Home » Warar »

Baarlamaanka Cusub oo la dhaariyey ma noqon doonaa baarlamaan Soomaaliyeed.. mase…?

Waxaa magaalada Muqdisho lagu dhaariyey xildhibaano tiradoodu gaarayso 211 xildhibaan oo kamid noqonaya Baarlamaanka cusub ee ay yeelanayso Soomaaliya.

Dhaartan ayaa lagu soo beegay (Isniin Agoosto 20, 2012) oo ah xilligii ay ku ekeyd DFKMG ee uu madaxweynaha ka ahaa Sheikh Shariif, sida ku cad waxa loogu yeero Roadmap-ka.

Waxaa baarlamaanka cusub la dhaariyey ayadoo aan weli tiradii 275 xildhibaan soo buuxsamin, uuna weli jiro muranka soo xullida xubno ka tirsanaan lahaa baarlamaanka sidaasna uu weli qabyo ku yahay oo ay dhiman yihiin 64 xubnood.

Dhaarta kaddib waxaa baarlamaanka cusub ay shir guddoomiye Kumeel-gaar ah u doorteen qofka ugu da’da weyn xildhibaanada oo ah Gen. Muuse Xasan Cabdulle oo da’diisu tahay 72-jir, si uu shirarka u guddoomiyo ilaa xildhibaanadu ay ka dooranayaan Guddoomiyaha baarlamaanka iyo laba guddoomiye ku xigeen.

Markaas kaddib ayaa baarlamaanku dooran doonaa madaxweyne ay yeelato Soomaaliya, madaxweynaha oo markaas soo magacaabi doona ra’iisul wasaare, kaas oo ay markaas ansixinayaan baarlamaanku.

Guddoomiyaha KMG ee baarlamaanka cusub Gen. Muuse ayaa ku dhawaaqay in Xildhibaanada doonaya in ay isa soo sharaxaan laga doonayo in ay musharaxnimadooda u soo gudbiyaan guddoonka baarlamaanka laga bilaabo Talaada Agoosto 21 ilaa ugu dambaynta Sabtida Agoosto 25, 2012.

Waakan hadalkii Guddoomiyaha KMG:
[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2012/genmuuse.mp3]

Baarlamaanka cusub ayaa bedelaya baarlamaankii hawl-gabka laga dhigay ee DFKMG ahaa. Waxaanse la ogeyn in baarlamaankan cusub uu noqon doono baarlamaan ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed oo aan ka liidan kii ka horeeyey.

Arrimaha muhiimka ah ee horyaal baarlamaankan cusub ayaa waxaa kamid ah in ay dib u eegaan qodobada ku jira Dastuurka sida Kumeel-gaarka ah jajuubka loogu ansixiyey, oo ay ku jiraan arrimo aan u cuntamayn ummadda Soomaaliyeed, oo sida culimadu sheegeen, ka hor imanaya shareecada Islaamka iyo qodobo muran gelin kara dhulka jamhuuriyadda Soomaaliya, sida qodobka 7aad ee Dastuurka KMG (waxaa la arki doonaa tallaabada ay arrimahaas ka qaadaan).

Shacabka Soomaaliyeed ayaa xusuusta in baarlamaankii hore uu ansixiyey in dalka Soomaaliya lagu dhaqo Shareecada Islaamka, laakiin aan xukuumaddii KMG aysan taas ansixin.

Dhanka kale baarlamaankii hore ayaa is hortaagey damacii wareegii koowaad ee Kenya ku doonaysey inay heshiis khiyaamo ah (Is-afgarad) ku dhaxal wareejiso dhul-badeed Soomaaliyeed. Taas oo baarlamaankii hore ka dhigay waxba kama jiraan.

Kenya damaceedii dhul-badeedkii weli waa taagan yahay, waxayna qandaraasyo ku bixisay dhul-badeed si qayaxan ugu jira gudaha dhul-badeedka Soomaaliyeed. Waxaanan markii ugu horeysey taariikhda Soomaaliya “Muran” la geliyey dhul-badeedka Soomaaliya, taas oo Kenya qoraaladeeda cusub ay ku qorto.

Baarlamaankii hore waxaa laga dhigay hawl-gab kaddib markii uu is hortaagey danahii lala maaganaa in dhul-badeedka Soomaaliya la dhaxal wareejiyo… Maxaa laga filayaa kan cusub?

Waxaa la arki doonaa baarlamaanka cusub uu noqdo mid Soomaaliyeed oo u taagan danaha Soomaalida ama mid maqaar-saar ah oo la doonayey uun in lagu bedelo baarlamaankii hore oo markii la mari waayey laga dhigay hawl-gabka.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Baarlamaanka Cusub oo la dhaariyey ma noqon doonaa baarlamaan Soomaaliyeed.. mase…? "

  1. first waxn salamaya bahwaynta somalitalkiyo saxafiyintaba second barlamanka cusub wa kuwo uhorsedaya somaliya nabad aad u wanag san barwaqo warta ilahay ha la garab gale wana wada aqonyahano da’dodu aysan sa u waynayn HAMBALYO HAMBALYO umada somaliyeed way xorobaysa somaliya nabad bana nodhalanysa after days

  2. waxaan hambalyo u dirayaa baarlamaanka cusub ugu horreyn doorta guddoomiye baarlamaan oo dhagaha wax ka maqla yaanse la dooran nin dhuunta wax ka maqla sida kii hore tan labaad doorta madaxweyne wanaagsan sida axmed cismaaciil samatar tan saddexaad dastuurka soomaaliya ka saara qodobka muranka galinaya dhulka jamhuuriyadda soomaaliya tan afraad dastuurka ka saara qodobada ka hor imaanaya shareecada islaamka