Home » Warar »

Kulan Looga soo Horjeedo Laguna Cambaareynayay Dilalka iyo Xadgudubyada loo gaysanayo Saxaafadda oo Maanta ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Kulan ay soo qaban qaabiyeen Hay’adda Suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ isla markaana ay ka soo qayb galeen Agaasimayaasha qaybaha kala duwan ee Warbaahinta ayaa maanta ka dhacay Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho Kulankan ayaa guud ahaan waxaa uu ahaa mid looga hadlayay dhibaatooyinka loo gaysanayo Suxfufiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaana Magaalada Muqdisho oo Sanadkan gudihiisa lagu dilay illaa Sagaal Weriye.

Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka ee Nusoj Maxamed Ibraahim Bakistaan oo halkaa ka hadlay ayaa sheegey in uu jiro Mashruuc lagu bar tilmaameedsanayo Saxafiyiinta ka hawl gala qaybaha kala duwan ee wa baahinta iyadoo taasina ujeedada ka dambaysa ay tahay sidii loo aamusin lahaa warbaahinta qaranka.

Maxamed Ibraahim Isaaq Bakistaan ayaa sheegey in Suxufiyiintu ay ka mid yihiin Bulshada Soomaaliyeed sidaa darteedna ay ku Hubaysan yihiin Qalin sabab loola beegsado dilna aysan wax faa’iido ah ku jirin.Bakistaan ayaa hoosta ka xarriiqay in dawladda ku meel gaarka Soomaaliya uu waajib ka saaran yahay badbaadinta iyo sugidda ammaanka Suxufiyiinta Soomaaliyeed

Xoghayaha guud ee Nusoj ayaa sheegey in Dilalkii ka dhacay Magaalada Muqdisho oo loo gaystay Saxafiyiinta Soomaaliyeed in dhamaantooda ay ka dhaceen Degaanada ay gacanta ku hayso Dawladda  isagoona Cambaareyn u soo jeediyay Kooxaha ka dambeeyay Dilalka loo gaysanayo Saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Waxaa isaguna halkaa ka hadlay Xoghayaha Dhaqaalaha ee Ururka Nusoj Cabdirashiid  Cabdile  Abiikar Deyl kaasoo ka codsaday Dawladda ku meel gaarka Soomaaliya in ay wax ka qabato dhibaatooyinka lagu hayo Saxafiyiinta Soomaaliyeed. Kulankan ayaa waxaa hal ku dhiggiisu ahaa Dembiyada aan la Isku Ciqaabin iyo Cadaalad darada kaasoo loola jeedo in Dilalkii hore loogu gaystay Saxafiyiinta inaysa jirin Cid loo soo qabtay ama loo Maxkamadeeyay arrintaa.

Waxaa kaloo Kulankaas ka Hadley Agaasimayaasha Idaacadaha Kulmiye , Simba iyo TV-ga  Horn Cable dhamaantood sheegey in loo baahan yahay in si mideysan looga hortago Kooxaha Dhibaateynaya Saxaafiyiinta sidoo kale Dowladda ayey ka Codsadeen in ay gacan ka geysato sidii  looga hortagi lahaa  Kooxahaasi markasta Dhibaateynaya

 Wariyayaashii lagu Diley  laguna Dhaawacay Soomaaliya Sannadkaan 2012

1-Wariye Xasan Cismaan Cabdi Fantastic Agaasimahii Idaacada Shabelle  laguy Diley Muqdisho 28/1/2012

2-Wariye Axmed Caddow Canshuur Wariye Shabelle lagu Diley Muqdisho 24/5/2012

3-Wariye Abuukar Maxamuud Kadaf Agaasihigii Idaacada Soomaaliweyn lagu diley Muqdisho  28/2/2012

4-Wariye Faraxaan Jeemis Cabdulle  Wariye Radio Gaalkacayo lagu Diley Gaalkacyo 3/5/2012

5-Wariye Mahad Salaad Aadan (Mahad Jarmal )  u Shaqeynayey Shabelle lagu diley Beled Weyne 6/4/2012

6-Wariye  Fanaan Cabdi Jaylaani Malaaq Marshaale u shaqeynayey Radio Kulmiyey lagu Diley Muqdisho  31/7/2012

7-Wariye Yuusuf Cali Cismaan Xiriiriyaha Wasaarada Warfaafinta iyo Saxaafada lagu diley Muqdisho 8/8/2012

Wariyayaashii la Dhaawacay Sannadkaan

1-Wariye Muxyadiin Xasan Maxamed (Muxyadiin Xusni) u Shaqeynayey Shabeele lagu Dhaawacay Muqdisho 25/3/2012

2-Wariye Maxamed Shariif Maxamed u shaqeynayey Bar-Kulan lagu Dhaawacay Muqdisho  8/6/2012

3-Wariye Cabduqaadir Cumar Cabdulle u Shaqeynayey TV-ga Universal lagu Dhaawacay Muqdisho 7/7/2012

Wariyayaashii ku Dhaawacmey Qaraxii Tiyaatarka 4/4/2012

 1-Wariye Suleymaan Sheekh Ismaaciil Gudoomiye ku xigeen NUSOJ

2- Wariye Maxamed Shariif – oo ka tirsanaa idaacadda Bar-Kulan

3- Wariye Axmed Cali Kaahiye- oo ka tirsan Radio Kulmiye

4- Wariye Ayaan Cabdi Guure – oo ka tirsan Telefishanka S24

5-Wariye Deeqo Maxamed Axmed- oo ka tirsan Radio Muqdisho (

6- Wariye Xamdi Xiis- oo ka tirsan Telefishanka Somali Channel

7-Wariye Maxamed Cali Shuryaako Film Qaade Shabeele

8- Fanaan Axmadeey Cabdi Gaashaan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.