Home » Announcements »

Muqdisho: Kooxaha Elaman iyo Dahabshiil oo lagu Furey Tartankii Jeneraal Daa’uud

Waxaa ka furmay Garoonka Jaamacadaha ee Magaalada Muqdisho Tartanka koobka General Daa’uud oo ah Tartan caan ah oo Sanadkiiba mar uu qabto Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta. Tartankan ayaa waxaa ka qeyb galaya 12 kooxood waxaana cayaartii ugu horeysay ay dhex martay kooxaha Elman iyo Dahabshiil cayaartaas oo ugu dambeyntii ku soo idlaatay 4-1 ay Guushu ku raacday Naadiga Elman.

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Saciid Guuleed Rooble ayaa furitaankii Tartankan ka sheegay in Xiriirku uu ahmiyad weyn siiyo Tartankan oo lagu maamuuso General Daa’uud Cabdulle oo ahaa aas aassihii Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed.

“Horyaalka heerka 1-aad lugtiisii hore way dhamaatay waxaana la geliyay hakad sababtoo ah Bisha Ramadaan waxaana dib loo bilaabi doonaa 14-ka September ka horna waxaan qabaneynaa General Daa’uud Cup sida ku cad qorshe howleedka Xiriirka”ayuu yiri Guddoomiye Cali Siciid Guuleed.

Kooxda Elman waxaa Sadex Gool u dhaliyay ciyaaryahanka la yiraahdo Maxamed Nuur Cabdi daqiiqadihii 3-aad, 7-aad iyo 56-aad halka goolka Afaraadna uu u dhaliyay Cabdullaahi Yuusuf Cusmaan Daqiiqadii 24-aad ee qeybta hore ee cayaarta,

Kooxda Dahabshiil Goolka keliya waxaa u Dhaliyay Ciyaaryahanka la yiraahdo Khaladiin Maxamed Cabdulqaadir daqiiqadii 40-aad ee qeybta hore ee cayaarta

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.