Home » Warar »

Ugaas Mowliid “Waxaanu soo jeedinayaa Xildhibanada Cusub in aysan Codkooda siinin Shariif Xasan Shiikh Aadan Maadaama uu…

Ugaaska Beesha Reer Ow Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Cabdulaahi Ugaas Axmed Ugaas Mowliid kana mid ahaa Ugaasyadii ka Qaybgaley Shirarkii Dib U heshiisinta ee Carte , Embagahti haatana ka jooga Banaanka Shirka looga arinsanyo Xiliga kala guurka ayaa waxaa uu u saarey Warasaxafadeed u qornaa sidatan:

“Shirka haatan socda waxaa Sabab u ah in aan ka joogo Banaanka Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan waxaan ka Codsanyaa Gudiga Farsaamada ee Xulista Baarlamaanka iyo Guddi Khilaafaadka ee Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed in aysan ka qabanin Wax Xildhibaan ah ninka Sheegta Odey Dhaqameedka reer Ow Xasan kaasoo si Awood Sheekasho ah uga qaybgeliyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ,

Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ah ninka Ummada Soomaaliyeed iyo Beesha reer Ow Xasan ku hayey Dhib badan laga soo bilaabo Dowladii Embagahti ee Kenya lagu soo dhisey iyo isagoo uu Heshiiskii Cabdulaahi Yuusuf kula galey Yaman mar kale Baarlamaankii Baydhabo labo u kala jabiyey Mar Saddexaad Dib u Xoreynta Asmara laba u kala jabiyey ,mar Afaraad Dagaalkii uu la galey Madaxweyne Shiikh Shariif taasoo ku galaaftey Xukuumadii Farmaajo oo ahayd Xukuumadii ugu Sharafta Badneyd Xukumadihii ku meel gaarka ahaa ee na soo marey Aakhirkiina waxaa uu kala direy Baarlamaankii Ummada Soomaaliyeed , waxaana kala diristaas gacan ku siiyey ku xigeenkiisii Maxamed Ibraahim Muudeey sidaa darteed waxaa uu I yiri “Ma soo qori Doontid Xildhibaanada Cusub ayuu Sharafkeygii iyo Sharafka reer Ow Xasan ku Bahdiley

Anigoo ah Ugaaska Beesha reer Ow Xasan waxaa leeyahay Shariif Xasan Shiikh Aadan sida uu Sharafta iiga qaadey ayaa waxaan Ilaah ka baryaayaa in isaga Sharafta ka qaado sidoo kale waxaan leeyahay ama ka Codsanayaa Xildhibaanada Cusub ee la Magacaabi Doono aysan Shariif Xasan Codkooda Siinin mar hadii uu rabo in dhibkii Ummada Soomaal;iyeed Sii Balaarsado .. Xildhibaankii Codkiisa Siiyana Maalinta Khayaamo Waa la Su’aalayaa
Wabilaahi Towfiiq
Ugaas Maxamed Ugaas Cabdulaahi

W/D Amiin Yuusuf khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


Shariif Xasan oo u hanjabay Wasiir Xoosh

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.