaan doono in baarlamaanka ay soo galaan Qabaqablayaashii dagaalka kuwa Xag jiriinta ah waayo dhamaantood waa dambiilayaal dalkaan ka galey Xad gududbyo waaweyn Cidii Gadaal ka riixeyso waakuwa doonayo in ay ku Xadd gudbaan Tubta Nabada Soomaaliya waayo Saxiixayaashui waxay ku heshiiyeen in aan Baarlamaanka lagu soo darin Cid kasta oo dambi ka gashey Dalkaan”ayuu yiri Cabdiraxmaan faroole

Faroole ayaa si dadban u weeraray Shariif Shiikh Axmed isagoona soo qaatay Dagaaladii Maxkamadaha Islaamiga kuwaasoo uu sheegey in ay meelo badan oo Dalka ah ay si xoog ah ku qabsadeen isagoona si gaar ah farta ugu fiiqay in Maxkamadihii iyo Hooggaankoodii xiligaas in Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ay u soo jirsadeen dhowr kilo mitir.

Si kasta hadalkan ka soo yeeray Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxaa uu imanayaa xilli dhawaan Madaxweyne Shariif uu shaaca ka qaaday in Raggaas Barlamaanka laga hor istaagay inaysan jirin Maxkamad caddeysey in ay yihiin dembiilayaal sidaa darteedna ay Xaq u leeyihiin in ay ka mid noqdaan Barlamaanka Cusub ee Soomaaliya arrintan oo dad badan qaarkoodna Saxiixayaashii Road-Map-ka ka tirsanaa ay si kulul uga soo hor jeesteen kuna sheegeen in la fara gelinayo hawlihii loo igmaday Guddiga soo xulidda Xubnaha Barlamanka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hortmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.