Home » Warar »

Kooxda gurmadka difaaca Kheyraadka badda Soomaaliya oo uga digtay Kenya iyo shirkadaha caalamiga ah ee batroolka qoda in ay shidaal ka qotaan badda Somalia.

East African Energy Forum oo ah haya’ad Soomaali ah, isuna xilsaartay in ay difaacaan kheyradka iyo petrolka badda Soomaaliya ku jira ayaa digniin culus u diray dowladda Kenya iyo afar shirkadood oo caalami ah petrolkana qoda, iyaga oo ku tilmaamay in ay sharci darro tahay in dowladda Kenya iyo shirkadahaas isu bahaystay in ay boobaan kheyraadka badda Soomaaliya ku jira khaasatan dhulbadeedka soomaaliya ee ku dhow xadka Kenya.

EAEF waxay intaas ku dareen in shirkadahaan caalamigaa ay ku xadgudbeen qawaaniinta caalamigaa iyo weliba madaxbanaanida Somalia ayna shidaal ka qodanayaan badda soomaaliya.

Aagga ama Block badeedyadaan la damacsan yahay in shidaalka laga qoto waxaa iska leh jamhuuriyadda Soomaaliya waxaana cadeeyanaya sharciga badaha caalamiga ee soo baxay 1982kii kana soo baxay xiriirka caalamiga ee badaha(UNCLOS). Sidaa daraadeed isku daygaan Kenya ku beecineyso badda somaaliya waxay lid ku tahay qawaaniinta caalamiga ah sidaana waxaa yiri cabdullaahi maxamuud oo ah madaxa hay’adda EAEF ee isu xilsaartay in ay difaacdo shidaalka iyo kheyraaka badda Somaliaya.

Wuxuu cabdulaahi intaas ku daray blockyada Kenya ay beecsatay waxay kala yihiin L21, L23 iyo L24 oo ay ka iibsatay shirkadda Eni ee talyaaniga laga leeyahay. L22 oo iyana ay ka iibsatay Total oo Faransiiska laga leeyahay. Waxaa kaloo jirta in L5 ay ka iibsatay shirakadda lagu magacaabo Anadarko oo mareykanka laga leeyahay. Ugu danbayn Block-ga L26 wexey dowladda Kenya ka iibsatay shirkadda Statoil oo iyana laga leeyahay waddanka Norway.

Koxdaan u istaagtay in ay difaacdo kheyraadka Soomaaliya ku jira waxay uga digaysaa shirkadahaan caalamiga ah haddii ay ku sii adkeystaan in ay badda soomaaliya shidaal sharcidarro ah ka qotaan in mustaqbalka laga mamnuuci doono in ay ka qayb qaataan qodidda shidaalka soomaalya oo lagu qiyaasay in uu aad u baaxadweyn yahay kasoo aan weliba laga faaiideysan. Madaxa haya’addu wuxuu timaamay in ay u adeegsan doonaan sharciyaqaanadooda, sharci ciqaab ahna la marsiin doono shirkadahaas goortii la qabto.

Waxaan kula talineynaa shirkadahaan aan kor ku soo xusnay in ey maraan wadada saxda ah toosna ula xiriiraan ugu horeyn dowladda Soomaaliya oo sharci u leh iibsiga iyo shidaal ka qodista block badeedyada aan kor ku soo xusnay. Ma aha in shirkado qowleysto ah iyo waddamo dano gaar ah leh ey ka faaideystaan kheyraadka waddan kale leeyahay iyagoo hamigoodu yahay maal kororsi iyo dano kaleba oo loo qadan karo gumeysi cusub.

“U jeedadayadu ma ahan in aan shaki gellino xadka soomaaliya ee waxaan hubnaa in lagu soo xadgudbay xadka soomaaliya ee ka sharciyeysan qawaaniinta adduunka kaaso ay kenyaba ka mid tahay saxiixayaashiisa. Waxaana sida ugu dhaqsaha badan ka gudbineynaa dacwad cidda ku soo xadgudubtay badda soomaaliya, waxaanna u direynaa dacwadaan maxkamadda caalamiga ah ee badda ee u taal Hamburg, germany.”

Madaxa hay’addu waxaa uu intaas ku daray in ay haboon tahay in shirkadaha batroolka iyo kenyaba dib uga laabtaan kala iibsiga badda soomaaliya.

Waxaan mustaqbalka ku dadaaleynaa in aan maxkamadaha caalamiga ah kuwa ugu sareeya aan la istaagi doonno cid walba oo isku dayda in si sharci darro ah ay u baartaan kheyraadka badda soomaaliya waxayna nagala kulmi doonaan iska caabin adag anaga iyo sharciyaqaanada naga caawiya dhanka sharciyada badaha.

Ugu danbayn kooxdaan isu xilsaartay difaacidda shidaalka soomaaliya waxay tibaaxday in dhulbadeedka Kenya ay ka beecsatay shirkadaha shidaalka qoda in uu la egyahay 116,000 oo km oo iskuwareeg ah kaasoo qiyaas ahaan la eg waddanka Griigga.

Hayadda East African Energy Forum waa haya’ad caalami ah oo isu xilsaartay in ay difaacdo kheyraadka badda soomaaliya.

Cabdulaahi Maxamud: abdillahi@eaenergyforum.org
Tarjume Maxamud Xassan: mahmud@eaenergyforum.org

Warqad ku socota madaxa shirkadda ENI.. AKHRI


ENGLISH VERSION:

Somali Lobby Group warns Kenya and International Oil Giants

The East African Energy Forum has issued warnings to the Kenyan Government and four international oil companies today that are illegally exploiting offshore hydrocarbon concessions off the southern coast of Somalia. The lobby group has said in its directive to the oil giants that they have engaged in a gross infringement of Somalia’s offshore resources, territorial integrity and sovereignty.

“These offshore oil blocks are solely owned by the Republic of Somalia as stipulated in the 1982 UN Common Law on the Sea (UNCLOS). Kenya’s move to sell these oil blocks violates international law” says Abdillahi Mohamud, the lobby’s managing director.

He states that the oil blocks sold by Kenya in Somali waters are L21, L23, L24 purchased by Italy’s Eni, L22 by France’s Total S.A., L5 by USA’s Anadarko Petroleum Corporation and Block L26 by Norway’s Statoil.

The lobby group warned these companies risk being shut out of future Somali energy concessions which are estimated to hold large untapped reserves along with what he described as ‘legal action’ the group’s lawyers would pursue.

“They should deal directly with Somalia, appropriating these blocks from the rightful owner is not in the interest of these otherwise innovative and successful oil companies.”

The lobby group has stated it is planning legal action against Kenya and the oil companies.
“We are not asking for compliance on a matter of dispute, this isn’t a dispute, it’s a violation of Somalia’s international boundaries established by an international law of which Kenya is a signatory. We will file court proceedings against those involved in the coming weeks at the International Tribunal for the Law of the Sea in Hamburg, Germany.”

He continues on saying it is in Kenya and the oil company’s best interest to cease allocating offshore blocks that rightfully belong to Somalia.

“We will continue to take the matter to the highest courts, any attempt at illegally exploiting Somalia’s energy resources will be met with full opposition from us and our partners.”

The lobby group has noted the total area of Somali offshore territory that is being illegally sold by Kenya and purchased by the four oil companies is approximately 116,000 square kilometers, an area about the size of Greece.

The East African Energy Forum is an international energy lobby group that works to protect Somalia’s energy resources.

Abdillahi Mohamud : abdillahi@eaenergyforum.org

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

15 Jawaabood " Kooxda gurmadka difaaca Kheyraadka badda Soomaaliya oo uga digtay Kenya iyo shirkadaha caalamiga ah ee batroolka qoda in ay shidaal ka qotaan badda Somalia. "

  1. Issa says:

    Salama Alikum salaan ka did aad iyo aad ayay u mahadsan yihiin ragaisu
    Xilqaamay marka ay arkeen wadankeenii oo la boobaayo iyo rag dawlad
    Sheeganaaya oo xataa aan hadli karin ragaa taariikhda ayaa sheegi doonta
    Baal dahab ah ayay soomaaliya ka gelayaan waxaan ku talin lahaa in ay u
    Baahan yihiin taageero hiil iyo hooba leh hadii aanu shacabka noo sheega waxaanu
    Idinku taageerno haday tahay mudaharaadyo aan ka dhigno cambaniyada meelaha ay ku
    Leeyihiin hearquwatarkooda hadii loyaro laqbto qaaraanka aan bixino ilayn
    Kan qabiilkaba waanu bixinaaye labo milyan oo dibada joogta hadii $10 ku qaaraamaan
    Waa ok walaalayaal noo soo sheega waxa aan idinku taageerno guulayta
    Guulaysta guulaysta guuul guul guuuul amiin ammiin

  2. c/nasir says:

    maashaa allaah east african energy foram guul aad baan idinkugu hambalyaynayaa idinka iyo somali talk, garabgiina allaha galo guul guul SOMALITALK waa websiteka qura oo ka hadla boobka lagu hayo bada somalia sijoogta ah,

  3. waddaniyad says:

    Dadka u dagaalamayaa baddeena Allaha ajar ha ka siiye, cinwaankooda waa Google:

    East Africa Energy Forum

  4. Keynaan says:

    Kenya walaahi jooko ayeey ciyaareesaa anagii ayeey waxa ay nagu mashquuliyeen road map iyo in aan anaga is qabsano ayadoo ay arintaas u fududeenaayaan rag ku qaraabanaayo magaca qaramada midoobay sida Mahiga. Bal hada fiiri kenya jarta ay ciyaareeso wadankeenii ayeey ku soo duushay waliba dhaqaalo ayeey ku heleesaa ayada oo ay ojeedadeeda qarsoon ay tahay dhul balaarsi dulad isku sheegiina waa ay ka hadli la,dahay boobka ay kenya ku heeso qeeraadkeena

  5. asc. ad ayan u salama dadka isku xilsaaray difaacida bada somaliyeed iyo somalitalka ilaheyna garabkiina ha galo dhamaantid

  6. cimraan says:

    thank you for standing up for Somalia and somalia will always remembers you for defending its territorial sea. infact i have more confidence in you than the so called interim somali Government and now they are trying to build a new Government so it can sighn agreements that gives kenya and Ethiopia to steal our oil resoureces in the sea. please keep up the fight and i encourage all somali people to help you.

  7. c/qadir says:

    waxaan aad ugu mahad celinayaa webka somalitalk iyo aqoonyahanka isku xilqaamay yuraynta kuwa hororka ku ah khayraadkeena waxaan ilaahay uga rajaynayaa inuu waafajiyo inay ka lib keenaan dadaalkooda

  8. Liban Cumar says:

    Ilaahay ha barakeeyo geesiyaashaas soomaaliyeed ee difaacaya xuquuqda dalkeenna iyo dadkeennaba. Si walboo aan u dhibbannahayna, wali rajo wanaagsan ayaan leennahay inta raggaas oo kale dhexdeenna ku jiraan.

  9. Jamaame says:

    Asc. Walaalaha arrinka isuxilqaamay aad baad u mahadsantihiin. Waxan rabnaa inaan hawshaan idinku garab istaagno hiil & hooba marka waxan idinka rabnaa webkiina telfonkina iyo E-mailkinaba. Waxan kaloo talo ahaan u dhihi lahaa wadankasto oo Somali joogto in xafiis arrinkaa qabilsan laga furo. Allah ha idinku garabgalo hawshaa baxaadda leh ee aad dhabarka u ridateen. Amiin

  10. s/c waxaa ilaah mahadii ah in dadkii soomaaliyeed ay weli jiraan dad nool oo ay ku jirto qiiro wadaninimo sida ragan isu xilqaamay arintan muhiimka ah ilaahay hala garabgalee,waxaa nasiib daro ah kuwii dawlada sheeganayay in arimaha noocaan oo kale ayan umuuqan kahadalkooda, waxaan leeyahay guulaysta walaalayaal

  11. kahin nur says:

    aad iyo aad bay u mahadsanyihiin walaalaha Soomaaliyeed ee isu xilsaaray difaaca hantideenna. waa laga maarmaan in lahelo Soomaali kale oo sidaa isu xilqaanta, tan kale hey,ada isu xilqaantay ha noo soo gudbiyaan webkooda iyo meel loogu tabaruco kharashaadka loo adeegsanayo difaaca hantida Soomaaliyeed.

  12. Adam A/salam says:

    Tilaabo hore looqaaday aad baan usoo dhaweyneynaa digniintaas loo dirray Kenya iyo Mafiyada magacya company,da shidaal,ka sheegtay

    waanaan kusoo biirana kooxdaan u istaagtay in ay difaacaan xuquuqda, sharafta badda somalia insha,allah.
    waad mahadsantihiin mar 2 labaad Guuleysta

  13. Asc somali talk iyo dhamaan somaalida muwaadiniinta ah maxay tahay sabta dowladu uga hadli weyday boobka kinya mase dowlada ayaa ufasaxday? Baaq waxaan usoo jeedinayaa baarlamaanka cusub ineysan dooran shaqsiyaadka gatay bada somalia wey ogyihiine ayna difaacaan bada iyo birigaba iyo diinta iyo muwaadiniinta hadaad dorataan nin qaa inu wadana waad naqiyaanteena ogaada balankiina waad nooga baxdeen

  14. shiiqa says:

    walaahi aad baan oogu farxay hadalkan wali dadbay wadaniyada ku danbeysaa
    waxaan aniga talo ku darsan lahaa hadii aan marbo aanan lahay dowlad damiirleh oo ka damqata waxaas sida hadaba ay ragan is ku xilqaameen in soomaali oo dhan wixii damaq wadaniyadeed ku jira ay garab is taagaan dhinac dhaqaale iyo dhinac milatariba qof kaan wax kale awoodin waa in uu naftiisa u huraa oo la sameeyaa diiwaan galin shacab wixii diyaar u ah in ay difaacdaan wadan kooda loona diyaar garoobo wax walbo wabilaahi towfiiq guul guul insha alaah

  15. jama says:

    Marka hore salan kooxda isu taagtey ilaalinta badda Somaliya, salan kadib abwan ayaa yiri
    hal laqalay ragdeedaa lagu soo qamaamoo qola waliba qaybteeda qoaxday ku dubatoo qalalaasihiibaa ninba qurub la boodey.
    waa iska caadi in hadaad dhacdid aad weydo cid kugu gacan siisa inaad istagatid, Somalida ayaase ku maahmaahda NIN CIIL QABA LAGAMA RAYN,
    Idinku waad dadaasheen Tarikhda yaana idin xusi doonta insha allah, wayna iman maalin Somaliya laga haybaysto, awoodeeda iyo dhaqaaleheeda, halka ay maanta calaamad u tahay Gaajada, Abaarta, silica, iyo dagaalka macno darrada ah ee aan dhaamadka lahayn, insha allah wuu dhammaandoonaa.
    wadamo badan oo danaynaya inay boobaan khayraadka somaliyana wey ku hungoobi donaan.
    waad mahadsantihiin.