Home » Maqaallo »

“GAANDI” UGA YEERA:

Gaadiidka awrka hayinka ah goror ma daadshaanka
Gacaleeye, caaddila, gadhwade, geesi xog ogaal ah
Galoo kala gur-gura oo raggii Gaandi uga yeera!!

Maashaa Allaah, Waa Ilaah Mahaddiis, marba haddii Shirkii Ansixinta Dastuurku guulaystey, xilkiisii ummadeedna ka soo dhalaalay … waddankana u gawracay Qaanuun maal-kaga-kaca ah… Allaa I lehe, arrinku sidii badiba shaadaliga, bunka iyo saloolka loogu bixiyey waa ahaaday….

Xag yididiilo, taas waxa an ka hinnayn: Golihii dhaqanku (Isinno/duubab) wax uu la baaxaa-degoba waa ka soo faro-xalshay, hawshii wadnaha farta lagu hayey, (goor an Qunde iyo Xeedho kala dhacin), waana soo qoray 275 Xubnood oo ku fadh-fadhiista “275 kursi” oo u dalaysan aqalka Barlammaanka Soomaaliya…. Ciniq kale, xog run-u-yaal ah ayaa soo yalgaysa: In xubno-goleedku diyaar u yihiin in ay “kitaabka Qur’aanka ah” baallaha ku jari doonaan wacad an weli cid Soomaali ugu dhaartay fulin, waa: “ku hawl-gelid, ku shaqayn iyo astoobid masuul Soomaaliyaysan oo Qaramaysan; gaar ahaan marka la fulin-hayo masuuliyadda wadareed (Gole) iyo midda shakhsiyeed (xildhibaan/xubin)”; Kaas oo ah hal-beeg xadeedka xaqiijinta “hay’ad lagu majeerto xil-gudasho ka madhan musuq-maasuq, eex iyo ku danaysi gaar ahaaneed”…. Ayaankee!!!..??… kadabaa insha Allaahu …

Si kasta oo khayr arrin ha noqdo ee; su’aalaha maanta la is weydiinayo waxa ka mid ah: Golaha la soo magacaabay waxqabadka ugu mudan ee laga sugayaa waa maxay? … xilka loo awood siiyey (codaynta) ayaa iska leh?; codka ay xambaarsan yihiin yaa leh?… xag ma ayaa ay tahay in ay mariyaan codkaas; ma in ay u codayaan qofkii dadweynuhu siin lehaa baa, mise waa inay ku taageeraan midkii ay iyagu danayaan ama cid 3aad oo kale danayso… Nuxurku waa “majo-dareerada (the majority) xubnaha gole, ma ka tarjumi doonaan rabitaanka shacbiyadda ay meteleyaan; ma u gudan doonaan waajibaadkooda cod-bixineed “si xalaal ah, daacad ah, dan guud ah, oo waddaniyad iyo geesinnimo” u badhax la’?. Soomaaliya Qaran ahaan (Dal, Calan, Dad iyo dawladba) ma u xuli doonaan hoggaamiye marxaladeed xaaladdan badbaadineed ka gudbin kara, kuna horraan-qaadi kara jawi Soomaalinimo, horusocod oo wada socod wadareed…

Ugu danbayntii, Golaha cusub, bulshadu ka filan mayso, ka sugi mayso, kana saadsan mayso in uu noqdo mid xag waqbad dhiciya, mid ammaanada (masuuliyadda) ku takar fala iyo mid u aanooba, ku lug yeelsha ama qayb-ka-noqda dib-u-hagaasinta niyaayirooodka, qalbi burburinta, rajo-tiridda iyo guud ahaanba u af-duubid tub-baas kale oo rafaad iyo tabaalo badan dhaxalsiin karta ummadda/Qaranka Soomaaliyeed; ficillo faleedyadaas oo ay mugdi ka bax tahay in ay ciddii gacan-togaalaysaa (sidii colaad-hor-boodeyaalkii sagaashaanaadkii) kasban doonto cuqubo daran, colaad Ilaah iyo cadaawad ummadeed; kuna danbayn doonaan magac xumo, denbiilenimo iyo six un u bixid:!!… …. Ilaahow iimaanka nagu sug; …. Ilaahow Khaatumo khayr na waafaji..:

GAANDI UGA YEERA:

Golihii shacbiga loo dhisoow wacad gelliinkaaga
Go’aan lagu ballamo fiidka hore hiirta gudiddaada
Kuma gabin nin goor dheer afeef kuu galgaal baxay –e

Ummad gucun ah oo gobo’ ah oo Aadmi godankiis ah
Ummad guun ah oo gaan ah oo oday ka soo gaadh ah
Gacan-bidixin, gaade iyo guluf kuma galaafmaan–ay

Ummad gees ah oo garad ah oo goonni qoomiyad ah
Ummad guri ah oo gacal ah oo gebi ahaan ruux ah
Gorodda isu gelin dirir gudood kuma gunnaafmaan –ay

Ummad gabadh leh oo korin gundhiyo dhaqan ma guuraan leh
Ummad gabay leh oo god iyo weedh gig iyo maahmaah leh
Gellib iyo gasaasac iyo badhax kuma geddoonmaan–ay

Ummad goof leh oo guuyo iyo gumaro diimmoon leh
Ummad gunud leh oo gaar leh oo seesas giig-tira leh
Guhaad iyo dhibaatiyo laqdabo kuma gidaadmaan–ay

Ummad dhaqan geyeysiinta jiil u gidbin gaadhsiin leh
Ummad goor fog oo geeddan iyo siiro raad gadan leh
Gimaamad iyo gibil-saar xisti ah kuma gamaaraan–ay

Galayrow tusaalaha markaad duulka gelin-siisid
Midkii geedo-qaaqlaha naciyo midhaha guud saaran
Ma goblame kuwaanna ha gartee cug iyo googgaa dheh

Ummad garaw leh oo gacan leh oo gud iyo meecaad leh
Ummad gelid leh oo geyid leh oo gaaxsi iyo dhaaf leh
Gaboodfale is gaabshoo gondola gorayo suulkeed dheh

Ummad gibin leh oo guudley iyo guxushyo waayeel leh
Ummad gacal leh oo gogol leh oo lama guhaadshaan leh
Gondo-goyska wiiqee gubaa waa is gawrace dheh

Ummad geed leh oo gole leh oo gar iyo xeerkeed leh
Ummad garangaro leh oo guddi leh oo guddoon wada leh
Garaad-ba’ayle geeddiga kadaa ways gunaanade dheh

Ummad gedo leh oo guulan iyo gaado iyo caaag leh
Ummad gaadh leh oo garab leh oo Guulle aar guda leh
Ganac-gooye gaadee dhagraa waa godkiis qode dheh

Ummad guluf leh oo gumuc leh oo guuto iyo xoog leh
Ummad gadac leh iyo geesi loo geydhad iyo dhiif leh
Godobtooda guud kii guntada go’e qisaaseed dheh

Ummad gurux leh oo guluc leh oo qob iyo gawdeed leh
Ummad ganid leh iyo goosashada gaas iyo ishaar leh
Gebewere dulmiya caaqiliyo eebo gaardidey dheh

Gaaleemaduu hirig la yiri seefta galacdeeda
Midkii geedo-qaaqlaha naciyo midhaha guud saaran
Ma goblame kuwaanna ha guntee cug iyo googgaa dheh

Guulluhu markuu kuu sakhiro gebi ahaan uunka
Wakiil guud markii mudanennimo xubin laguu gaadto
Galliimaysi codadkii markii lagugu gaashaamo

Kursi loo gudboonaa markii lagugu gaar yeelo
Genkii kula tartamay dhalasho waa kula gudboonaa –e
Iska garo cisigu waa gudaa goob ma yuururo –e

Madaxnimadu geerida horteed godolba waa ruux –e
Xilkii lagu gardaadshaa shakhsiba loogu kuur geli –e
Iska garo gudtaha iyo gabuhu kala gadiidyoon –e

Galladdiyo tabaalaha adduun waa garaangiro –e
Waa hooska labadiisa gelin gu’ iyo jiilaal –e
Iska garo nabsaa gubuxsan oo guraya raadkii –e

Madaafiicda goobtiyo durriga gaag-ma reebaha ah
Gujiska iyo minawaarka iyo waxa bir-haad gawle
Gantaal yuuban kaaraha gurxama waxa hub loo gaadtey

Geba-gebada gala’ weeradiyo goonji-bahallaynta
Gorgorraynta iyo xeeladaha gedo siyaaseedka
Xarragiyo wax lagu goobayaa gaadhid sharafeed –e

Gobi waa sarriig magacna waw geedo-gurataa –e
Gadac labi u gaajood xantiyo haybad wuu garan –e
Gasiinkiisu waa dhaashadiyo go’ iyo hooshaar –e

Gaws xeele waa moog xushmada meelo loo galo –e
Mabda’ baa cod gooyee bucshiro loo gorgorin waaye
Gegso taqada gacantii saraa lagu gunneeyaa –e

Gaaleemaduu hirig la yiri seefta galacdeeda
Midkii geedo-qaaqlaha naciyo midhaha guud saaran
Ma goblame kuwaan san ha gurtee cug iyo googgaa dheh

Xilka gorodda kuu sudhan haddaad waajib gudanaysid
Dulmi iyo gabood-falid haddaad giigsi ka helaysid
Gaalaha canbaareed haddaad geyllimo huraysid

Dharab-cararka galabeed haddaad gelelef beelaysid
Gunti-furidda aayaha haddaad geeri ka xigaysid
Goleyohow haddii aad shacbiga gool u dhalin haysid

Gucle-orodka maankii shaqshaqay garasho miisaanka
Laabaha gungaadh oo intaad galalka qiimaysid
Geedaha dhunkaaleed midkii geerile ha goynin;

Caad iyo Gurey iyo fircoon bahal ka googgooso
Dundun godad leh iyo hoy gungume miciyo-gaalleefta
Good iyo abees haw u gelin-e geed hadhsi eego

Goommane qawaca gubane weer goofshe haw hoyanin
Daableygii garruun kula gaggabi gaag-tire ha raacin
GARAS iyo kan JIIC lala xigsada ha cidsan goobeeye

Goblame talada jiidtoo gurraca geyllame ha yeelin
Haddii aad garaad fiican tahay Qaranna goobaysid
Guuleedka iyo goob-xun-dhige ha isku geedaynin

Gaadiidka awrka hayinka ah goror ma daadshaanka
Gacaleeye caaddila gadhwade geesi xog ogaal ah
Galoo kala gur-gura oo raggii GAANDI uga yeedha!!

Fure:
1- Caad, Gurey (Samuud) iyo Fircoon: waa hoggaamiyeyaal aad u wakhti fogaa oo hal beeg u ah kelitalisnimo, naxariis darro, caasinimo iyo halaag u horseedid bulsho.
2- Garas & Jiic: magacyo Labo geed; waxa loo jeeda: magac qabiil (mid la doono ha noqdee).
3- GAANDI: waxa loo jeedaa: M. Gandi; hoggaamiyihii Waddanka Hindiya (India) ku amba-qaaday tubta dawladnimo, qarannimo iyo ummadnimo … waa hoggaamiyaha dejiyey hannaan-siyaasadeedka Gandi philosophy; taasoo ah aragti guuleystey oo mudtaysadtay in lagu barto/dhigo jaamacadaha adduunka.

Max’ud M. Cali Caarre
Mmcarre50@hotmail.com
Tel: 00252 90 702583 (mobile)

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " “GAANDI” UGA YEERA: "

  1. Balse Maxamuudow: ku xabeebsiga talo iyo tusmo ku saabsan tubta toosan ku aaddinta arrineed iyo dhiirri-gelinta haggaan-dhifasho habboon waa waajib shakhsi-shakhsi noo wada saaran marxalad-mawqifeedkan xasaasiga ah ee dalku Xaaladda Kala-Guur geli hayo… Mahadsanid

  2. sideedaba, waxa ay Ummaddu rabtaa Gole Baarlammaan oo loo/loogu bogo go’aannada uu qaadto; hase ahaadtee, haddii uu ka baaqsado kaalinkaas; waxa qof-qof iyo wadarba u meel taal cuqubo shacbi, colaad Eebbe iyo cadaawad ummadeed….

    Ku sifoobidda “xumaan ama wanaag” ee gole (wadar iyo keli-keli ahaanba; waxa ka marag furi doona ficil-faleedyadooda hawlgal iyo go’aan qaadasho…. Xadtaa masuuliinta uu doorto hab-hoggaamintooda xumo/samo goleha ayaa ka masuul noqon doona… Anigu hadda waxa an tusmayn hayey uun waxa dadku/dalku ka dooni hayo…

  3. Maxamuud says:

    Wiilyahow af-soomaali miiggan muujisay, masalduse kaa madow, kaana maroorsan.

    Gole-haad maamul iyo muunad-wanaag ka muhanaysid makaabkiisuba jaban in la marshuushay (laaluush-liqeen) oo ayan ceeb ka maarsan baa markhaatigu muran la’aan sheegay.

    Mar hadday gole-ceebeed noqdeenna – ha is xabeebin baan ku oran lahaa.