Home » Faallo »

Haddaan shabaab waraabe cunoow badnay ciil uma qabno !!!

Horudhac :

Akhristayaasha haddaan Xasuusiyo Maqaaladeydii aan ku dhaleeceyn jiray shabaabka laga soo bilaabo Bishii sep,2008 oon qoray maqaal aan ugu magac daray shabaab yaa macallin u ah ???kadibna taxanayaashii shareecadda & shabaab, kadibna maqaalkii muranka dhaliyey ee Shiikh imaam Axmed bin xanbal oo shabaab lacnaday ???iyo imaam shaafici oo shabaab Aamusiiyey, ha iloobin Shabaab & kimistari, Shabaab janada ay galayaan ma tii Ahlu kitaabka oo kale miyaa iyo kuwa kale oo badan IWM.

Haatan waxay joogtaa gabo gabo maalmahaan Doorashaa laga hadlayaa se shabaab waxaa lagu qasbay in ay Waraabaha cunaan markii ay u adkeysan waayeen Janaraal saxardiid iyo korneel Fartaag& ciidamada Dawllada ku meel gaarka ah & Shiikh Axmed Islaan iyo geesiyaasha Raaskamboodi oo taatiika Al-shabaab yaqaana iyo ma daalayaasha Ahlu Sunnah oo gopbolka gedo ka nadiifiyey, maxaa libinta Soomaalida Amison siiyey & Ehitopia ?????

Shabaab iyo waraabe cunoow :

Akhristoow Shabaab waxay wadanka Soomaaliya dagaal iyo qas ka soo wadeen ilaa laga soo bilaabo Sannadkii 2008 ilaa haatan ooy daciifeen.

Dagaalo aan dhamaad laheyn, Shirqoolo lala beegsanaayo waxgaradka Soomaaliyeed Macallimiinta .Dhakhaatiirta,Injineeradda, Ganacsatada, Wariyayaasha,Culumada iyo Siyaasiyiinta ayey wadanka ka wadeen.
Si kale haddaan u iraahdo gacan bir ah ayey ku qabteen meelihii ay ka talinaayeen, taas oo dhaxalsiisay in Dadweynihii Soomaaliyeed hal mar isla yiraahdaan ilaahoow Shabaab naga qabo.

Maalinba waxaa lagala kulmaayey fal dadweynaha Soomaaliyeed afka ka qabsadaan ama la amakaagaan , waxaa ugu daraa qufashadii Qubuurta Cukumadii Soomaaliyeed, hadda Akhristoow ma ahan Qabuur dumistii ee waa qabuur qufashadii ama xurmo la,aantii loo geystay lafihii Bani,aadamka ee jawaanada laga buuxsaday ee aan la ogeyn meesha la geeyey.

Akhristoow ila Qir in Nabi Mohamed NNKH uu Sayidinaa Cali ibnu abii Daalib u diray in uu Qabri dhisan u tagin ilaa in uu dudumiyo oo dhulka la simo mooyee, sidoo kale sawirna uu tirtiro, se ma waxaa loo diray in uu qabriyadda faago ????siiba haddiiba qubuuruhu yihiin kuwa Muslimiin leedahay???? Ruuxa Muslimka ahi xaq buu kugu leeyahay xataa haddii uu dhinto in aad u duceyso in aadan qabrigiisa ku fadhiisan hadda faagin ma aha ??? Fadhi lee la diiday ama aadan ku dul istaagin , ka waran haddii aad faagtid oo lafihiisii xurmo daro aad gubtid ama aad tuurtid, Akhristoow ku oran maayo aad gadatid sida maangaabku yiraahdeen ????.

Qubuur faagashadaas ayaa dad badan oo Soomaaliyeed ka fajicisay Culumo iyo Caamoba, taas oo markii danbe dhalisay Dagaal ay horseedayaan Suufiyiintii la baxay Ahlu sunnah oon dhamaaneyn xataa haddii Shabaab la jabsho,.

Caqli Xumadii & dagdagii Al-shabaab ayaa dhalisay caadaawad u dhaxeysa Ummadda Soomaaliyeed oo muddo socon doonta .

Akhristoow haddii aan si kale u iraahdo Suufiyaddii sideedtamadii & sagaashameeyaddii lagu aamusiiyey Xujo iyo bayaan, Dad badan oo Soomaali ahna laga xoreeyey fikradahoodii Khaldanaa ee Qubuuro caabudka ahaa ayey Maanta AL-Shabaab soo celiyeen ayagoo Hub haysta oo Ruux kasta oo suunihii Nabigu ka muuqdo aan badbaadineynin ee Allaah ugu dhawaanaaya Dilkiisa (1) taasna waxaa keenay xurma daradii Qowleysatada, Dhiig cabayaasha Al-Shabaab.

Akhristoow maxaa ka dhacay Tuulada WABXO ee Gobolka Galgaduud???

Dagaalo jilibka la isku aastay maxaa Soomaali halyey uga dhintay labada Dhinacba, ma iloobeen Oraahdi & Dardaarankiii Rasuulka NNKH :

( War gadaashay ha noqonina Gaalo qaarkood qaarka kale madaxa ka goysa ) mutafiqun caleyhi
waxaa ayaddana falal lala argagaxo ka dhaceen macallimiintii Soomaaliyeed ee Quraanka dadka bari jiray oo meelaha Shabaab xukumaan lagu ugaarsaday sida ayagoo dhigaaya wax aan Quraan aheyn, waxay diideen subucii aan caadada u laheyn, dhacdadii ka dhacday Degmada Jammaame nagama foga in Macalin Dugsiyeed caadi ahaa dugsigii laga xiray lana ciqaabay kadib markii ay qaar ka mid ah dadweynihii gadoodeen oo dagaalameen ayaa la soo qabtay kadibna Dadweynihii Reer jammaame la iskugu yeeray oo Isbartiibada loogu soo bandhigay Madaxyadoodii oo go,an si dadweynaha kale loogu cabsi galiyo.

Akhristoow Qiraa,adeenii abaa Camra waa wax lagu faano, waana wax la sixi karo wixii ka maqan se ma in ay gaartaa in madaxyo lagu gooyo.

Maqaalka uguma tala galin in aan ceebahoodii oo dhan soo aruursho se aan u gudbo Maxaa Shabaab ku Qasbay in ay Hilib Waraabe Cunaan ????.

Shabaab & waraabe maxaa kala haysta :

Dadweynuhu ma garan karaan Qorshaha Shabaab se in yar aan ku jiro ayaa saadaalin kara ama u dhuun daloola Qorshahooda.

Dadweynoow ma maqli jirtay waagii Xukunkii Siyaad Barre in marba Suuqa la soo galin jiray been Dadweynuhu isla dhex maraan ooy ku mashquulaan .

Waxaan dacaayadahaas idinka xasuusinayaa ma maqli jirteen Dad juudaanley ah ayaa Jilib ka soo fakaday oo Xamar soo galay, oo dadweyne fara badan ayey Xaafaddo kala gedisan ku cuneen .

Dacaayadahaas waxaa looga dan lahaa in Dadweynaha lagu Mashquuliyo si aysan Habeenkii u socon oo Bandoow ayaa looga dan lahaa.

Waa sidii oo kale markii Maalmahaan Dagaalada looga adkaaday Shabaab ayey Rabaan in ay Dhacdadaan isku dhex qariyaan si magacoodii u sii jiro.

Sidii jabkoodii u bilaabmay Soonkii Sannadkii 2011 oo looga saaray Magaalada Xamar xeebta Liido, Baladweyne,Baydhabo janaay,Xudur & Ceel barde & yeed, Luuq iyo Buulo Xaawo & Garbahaareey , Ceel waaq iyo Ceel Buur & Maxaas, Afgooye iyo Taytayle Balacd Warshaddii Dharka, laanta Buure & Airborkii Lamabar 50, Jubbooyinka Raaskambooni, Dhoobley,Qooqaani,Xayo, Afmadoow, Badhaadhe, Kudha iyo Marsada buur madow Iwm oo aysan jirin meel ay ku dagaalameen se ay dabada rogteen fulaynimo inta ay ka qabaan ayey rabaan in ay Waraabe isku Mashquuliyaan, Maxaayeelay Waraabe intii Shabaab jiray waa ka horeeyey ee maxaa saca naaso adag iyo weedha gabadha isku soo aadiyey ???? waa Xeel Dagaal waqtiga Nabadda ayaa Waraabe hadii uu Xalaal yahay la cuni karay se Maxaa Maanta ku soo aadiyey??? waa meesha aan ka leeyahay Haddaan Shabaab waraabe cunow ku Qasbay Ciil uma qabo !!.

Waraabuhu Hilibkiisu ma Xalaal baa ????

Culumada ka hadashay hilibka waraabaha waxaa si fiican uga hadlay Akhuunaa Shiikh DR. mohamed Imaan Aadan oo ku magac dheer Shaadibi oo magaalada Oslo,Norway Imaam ka ah.

wuxuu ka diyaariyey Fatwo aad Qayim u ah oo isku dheelitiran xagga Daliilka Nusuusta,Qiyaaska, Caqliga iyo Qawaacidda Fiqhiga ahba .

Shiikhu wuxuu rajaxay in uu Hilibka Waraabaha Afrika ku nooli uu Xaaraan yahay, asgoo u Daliilsaday Aayad Quraan ah , Axaadiis Mutawaatir ah,Qiyaas iyo waliba Qaacidooyin Fiqhi ah iyo waliba dalaa’il Caqli ah, waana kuwan walow aan idiin soo gelin doona fatwadiisa oo ku jirta U-TUBE ka Insha Allaah :

1) wuxuu soo Daliilshaday kow Aayadda Quraanka ah ee Allaah noo xalaaleeyey Cunooyinka Fiican ee Dhayibaadka ah, Nagana Xaaraamtimeeyey Cunooyinka Xun Xun ee Khabaa’ithka ah :)
( ( وَيُحِلُّ لَهُمُ الطَّيِّبَاتِ وَيُحَرِّمُ عَلَيْهِمُ الْخَبَآئِثَ

2) wuxuu kaloo soo daliilsaday Axaadiis heer Mutawaatir gaartay sida Xadiiska Abuu Camar Al-khashani ee oranaaya : ( Nabigu wuxuu Diiday in la cuno Xayawaanka wax ku ugaarsada Miciyaha iyo Shimbiraha wax ku ugaarsada Cidiyaha ) waa xadiiska ay Soomaalidu ka qaadatay ilkaha sare ayaa xaaraamtimeeyey !!!!
Sidoo kale Axaadiis kuwaas la micno ah waxaa wariyey Abuu Hureyrah iyo C/llaahi Ibnu Cabaas.
3) wuxuu Xadiiska Jaabir ee Shiikh Umal soo daliilsaday Culumadu ku cileeyeen in uu macnihiisu dhawr waxyaabood noqon karo, taasna waxay keensaneysaa in laga hormarsho Axaadiista ka faraha badan ee Macnahoodu uusan waxyaabo badan ixtimaaleynin.

4) Sidoo kale wuxuu soo Daliilsaday in Qaacidada fiqhiga ah ee haddii faracu uu labo aasal u dhaxeeyo midka uu u dhaw yahay baa la haleelsiiyaa ,marka waraabe yuu u dhaw yahay ma xayawaanka wax ugaarsada ee miciyaha leh mise duur joogta kale ee aan wax ugaarsan.si kale haddaan u iraahdo ma libaaxa iyo dacawada iyo yeyda ayaa la raaciyaa mise cawsha iyo garanuugta iyo sagaarada ayaa la raacsiiyaa .Taas Reer Baadiyaha Soomaaliyeed baan u dhaafeynaa .

5)Sidoo kale Daliil Caqli ah ayuu adeegsaday oo ah in uu waraabuhu yahay mid wax kasta oo xun cuna sida Bakhtiga,wasaqda,lafaha sida Soomaalidu u yiraahdaan ( Waraabe naftiisana uma roona laf Guri taalna uma roona ) .

Sidaas darteed ayey Culamada deegaanka ama bee’ada ay Waraabaha ku tilmaameen Qashin Asture oo Habeenkii oo dhanba wixii guudka dhulka saaran ayuu asturaaya oo cunnaa.

6) Wxaa kaloo uu waraabuhu cunna Qashinka & Bakhtiga marka waxaaba looga Qiyaas qaadan karayaa xoolaha nool ee Qashinka & xaarka cunna ee la yiraahdo Jalaalada oo ah Neef xoolo ah sida lo’da ,geela,Ariga magaallada jooga ee Qashinka oo kaliya cunna, Taas oo uu Nabigu xaaramtimeeyey in hilibkooda la cuno ama caanahooda la cabo ilaa ay Qashin cunka iska joojinayaan.

7) shiikhu Allaah ha ka raali noqdee wuxuu ku soo gabagabeeyey in Dadku waxay cunaan ay la dabeecad noqdaan marka haddii shabaab Waraabe Cunaan iyo ay waraaboobayaan, waa islaantii indha la’ayd ee dad cunka ku darsatay.

Wuxuu kaloo shiikhu ugu Jawaabay Shiikh Umal walow uusan magac dhabin in Waraabaha carabta jooga & kan Afrika jooga ay kala gedisan yihiin oo kan Carabta joogga siiba sacuudiga uusan xoolaha & dadkaba ugaarsan ee uu yahay mid ugaar oo kale ah oo khudaarta cuna ama bakhtiga se aan wax ba asagu dilan waana ta ay Culumadii hore ee soomaaliyeed ee Minhaajka Akhrisan jirta ay ku fasireen sida uu shiikh umal Qirtay, waa waraabe Dabaal ah.

Shiikh Dr. Shaadibi wuxuu soo qaatay labo tusaale in uusan waraabaha la sheegaayo ee xalaasha ah uusan aheyn midkan dugaagga ah ee xoolaha iyo dadkaba diiranaaya ee Kismaayo ku nool.

Tan hore waxaan u-Tube ka ka arkay buu yiri Shiikhu Waraabe ku nool carabta oo god galaaya oo nin uu uga daba galaayo oo godka ka soo bixinaayo,kadib gacmihiisa ku soo qaadaaya sida bisadda loo qaado kadib caano siinaaya , Akhristoow waraabaha kismaayo joogga sidaas ma lagu sameyn karaa , jawaabtu waa maya buu yiri.
Sidoo kaleShiikhu wuxuu yiri waaggii aan Jaamicadda Madina Dhiganaayey ayaan Baadiyaha Madiina u baxay kadib habeenkii ayaan maqlay Waraabe ciyaaya , reer baadihiyii ayaan weydiiyey waraabahaasi Xoolaha ma idinka ugaarsadaa markaas bay yiraahdeen maya, oo muxuu sameeyaa ayuu ku yiri habeenkii ayuu xaafadaha meeraystaa oo wuxuu heli karo iska cunaa ama iska cabaa qashinka ,caano laga seexday ,cuno yar oo laga seexday iwm.(2)

Sidoo kale Shiikhu Dr. Shaadibi wuxuu soo soo qaatay Aqwaal culumadu ka yiraahdeen Waraabaha sida Taabicigii weynaa ee saciid ibnu Musayib oo la weydiiyey in hilibka waraabuhu xalaal yahay markaas buu yiri maya waa xaaraam, markaas baa la yiri dadkiinu wey cunaan ,markaas buu ugu jawaabay dadkeenu waxba ma yaqanaan.

Sidoo kale wuxuu soo qaatay Caalimkii weynaa ee Ibnu Carabi ee Maalikiga ahaa yaa la yaabay dadka dacawada xaaraantimeynaaya sabatoo ah ariga iyo digaagga ayey cuntaa oon Waraabaha xaalaaleynaaya.
Sidoo kale Al- Imaam Ibnu Qayim ayaa yiri waraabuhu wuxuu xalaal ku yahay ma laha miciyo uu wax ku ugaarsado.

Sidoo kale Shiikh mohamed saalax Cuthaymiin raxmatullaahi caleyhi ayaa ku yiri kitaabkiisa Sharaxa ah ee Al-mumtic ee uu ku sharxay Zaad muqnica ayuu ku yiri : ( Shiikha zaadu muqnica wuxuu yiri waraabuhu waa xaaraam oo miciyo uu wax ku ugaarsado ayuu leeyahay, se Arrinkaasi mid sugan ma ahan ayuu yiri sida ay noo sheegeyn dadka reer baadiyaha ah ee khibradda u lahi.

Shiikhu wuxuu kaloo ku soo gabagabeeyey Qowlka Imaam AL- Qaraafi ah ee ah in Fatwadu ay isku badasho waqtiga iyo meesha la joogo iyo caadada dadkaasi leeyihiin iwm marka ijmaac laguma tilmaami karo ayuu yiri khilaafka dadka aan isla daganeyn ay is khilaafaan.

Taas oo sh Shaadibi uu uga digay Culumada soomaaliyeed in aysan wax aysan soo baarin aysan fidyoonin haddii aysan cilmi u laheyn.
Wxayaabaha aan ka tagay waxaad uga bogan kartaa U-TUBE kan :

SHIIKH SHAADIBI .WARAABAHA HILIBKIISA MA LACUNI KARAA

Hadalkii ama fatwadii Shiikh Umal :

Shiikheena caam ka ah ee Shiikh Umal ayaa xalaaleeyey cunnista Hilibka Waraabaha mar laga wareystay Idaacadda Voa.

wuxuuna u soo daliilsaday Xadiiska abii camaara uu jaabir bin C/llaahi ka warinaayo ee micnihiisu yahay : ( jaabiroow waraabuhu ma xoolaha la ugaarsadaa ? markaas buu yiri haa , oo ma la cuni karaa markaas ayuu yiri Haa, oo ma Nabigaad ka maqashay markaas buu yiri haa) xadiiskaas waxaa wariyey Tarmadi waxaana saxiixiyey Shiikh AL-baani fii Irwaa AL-Galiil .

Marka Shiikhunaa shiikh Umal waxaa iskaga qaldamay labada waraabe ee laga hadlaayo oo kala duwan midka carabta ee aan wax Ugaarsan iyo midka Afrika ee wax ugaarsada ee dilaaga ah, Khabiithkana ah.
Sidoo kale waxaad ku dartaa Shiikha oo mar kasta u xagliya madhabtiisa Xanbaliga ah oo uusan jecleyn in uu khilaafo, walow markaan uu soo daliilsaday Madhabta Shaaficiga oo markaan Madhabka Xanaabilada is waafaqsan yihiin.

Alkhristoow waxay tanni la mid tahay in uu Shiikh Umal masaa’il badan ku raacsan yahay madhabta Xanaabilada ee Dalka Sacuudiga looga dhaqmo ,
sida in la bixiyo Zakada dahabka haweenku isku qurxiyaan oo ruuxii aan madhabtaas xanbaliga ah aan fatwoonin shiikhnimadiisu gaasir tahay amaba dheh Taariku Salaadka oo la gaaleysiiyo asagooba kaslaan uga tagay.Marka Shiikha waa in aan garab dhurwaa ah u soo hadiyeynaa.

Waxaan Maqaalkayga ku soo gabagabeynayaa in haddaan Shabaab ku Qasabnay in ay Waraabe naf ka raadiyaan ay Guusha Kismaayo soo dhaw dahay iyo Marka & baraawe & Baardheere oo ah meelaha kaliya ee u haray.

FII AMAANI LAHAA .
Sahid mohamed yusuf
USA,VA
sahidyusuf@yahoo.com
Al-mutakhasis fil Xarakaat AL-islaamiyah

1) Shiikh Umal baa ku sheegay muxaadaradiisii Khawaarijta in Suufiyadda xag jirka ahi ay dilaan ruux kasta oo sunnihii Rasuulka ka muuqdo.

2) Waa meesha uu Shiikh Umal ku qaldamay oo haddana culumdadii Soomaaliyeed ee hore ku hagardaamay,se haddii uu Baadiyaha Madiina tagi lahaa waraabe Dabaal ah ayuu soo arki lahaa .

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

19 Jawaabood " Haddaan shabaab waraabe cunoow badnay ciil uma qabno !!! "

  1. ibnu Xusseen says:

    ACW

    1. Sahid sheekhna uma eka, shariifna iskabadaa. wadaninimo kama muuqato, somalinimona iskabadaa.

    2. Somaliya sida cad waxaa u tashaday Gaalda cad iyo kuwa madow een dariska nahay. waxaa jaraa’idka lagu soo qoray in somaliya larabo in kenya iyo etobia lahoosgeeyo.

    3. Somali waxay uqaybsantay A. siyaasiyiin damac kursi waalay oo dal iyo dadba ku badalan. B. danley dantooda ka hormarinaya dalka iyo dadkaba C. calooshood ushaqaystayaal gaalda mushaar ka qaata warbaahintana ka buuxsha qoraalo gaalada taageersan ama kuwa kasoo horjeeda dhaleecaynaya. D. caamo wixii warbaahinta aykamaqasho iska aamina.

    4. Daaya shabaab hawshay inoo hayaan baa waxbadan ka weyn dhibkay inaku hayaan… wax miisaama hadaad daacad tihiin.

    WCW

  2. Samadoon says:

    AS,

    Salaantaas qiimaha badan leh kadib Sheikh Saahid waxaan ku weydiinayaa waa adigaan mar kasta Shabaabka dusha ka saarane hal mar un xataa adigoo qolooyinka kale wax ka sheegaya kuma arkee, ma qolodaan baa xoogaa kursi kuu diiday mase arrimo kaloo aad ka laheyd oofintooday ka indha adeygeen??

    Macno ahaan iyo qaab ahaanba ma taageersani nidaamka qolodani iyo sida ay wax u wadaanba laakiin waxaa kaloo ii muuqata in qolodan hadda dawladnimada sheeganeysana aysan waxba dhaamin kuwaan aad un qaniinyada la daba joogto balse waxaanba qabaa inay ka sii liitaan caqiido iyo caqli ahaanba. Arrinku wuxuu iila muuqdaa boohintu orgiga ka weyn.

  3. umu ruqaya says:

    Asalamu alaykum sheekhna waad sheeganaysaa shabaab dhibaatadoodana waad ku ku farxaysaa shabaab dad muslim maaha miyaa? Ilaahay ha guuleyo nimankaa cadawga hortaagan Ilaahay gaaladaa naga soo duushay ha jabiyo uganda,burundi,seriliyoon,kenya,ethoipia,iyo reer galbeedka dabada ka wada iyo gaalo raacyada.amin .

  4. scwxwb:
    c/llaahi aad Iyo aad baad ugu Mahadsantahy jawaabta aad siisay Magan oo I garan waayey,waxaad sheegtay oo idil waa run marka laga reebo title DR. Oo aana wali qaadan se Master waa la igula il duufi karaan maadaama aa labo Bacholar aan haysto.
    C/llaahi Cali meesha aad ka hadleyso & waliba waqtiga aad ka hadleyso waan garanayaa waana dhamaadkii 70taneeyadii se si aan isku wareysano bal E-mailka igula soo xariir.
    Haddaan u soo noqdo Waraabaha noo soo gabyey ee shiikhunaa waxaan u sheegayaa in aan soo wadno xaareyntimeynta Hilbihiisa oo uu noo tabin Doona Shariif Mohamud Shartif Cali Inshaa Allaah waa inoo Qormada labaad ha sugi waayin. Scwxwb

  5. Sheequna says:

    Mar hadii Wadaado isku kay qabsadeen, Waxaanan Ahayna la igu tilmaamay, In aan hadlo way ii Banaantahay. Beryahaan waxaan maqlayey waraabuhu xalaal miyaa mise waa xaaraan? Soomaaliduna waxay igu xamataa in aan Luuqadaha wax ka ka garanayo.

    Waraabaan ahay, war Iguma harin waan, Waalan rabaa, Wadaadaa ii soo jeestaye war iga hooya”.
    Wadaadow waxaan ahay Waaraabe Cunistiisa la idin xalaleeyey, idinkuna waxaa tihiin wadaado isugu jira, kuwo Diinta si sax ah iyo si qaldanba wax u sheegaya, si kastaba ii cunteene xalaaltinimadeyda shakiga halaga daayo, waraabe waa xalaal ama waa xaaraan yaan la isku qabane hadaaba marba I cuneysaan xalaalnimada hala ii daayo, si idinkuna aad u noqotaan kuwo hilib Xalaal ah Cuney shakiguna idin kaga baxo, oo anigana markaad I cuntaan aan shahiid u noqdo, Isla markaana illaahna ugu mana sheegto in aan idin gaajo bi’iyey maalintaas, xalaatinimo idinka baryimaayee ilaah baaba I xalaaleyey meel la igu xaaraantimeeyena aniga ma Ogi, tan iyo Asxaabtii baa la icunayey Bisinka iyo Allaahu Akbartaa la igu xalaalaynayey, Diinta Islamka iyo Kutubtuna ugu qornaa, ee doqon iga dharagtey Duceynwaydana hanoqonina.

    Hadaba waxa jira wadaado in ay I cunaan aan jeclayn, Laakiinse in ay iduleeyaan jecel oo markey idilaan Dadka Jinka, Sokorta iyo Dhiikarka qabo Hilibkeyga Dawo uga dhigtaan, iyadoo waliba si xaaraan ah u cunsiisaan, maxaa yeeley neef aan bisinka loo qaban Xalaal ma noqdo, kuwaas waxaan leeyahay adinkana ha is Dembaajinina, Dadkana ha dambaajinina anigana ha I duleynina, duf ku baxee caamo waa idinkoo kale.

    Hadaba waxaanan marnaba Ogolayn in la ii Nisbeeyo ama la igu sheego waxaanan aheyn , waraabe xalaal ma ahan ima qabato, Sababtoo ah Wadaadkuba ma ogola In lagu sheego Sifooyin ay kamid yihiin, Murtad ama Mushrik .
    Sidaas si lamid ah , ma Ogoli in la I Aflagaadeeyo, oo la iyiraahdo waraabuhu waa Af Qurmoon yahay “Huuraale”, Bakhtiguu Cunaa “Huuraale”, Waraabe wax ma reebo, sida ayba wadaadaduba u ogoleyn in la gu sheego Tilmaamaha ay kamidka yihiin “Waa Dufanle” “Dufle Cunto U joog ah, “Wadaadku waa Dariiqo”, “Wadaadku waa seef la bood” iyo “Wadaadka miskiinka ah”, iyo wax la mid ah.

    CODSI
    Culimooy Caadifada iska dhaafa, oo waxaad Cuntaana Jubooyinka kama Aydaan waayine, Dadka ha igu dirina, intaa aad wax la Cunana haysataana aniga wakhti hala isiiyo, Calafna waa meeshiisa, mid anaga naga mid ah haday dan iyo daawo idiin gashayna Cuno illaah baa idin xalaaley bisinka iyo Allahu Akbartana ha ka tagina, Sidaasaan Idiinku xalaalobayaa.
    CAAMADA WAXAN LEE NAHAY
    Caamow Awalba isma aynan heynine, Hishiiskii inoo yaalay haka bixina oo yaan la isku keen dirin, wax la Cuno aniga iga badana waa haysataan ,Walina Waraaban ahayee Maalin wacan, waad itaqaaninee Maalin wacan ,Culimaan is heynaayee Maalin wacan, aan kala Nabadgalnee Maalin wacan.
    UGU DAMBEYN:-
    Waxaan mahad balaaran u celinaya illaaheygii I xalaaleyey, waxaan Abaal u hayaa dadka sida sharafta leh Nafta iiga gooya, Isla markaana Bisinka iyo Allaahu Akbartana ii qabta, in aan Xalaal ahay oo Xaaran aheyna igu tilmaamey, Dadkana u sheegey. wax laxaaleeyo ama la xaarantimeeyana Illaah keliya bay u Sugnaatey ee ogaada.
    Maanta wixii ka horeeyey waxan Cafis Illaah uga Dalbayaa Dadkii I duleeyey, sida xuna iilaa dhaqmay,Xaaraana igu sheegey ,
    Maanta wixii ka dambeeyana Dadka iduleeya ama xaaraan igu sheegana maalinta Qiyaamaha baan la xisabtamayaa.
    Ii soo jawaabana idin ma lihi , jawaabna idinkama sugayee janadaa inoo balan ah.

  6. As.
    Waxaan wax yar dhihi lahaa raga weydiinaya ninka uu yahay Dr. Saahid .
    Waxaan bartay horaantii 70 yadii asaga oo macalin ka ah mid ka mid ah dugsiyadda magaaladda Muqdisho, waxaan filayaa raga wax qoraya ama faalo bixinayaa in aanay qaarkood dhalan, waqtigaas waxaan xasuustaa asagoo dhalinyaradda ku barbaariya caqiidada suuban iyo sunaha rsauulka scw.
    Intii aan aqiin ceeb kuma aqoon iyo cilmi yari, sanadadaas badnaa ka dibna weli nusqaan kuma aanan maqal , waxaana goor walba arkayay asagoo ay kasoo muuqanayso koror cilmi iyo caqiido.
    Alloow dhoowr ahlu toowxiidka, iyo kuwa kelinnimadaada qiray.

  7. waddaniyad says:

    Cabdideeq

    Waad ku mahadsantahay jawaabcelin commentskayaga, horta Shabaabkan aad ku dheertahay qistigayaga ma ahayn, aniga waxaa wax i yeelay waddankayaga oo sida nacnaca loo qaybsanayo, raggii Soomalidana iyagii uun isku maqan, oonay danba ka lahayn, inna ay gaalada wax boobeysa la socdaan!! waa foolxumo, ciddi xumo liiti ah!

    Xabashiga waddanka soo gelay, dacyarta shaqo kuma lahayn, gaal weligii ciil u qabay khayraadka waddanka iyo rag odaya ah oo kursi jecel hayey ayaa soo geliyey, culeys intaa leeg maxaakimtu iskama celin karayn, badbaado ahaan ayey magaalada uga baxeen, sidaas ayaana weli socda oo dacyartu xoog ay iskaga celiyan dubaabad, dayuurad drone ah iyo bombaado xagga badda ah ma haystaan, adigu taa waad ogtahay markaa qasab weeye inay dhallinyara badbaadiyaan.

    Dalkan cidda gaalo u gacan gelinayaa waa la ogyahay, shabaabna arrinkaas shaqo ku ma leh, nimankan qistigooda waa diin, gaalna qistigiisa weligii wuxuu ahaa waa boob iyo diinta Islaamka baabi. Waa laba qolo oo iska soo horjeeda. Waxaa labadaa qolo u dhaxeeya, waa shicibka.

    SHICIBKU, wuxuu u qaybsaday in: Qabiil iyo dollar wareeriyey, in yaaban oo dhinac sax ah isaga qasanyihiin. iyo in dariiqada saxda qaatay. Soomaali hadday qabiil iyo dollar jacaylka iska daayaan, oo ay kitaabkooda daacad u noqdaan, xaqa sida dharaar cad bay ugu muuqan lahayd, WADDANKOODANA GACANTA AYEY KU DHIG LAHAYN. Allow xaqa na tus.

    Salaama

  8. magan says:

    Saahidow waa su’aale Shabaab hadad waraabe cunow bartay Adiga kumaa tahay bal iskeen bar. Ma AMISOM, ma AMRIIKI, ama Nin aan saan laheyn.

  9. ugaaska says:

    alshabaab waa niman mujaahidiin ah oo wadankooda difaacaya ma aha niman kenya iyo ethiopia dadka iyo dalkaba ku soo hogaamiya marka cidii u caraysan caradooda hala dhintaan kuwa kenya iyo xabashi amaanayana ilaahay hala soo saaro maalinta qiyaame aamin

  10. ugaaska says:

    ninkan wuxu ka tirsanyahay qolyaha ictisaamka la yiraahdo ee qeybna kenya taageeraan qeybta kalana ethiopia
    war ilaahay baan iidnku dhaarshee ninka axmed madoobe iyo suufiyo oo tigreegu u adeega aamaanayo muxuu somali u hayaa
    mida xigta ninkan xoogaa waxaan u malayni kuwa qurbaha ku yara qafiifay oo maalin kasta gaalada ka baqa ugana baqa in alshabaab lagu sheego marka hala yaabina wuxuu ahaan jiray al itixaad maraykankuuna tagay sidaas buu maalin kasta shabaab u caayaa axmed madoobe iyo kenyana ku amaanaa…

  11. SCWXWB :
    Horay waxaan u sheegay in Culumada ka hadashay Xaareytinimada Hilibka Waraabaha Shiikh DR. Mohamed Iiman uu si fiican uga hadlay ,se waxaa soo baxaday cajal kale oo u khaas ahaa culumada Shaaficiyadda ee Soomaaliyeed oo uu Shiikh Shariif Mohamud Shariif Cali oo si xarako leh dhulka ugu jiiday Fatwadii Shiikh Umal, taas oon ka sameyn doono Qeyb kale oo Maqaalkaygii [ shabaab haddii aan ku qasabnay Waraabe cunoow ciil uma qabno(2) ] Haddiise aan qeyb yar idin sii tuso waxaan iri : Masha Allaah Shariif Maxamud Shariif Cali si fiican oo Cilmiyeysan oo tafatiran oo uu ku xoojiyey Aayado Quraan ah Iyo Axaadiis Saxiix ah Iyo Aqwaashii Culumadii Salafka Iyo Qaacidoon Usuuli ah ayuu ku bayaanshay in hilib ka waraabaha AMA dabuca uu xaaraan yahay.
    Sidoo kale Wuxuu si Cilmiyeysan u soo aruuriyey Imaam Shaafici Iyo Ardeydiisa tiirarka u ahaa madhabtiisa waxay ka yiraahdeen in uu waraabaha micida leh ee wax ku ugaarsada uu xaaraan yahay.Sidoo kale wuxuu soo daliilshay Culumadii Salafka sida ay Uga hadleen Xadiiska Jaabir ee c/maan Ibnu camaarah ka wariyey ee uu weydiiyey in uu waraabaha ugaar yahay? Xadiiskaas oo sida uu sheegay Shiikh Dhaxaawi Iyo Ibnu cabdi Al-bari iyo Ibnu badhaal iyo Al-ceyni Iyo xataa Shiikh Ibnu Qayim Iyo kuwa kale oon halkaan ku soo koobi Karin ay cilooyin ku sheegeen xadiiskaas duraysa oon u suubaneynin in lagu khasiso Axaadiista Saxiixa ah ee heer mutawaatir garatay.
    Runtii maqaal baan ka qoray haatan ku jira Somalitalk .com AMA face bookayga ku jira oon ugu magac daray( Haddaan shabaab waraabe cunoow badnay ciil uma qabno ) Maqaalkaan oon ku soo qaatay Shiikh DR. Mohamed Iimaan Shaadibi oo asaguna xaaraantimeeyey cunista hilib ka waraabaha , Insha Allaah qeyb labaad baan ku soo saari aan asagana daliilsanaayo Sharriif Maxamud Shariif Cali Allaah ha xifdiyee oo Shiikh Umal si sharaf leh u radiyey

  12. cabdideeq says:

    TO: wadaniyad

    walaalle wadaniyow khadka waad ka dhacsan tahaye alle ha kugu soo toosiyo, maxaa yeelay waxaad tiri shabaab baa dal difaaci..!! war heedhe dalkii soomaali la oran jirey iyaga ma ahan waxa loogu dawgalay ee gaalo oo dhan mid dhaw iyo mid dheerba haddana sii horsocda ee kasii cararaya ma ahan,itoobyaan baa gedo soo galay waa ka carareen oo bay iyo bakool bay u carareen waa ka daba imaadeen oo haddana ka sii carareen hiiraan iyo beledweyne ayaa ay soo weerareen axmaaradii haddana baqey dhabarka jeediyeen alshabaab , xamar ayey duhur ka xawaareeyeen oo afgooyey ka carareen, intaasoo dhan la garaybee waxaa ugu dambeystii soo xaydxaydatay kenya oo aan ognahay waxay u socoto iyagana waa ka qaxeen oo dekadii kismaayo ayay kusoo wadaan hadda oo kusoo cararayaan, waad aragtaa maanta waxay ka carareen oo banneyeen marka iyo shalaambood.

    hadii marka intaasoo dhan ay sameeyeen saw iskama muuqato nimanka alshabaab ujedadoodu inay tahay inay dalkaan gacan u geliyaan cadaw aan la hor istaagi karin, aawayse waxay culamada iyo shacabka ku laynayeen ee ahaa guul baan keenaynaa, sheekadu saw ma ahan inay waddanka gaalo u sallaxayaan, xagee difaacu joogaa…? dhulkaanse goorma ayay weligeed gaalo timid markii shabaab la arkey ayuunbaa gaalo la arakaye itoobiya oo waddankaan weligeed kusoo dheeraan ayaa caasimaddii soomaaliya qabsatey abid inta taariikhda la xasuusto shabaabna inta dhabarka jeediyeen ayay naftaydaay nafteydaay xaal ka noqday, xagee walaal waddaniyoow shabaab dal ku difaaceen, ma waxaa difaac la yiraahdaa in inta aad nin aadan iska dhici karin u yeerato aad haddana markuu kusoo wajaho aad ka cararto..? taas walaal difaac dal lama yiraahdo ee waa dulleyn dal, imisaa culimada iyo cuqaasha soomaaliyeed la hadleen shabaab oo kor iyo hoos loola hadley..abadan..waxaan dagaal ahayn maaro waa looga waayey ,maantana markii cadaw oo dhan dalkii qabsadey oo xataa kuwii ugu liitey ee weligey aan isoo hunguriyeyn ( kenya) ay dalkii soo dhex jibaaxeen oo baddii soomaaliyeed ay maraanmarsiiyo u heleen ayay kasii qaxayaan oo duurka iyo meelo kale uga cararayaan…wallee aduun nin aan wax ogeyn alle ma cadaabo.

  13. Anigu waxaan dadka ogaysiinayaa in ay ilaahay u hogaansamaan doodan faraha badanna la iska dhaafo.
    wan imtixaamanahay gacmahannaga uyumbaana ku keensanay

  14. Run sheege says:

    Asc walaal horta shaahid uma baahno in loo jawaabo sababtoo ah hab akademi ah waxuma qoro lkn aan u soo gudbo hilibka waraabe ma xalaalbaa mise waa xaaraam taas culumadii horaa isku khilaaftay inkasto badanka ay bisku raaceen inuu xalaal yahay. Inta xarintayna waraabe kalama saarin inta xalishayna kalama saarin ee xageey ka keeneen kala saarista culumada soomaaliya. Midda kale in qof uu adilada kala rajaxaa uu doortaa xaaraantinimada waraabaha ma xuma lkn qof shaafici ah oo muqallad ah siduu ula soo ban baxaa hilib waraabe waa xaaraan kutubta shaaficiga ayayba ku taal sida umka ama majmuuca. Haddaan dhahno xayaawaanka joogo carabta iyo kan afrkkaa kala duwan laba xukun kala sii berina soo lama arki karo dad dhahaayo doofaarka carabta joogay ee duur galka ah iyo kan la dhqdo ee yurub waa kala labo. Aan illaah ka baqno haday mas,alada ahaan laheed inuu waraabaha kala duwan yahay isma khilaafeen culumada oo waxay dhihi lahaayeen kan miciyaha leeh waa xaara muttafaq ah kan aan laheena waa xalaal aan la isku diideen. Waxaa cajiib ah culumada xarintay waxay ay u xarimeen inuu miciyo leyahay hadii kan carabta joogo uusan ahaan laheen mid miciya leh macna ma lahaaadeen in la xarimo. Gundhiga hadalkeyga waa culumada shaaficiga ha raaceen imaamkooda shaafici ee baneeyay waraabaha, midda kale maba jirto kala qaad waraabe waraabe waa waraabe ogowna aayada sheeqa daliilsada culuda waxay dhahaan waxay carab dhayibsatay aan diinta xarimin waa xalaala waxay xumeesato ama ay qurunsato diintase aysan baneyna waa xaaraam. Waraabahana waa xayawaan carabtii hore cuni jirtay islaamka ka dibna ay cunaan lkn waxaa kaaga aado waraabe haduu xalaal yahay aniga ma cunaayi intaan culumo ijaafeyn laheed ama aad xadiith diidi laheed. Shukran

  15. A/Fatah says:

    Asalaamu caleykum. Sh Saahid ALLAHA kaa abaal mariyo wacdiga iyo waanada aad noosoo gudbisay. Aad baa loogu baahnaa maqaalkan waana xilligii loogu baahi badnaa waayo dadbaa dhurwaagii oon bakhti waxba kaduwaneyn hiiganaya marka qofkii dhurwaaga Africa ama kan wax ugaadhsada cunaya isagaa ILAAHAY la hortagi. Laakiin sheekha dadaalay ee dadaalay Sh Umal ALLAHA xifdiyo mas’aladan wuu ku khaldamay xaquna waa iska cadyahay oo daliil cad oo sugan looma hayo dhurwaaga ay shabaab qalanayaan. Dood badani faa’iido maleh ee ninkii dhurwaa cunaya ha ogaado inaan cidi xoog kaga dhigaynin. Marka sheekada shabaab waa shaamareer ee bal suga halkay kudanbayso. Wabilaahi tawfiiq

  16. waxaan aad ooga faaideystey qeybta baxthiga oo uu dr sghaadibi kaga hadley mas’alada cunista waraabaha iney xaaraam tahay . shukran sheikh saahid

  17. Abdinasir says:

    anigu ma taageersani alshabaab lakin waxan la yaabay qofka sidan u hadlayaa hadhaw shiikh baan ahay buu ku oran
    Sh umal aan xusuusiyo hadalki nebiga (scw) ee ahaa ” Ilaahay ha u naxariisto Muuse intaa in ka badan baa la dhibay waana u sabray” aw kamaa qaala calayhi salaatu wa salaam

  18. Waddaniyad says:

    Ninka maqaalkan qoray, anigu aad baan la yaabanahay, intuu ku mushquulsan Shabaab, muu wax dhaama oo waddankiisa u faa’ida ah ku mushquulo, badda Soomalida ayey addoonta Kenya saliid ka qodanaysa, ka barrigana way doonayaan inay ka qotaan, qolada kali ee hortaaganna (shabaabka), ayuu websiteka ka caayayaa, cajiib! Ma Soomaali baanu ahayn? .

    Kuwaan uu geesiya ku sheegayo, ee Ahmed Madoobe ka mid ah miyaanay ahayn kuwa Addoonta Kenya la socda? welee Somaali, Somaalida la yaqaanay maanta maaha. Anigu qoladan (shabaab) lama jiro laakin waddankayaga wixii ku soo xadgudba qalbigayga ayuu waxyeelay, wixii ka dagaalamana sax bay ku yihiin, qofkii xadgudubka waddankiisa ka damqan waayeyna, xadgudubyaasha ayuu la jiraa.

  19. Axmed saciid says:

    waxaan filaa qoraayga qormadaan ma dhageeysan Sh Umal doodiisa, wayoo sheik Umal waxoow sheegay xitaa waxa la yiraahdo wareebe marka la eego dhanka Luqada carabiga. asagoo soo qaatay Qawaamiista Carabiga ugu caansan, tan kale Culumadu waa is khilaafi karaan lkn caamoow ma xaqbaa in aad Culumada hoos u fiirisaan adin koo adeegsaa hadalo sida(shiikha waxaa isgaga qaldamay Dhurwaaga carabta iyo kan africa) xagoow ku qoranyahay kala saarkaas.