Home » Warar »

Idaacadda Villa Soomaaliya oo Qirtay in Xilkii uu ka dhammaaday Prof. Gaas, laakiin weli uu madaxweyne yahay Sheikh Shariif

Idaacadda Villa Soomaaliya oo bedeshey Warsaxaafadeed ka soo baxay  Golaha Wasiiradda DFKMG….

Sida caadiga saxaafaddu waxay dhawrtaa xuquuqda qoraallada, oo marka ay qoraal hesho waxaa la gudboon:

  • (1) In ay qoraalkaas sida uu yahay u daabacdo
  • (2) In haddii ay u aragto mid khaldan ay dib ugu celiso qoraagga si uu soo saxo,
  • (3) ama in aysan daabacin haddii qoraalkaasi ka hor imanayo anshaxa u deggan.
  •  Laakiin waxaa khalad ah in ay bedesho warkaas ayadoo aan xitaa xusin sababtii bedelka keentay..

Haddaba, Warsaxaafadeed maalintii Sabtida (Agoosto 25, 2012) ka soo baxay Golaha wasiirada ee xukuumaddii waqtigeedu ku ekaa Agoosto 20, 2012 ayaa waxaa faafiyey idaacadda Muqdisho.

Warsaxaafadeekaas oo golaha wasiiradu sidii ay u qorteen ay bedeshey idaacadda Muqdisho (hoos ayaad ka arki kartaa labada qoraal).

Isla maalintaas Idaacadda ay Soomaalidu u taqaan RADIO VILLA SOMALIA, laakiin isku magacawda RADIYAHA MUQDISHO ama “IDAACADDA QARANKA”, wararkii ay ka faafisay, isla maalintaa Agoosto 25, waxay ku sheegtay in Sheikh Shariif uu weli yahay “Madaxweynaha Jamhuuriyadda”, oo aysan xitaa dhehin waa KMG. Halka, sida ku cad Roadmap-ka, xilka Dawladdii Kumeelgaarka ahayd ee uu madaxweynaha KMG ka ahaa Sheikh Shariif, ra’iisul wasaare KMG ahna uu ka ahaa C/weli Gaas ay ku ekayd 20 Agoosto 2012 . Sidoo kale baarlamaankii hawl-gabka laga dhigay uu ku ekaa xilligaas..

***

Qaar ka mid ah wararkii ay Idaacadda Muqdisho qortay 25-26 Agoosto 2012:

(25-08-2012):—– Ra’iisul wasaarahii hore ayaa ugu hambalyeeyey Golahiisa Wasiiradda sidii hagar la’aanta aheyd oo ay ula soo shaqeeyeen mudadii sanadka aheyd…. IDAACADDA MUQDISHO…

(25-08-2012):—– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Shiikh Shariif ayaa kulamo kula qaatay Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde qeybta VIP-da Danjirayaal ka kala socoday wadamada….. IDAACADDA MUQDISHO…..

(25-08-2012):—– Shir ay maanta yeesheen Golihii Wasiiradda oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaarahii Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas .. IDAACADDA MUQDISHO…..

(26-08-2012):—–Qaar ka mid ah mudanayaashii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho …. IDAACADDA MUQDISHO…..

(26-08-2012):—– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa caawa Shaaca ka qaaday in xubnihii ay soo celiyeen gudiga farsamada go’aanka ugu dambeeya ay ka qaadan doonto Maxkamadda Sarre ee Dalka. IDAACADDA MUQDISHO…..

***

Hoos ka akhri Warkii ka soo baxay Golaha Wasiirada (Warka koowaad ee hoose) iyo sidii ay u bedeshey idaacadda Muqdisho (warka labaad ee hoose):

SIDII GOLAHU WARKA U QORTEEN:

Shirkii Golaha Wasiirada
Warsaxaafadeed

(Muqdisho, Sabti, August 25, 2012) Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin soo xulida xubnaha Baarlamaanka, Doorashooyinka soo socda, iyo arrimaha Maaliyadda.

Ugu horayntii Golaha Wasiiradda ayaa isla soo qaaday sidii loo soo dhamaystiri lahaa xubnaha baarlamaanka iyagoona ka codsaday Odayaasha dhaqanka iney soo dhamaystiraan xubnaha dhiman, waxaa kale oo Goluhu sheegay in loo baahan yahay in doorashooyinka soo socda ay noqdaan kuwo lagu muujinayo dimuquraadiyad wax kastana la rabo inay ku dhamaystirmaan waqtigooda.

Sidoo kale Goluhu wuxuu ka hadlay waajibaadkooda ku aadan sida wanaagsan oo ay dalka uga saareen KMG iyagoona xaqiijiyey in 20 August ay Soomaaliya heshay Baarlamaan aan KMG ahayn, taasna waxaa sabab u noqday wada shaqayntii ka dhex jirtay Golaha mudadii sanadka ahayd, waxaa sidoo kale Golaha wasiiradu sheegen in si habsami leh ay u sii wadi doonaan shaqadii ay u hayeen shacabka Soomaaliyeed kuna wareejin doona xilka ay hayaan marka la soo doorto Xukuumad cusub.

Waxaana Sidoo kale Goluhu Warbixin ka dhageysteen Wasaaradda Maaliyadda oo ku saabsan halka uu marayo dhaqaalaha soo gala dowladda, Waxeyna Wasaaraddu rajo wanaagsan ka muujisay in dhaqaalaha u soo xaroonaya dowladda uu ka fiicnaan doonoo dhakhligii hore u soo xaroon jirey maadaama laga baxay xilligii badd xiranka.

Ugu danbayntii Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu hambalyeeyey Golahiisa Wasiiradda sidii hagar la’aanta aheyd oo ay ula soo shaqeeyeen mudadii sanadka aheyd, Iyagoona muujiyay wax qabad la taaban karo Islamarkaana meel mariyay hadafkii ahaa in dalka laga saaro KMG, taana ay maanta ku guuleysatay Xukuumaddu.

—Dhamaad—-

SIDII WARSAXAAFADEEDKA AY U BEDESHEY IDAACADDA MUQDISHO:

Golihii Wasiirrada Oo Muqdisho Maanta Ku Yeeshay Shir…WARSAXAAFADEED

(Muqdisho, Sabti, August 25, 2012) Shir ay maanta yeesheen Golihii Wasiiradda oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaarahii Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin soo xulida xubnaha Baarlamaanka, Doorashooyinka soo socda, iyo arrimaha Maaliyadda.

Ugu horayntii Golihii Wasiiradda ayaa isla soo qaaday sidii loo soo dhamaystiri lahaa xubnaha baarlamaanka iyagoona ka codsaday Odayaasha dhaqanka iney soo dhamaystiraan xubnaha dhiman, waxaa kale oo Goluhu sheegay in loo baahan yahay in doorashooyinka soo socda ay noqdaan kuwo lagu muujinayo dimuquraadiyad wax kastana la rabo inay ku dhamaystirmaan waqtigooda.

Sidoo kale Goluhu wuxuu ka hadlay waajibaadkooda ku aadan sida wanaagsan oo ay dalka uga saareen KMG iyagoona xaqiijiyey in 20 August ay Soomaaliya heshay Baarlamaan aan KMG ahayn, taasna waxaa sabab u noqday wada shaqayntii ka dhex jirtay Golaha mudadii sanadka ahayd, waxaa sidoo kale Golihii wasiiradu sheegen in si habsami leh ay u sii wadi doonaan shaqadii ay u hayeen shacabka Soomaaliyeed kuna wareejin doona xilka ay hayaan marka la soo doorto Xukuumad cusub.

Waxaana Sidoo kale Goluhu Warbixin ka dhageysteen Wasaaradda Maaliyadda oo ku saabsan halka uu marayo dhaqaalaha soo gala dowladda, Waxeyna Wasaaraddu rajo wanaagsan ka muujisay in dhaqaalaha u soo xaroonaya dowladda uu ka fiicnaan doonoo dhakhligii hore u soo xaroon jirey maadaama laga baxay xilligii badd xiranka.

Ugu danbayntii Ra’iisul wasaarahii hore ayaa ugu hambalyeeyey Golahiisa Wasiiradda sidii hagar la’aanta aheyd oo ay ula soo shaqeeyeen mudadii sanadka aheyd, Iyagoona muujiyay wax qabad la taaban karo Islamarkaana meel mariyay hadafkii ahaa in dalka laga saaro KMG, taana ay maanta ku guuleysatay Xukuumaddii uu hogaaminayey.

—Dhamaad—-

Halkaan waxaa ka muuqda sida idaacadda qaranku aysan shacabka ugu caddayn karin xaqiiqada. Xukuumadda KMG ahayd waqtigeedii waa dhammaaday u dhehi karin ayadoo wada jirta.


LIFAAQ: IDAACADDA QARANKA

Idaacad ama Radiye marka lagu magacaabo “Idaacad Qaran” waa inay ka tarjumi karto danaha qaranka, oo ay u adeegto danaha shacabka ay codkooda ku hadleyso.

Haddaba, idaacadda Villa Soomaaliya ayaan shacabka Soomaaliyeed uga baran in ay difaacdo danaha iyo khariidadda Qaranka Soomaaliyeed: Tusaale kooban waxaa ku filan in aan idaacaddaas looga baran in ay difaacdo sida xadgudubka ah ee Kenya shidaalka uga sahmineyso gudaha Soomaaliya iyo sida ay u cabiratay badda Soomaaliya.

Idaacadda Villa Soomaaliya oo loo maalgeliyo ama lagu maal geliyo hantida ummadda Soomaaliyeed ayaan isku taxallujin sidii ay wax uga ogaan lahayd arrimaha ay Kenya dooneyso in ay muran ku geliso Dhul-Badeedka Soomaaliya iyo damaca Kenya ee ku aaddan dhaxal wareejinta dhul-badeedka Soomaaliyeed.

La arki doonee marka xukuumadda cusub loo dhiso Soomaaliya in idaacadda Villa Soomaaliya ay noqoto mid ka tarjumi karta danaha shacabka oo karti uu leh in ay baari karto damaca gumeystaha Itoobiya iyo damaca dhul iyo bad ballaarsiga ee Kenya???.

La arki doonee in ay noqoto idaacad fahmi karta sababata loo maal geliyey in ay tahay mid u taagan danaha guud ee Shacabka Soomaaliyeed!

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.