Home » Warar »

Haro oo dadkay afurinaysay gaarsiisay 1200 oo qof iyo Jaaliyada reer Boston oo Barakacayaasha ugu deeqay $15,000

Haro oo Aruurinaysa Zakaatul Fitr-ga iyo Sh. Axmed Nur imaamka Seattle oo arintaas ka hadlay,

Hay’ada Haro waxaan ogasiinaynaa Walaalaha Soomaaliyeed gaar ahaan Waqooyiga Maraykanka inay Zakaatul Fitrigooda kusoo dhakhsadaan si xili ku haboon dadkaas loo gaarsiiyo, Sidoo kale Imaamka Seattle Sh. Axmed Nuur ayaa arinkaas Cajal Vedio ah ku faah faahiyey, Axkaamta Zakada iyo in Haro loo dhiibo walaalaha u baahana xili ku haboon laghaarsiiyo.

Hay’ada Samafalka iyo quwaynta kan baahan ee loosoo qaabiyo HARO ayaa waxay bilowday bisha Rammadaan inay afur usamayso dad barakacayaal ah oo Muqdisho aad ugu tabaalaysan, ugu horayntii waxay bilowday HARO inay afuriso sadex xero oo isku darkoodu gaarayaan in kabadan 600 oo ruux, markii lasoo gaaray 10-ka danbe ee Rammadaanka ayaa HARO waxaa usuura galay inay ku darto Xerada Naafada ee AMAANA. Dadka dhibaataysan ee la afuriyo ayaa hada gaaraya in ka badan 1200 oo ruux. Dadka la ufuriyo ayaa isugu jira dad indhoola yaal ah, dad curyaamayo ah iyo dad aad u tabardaran.

 

 

 

 

 

 

 

Halkaan ka daawo dadka Xerada Naafada ee Amaana Sawiradooda

 

Arintaas oo daba socotay Safar ay Xamar ku aadeen Sh. C/raxmaan Sh. Cumar iyo Sh. Xasan Dhooye oo ah madaxa fulinta Hay’ada Haro, safarkaas oo Madaxa Fulinta ee Hay’ada warbixin muuqaal ah kasoo diyaariyey horayna warbaahinta looga siidaayey.

 

 

 

 

 

 

 

Halkaan ka daawo Sawirada Xerada Indhoolayaasha oo Afur looqaybinayo

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Halkaan ka daalaco Sawira Xerada Qod Qod iyo Ashraaf

Jaaliyada reer Boston oo Barakacayaasha ugu deeqay $15,000

Sidii horay warbaahinta loogu faafiyey, jaaliyada Soomaaliyeed ee reer Boston oo uu hogaaminayo Boston Islamic Center ayaa soo qaban qaabiyey shir dhaqaale loogu aruurinayo barakacayaasha Soomaaliya. Shirkaasna wuxuu ka dhacay goobta loogu tala galay shirarka ee Hiebernian Hall.

Shirkaas waxaa lagu xasumay Madaxa Hay’ada HARO Hassan Dhooye oo dhawaan wadankii kasoo noqday gaar ahaan gobolka banaadir. Shirka ayaa aad waxaa uga soo qayb galay dadwaynaha reer Boston rag iyo dumarba, halka qaar soo gaariwaayeyna ay soo dhiibeen tabarucaadkoodii.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Afurkii kadib ayaa waxaa Microphone ka lagu soo dhaweeyey Sh. Xasan Dhooye, halaasna uu ka bixiyey warbixin dheer oo maqal iyo muuqaal isugu jirta. Intaa kadib waxaa lagu soo dhaweeyey Imaamka Boston Islamic Center Sh. Yusuf Abdulle, Sheikha ayaa aad ugu dheeraaday walaaltinimda Muslimiinta iyo inay yihiin jir kaliya oo aan kala maarmin, sidoo kale Sh. Yusuf ayaa xasuusiyey dadwayna inay ku shukriyaan nimcada ay maanta haystaan illaahayna uusan dadkaas naga jeclayn laakiin la isku imtixaanayo. Sh. Yusuf ayaa bilaabay yabooha dadka walaalahooda caawinaya, mudo yar gudohoodna walaalihii waxay yabooheen, in kabadan $15,000

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Qaar kamid ah odoyaasha reer Boston ayaa goobta ka hadlay dadka aad ugu booriyey inay caawiyaan dadkooda dhibaataysan.

Dadka goobta isu yimid ayaa wajigooda ka muuqatay sida ay ugu faraxsan yihiin inay walaalahood taraan intii awoodooda ah, Sh. Yusuf iyo Sh. Xasan Dhooye ayaa dadka aad ugu duceeyey.

 

Sawirada Shirka ee Jaalida Soomaaliyeed ee Reer Bosoton halkaan ka eeg

Madaxa Fulinta Haro oo shirkaas cabirayana wuxuu yiri “Anigoo ku hadlaya magaca HARO iyo kan Soomaaliyeedba reer Boston aad ayey noosoo dhaweeyeen, uguna gurmadeen walaalahooda dhibaataysan, illaahayna waxaan ugu baryeynaa inuu bisha barakaysan ka abaal mariyo dadaalkooda, waxaanse intaa ku darayaa Barnaamijkaan wuxuu ahaa mid dag dag ah oo Ramadaanka aan ugu talo galay, reer Bosoton u diyaar garooba sidii dadkaas aan noloshoodii caadiga ahayd ugu celin lahayn insha allaah” Wuxuu kaloo intaa ku daray, “ Waxaa hada lagu jiraa xiligii Zakaatul Fitr-ga la bixin lahaa, fadlan horay haloosoo dhiibo si xili ku haboon dadkaas u baahan loo gaarsiiyo.

Sawirada Shirka ee Jaalida Soomaaliyeed ee Reer Bosoton halkaan ka eeg

Haro oo Aruurinaysa Zakaatul Fitr-ga iyo Sh. Axmed Nur imaamka Seattle oo arintaas ka hadlay

Hay’ada Haro waxaan ogasiinaynaa Walaalaha Soomaaliyeed gaar ahaan Waqooyiga Maraykanka inay Zakaatul Fitrigooda kusoo dhakhsadaan si xili ku haboon dadkaas loo gaarsiiyo, Sidoo kale Imaamka Seattle Sh. Axmed Nuur ayaa arinkaas Cajal Vedio ah ku faah faahiyey, Axkaamta Zakada iyo in Haro loo dhiibo walaalaha u baahana xili ku haboon laghaarsiiyo.

Waxqabadka haro iyo xiriirkooda booqo www.harousa.org

Somalitalk, Boston

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.