Home » Faallo »

Dhegeyso: Maxaa Kalla Heysta Duubabka iyo Aqoonyhanada: Xaalada Beesha Saruur

Halkan ka dhegeyso codka:
[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2012/codsaruur.mp3]

Beeshan oo soo martay sida nadaamku yahay ee wax loo xullo, dhaqankoodii, ugaasyadii, suldaanadii, nabadoonadii iyo wakiilkii beeshuba eey isku raacsan yihiin in jufooyinku eey soo xulaan sadaxda qof ee hoowshan loo diri lahaa, isla markaasna mudana.

Waxaa la soo xulay 3-qofoo ee kalla ah 1. Faadum Ahmed Alim-Cureji, wasiiradii hore ee waxbarashada, prof.Abdi Abshir Dhoore, oo ka tirsan maamulka waxna ka dhiga jaamacadaha University of Somaaliya iyo taliyihii u danbeeyey ee ciidamada qalabka sida Gen.Ahmed Jimale Geedi. Waxeey dhamaan beeshu aaminsan yihiin in beeshu soo xushay dadkii soomaali matali lahaa waxna la qeeybsan lahaa.

Waxaase yaableh, wakiilka Ugaaska beesha, Mudane Macallim Xirsi, ee leh saxiixa oo asaguna qirsan in xildhibaanadan eey soo xuleen beeshu, ogolyahay in dadka eey matalaan, sheegaya ineey la yimaadaan warqadahii uu u saxiixi lahaa oo codkiisii aad si waafi ah uga dhageeysan kartan halkan iyo doodii dhexmartay asaga, 3-xildhibaan, suldaanka iyo codkii Ugaaska uu ka wakiilka yahay hadana waxaa cad in 3-shaqsi oo kalla uu geeystay meesha.

Hadaba xaaladan mid la mid ah weli kama dhicin soo xulitaanka xildhibaanada ee lagu mashquulsan yahay, waana arin yaableh oo kalla heeysta aqoonyahanadii iyo duubabkii, ee fadlan umada Soomaaliyeedeey dhageeysta mucjisidan. Weeydiintu waxeey tahay: a) Yeey wakiilada Ugaasyadau u shaqeeynayaan oo sidan ku kalifaya, b)Maxeeyse arintan dabada ku heeysaa oo la imaan kartaa.c) Hadii sidan xildhibaanadu eey ku yimaadaan maxeey guud ahaan wadanka saameeyn ku yeelan doontaa??

Dhegeysi:
[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2012/codsaruur.mp3]

Xildh. Abdi Abshir Dhoore
Abdi_dorre@yahoo.se
Mob: 0615 700 948.


Shariif Xasan oo dhaar iyo hanjabaad isugu daray Wasiir Xoosh

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Dhegeyso: Maxaa Kalla Heysta Duubabka iyo Aqoonyhanada: Xaalada Beesha Saruur "

  1. salad sahal says:

    Waxa aan halkaan baaq uga soo jedinayaa beesha Saruur oo,dhan waxgaradkeeda oo uu ugu horeeyo ugaaska beesha Saruur Ugaas Mire Ducaale oo ah shaqsi muhiimad badan u,leh beesha maadaama uu yahay ugaaskii beesha sidoo kale waxa aan halkaan jeclahay in aan ku xuso odayaasha dhaqanka oo ku abtirsada beesha saruur, oo kamid yihiin.
    1.N,Shikh axmed mohmed caraale 2N,Haaji jamac 3N.Abdi mohamed kooshin 4N,Macalin hersi 5N.mohamed shikh axmed,iyo kuwa kale oo aan halkaan ku soo koobin karin intaba waan salamyaa baaqa aan u dirayaana maanta waxa uu yahay taariikhda tolka ee xaga dhaqanka dib haloogu noqdo taa ayaa wax saxi karta ayaan anigu qabaa mar hadii waxa maanta ay tahay waxa marti loo yahay odayaasha dhaqanka waana in ay door shariif ah ka qaataan ayda oo la eegayo tolku muxuu soo maray hada halkuu marayaa mustaqbalka tolku waa halkee xilga nagu soo fool leh sidaas ayaan leeyahay odayaasha .

    Dadka la hogaaminayo waxa aan leeyahay hadii odayaashu maraan wado suuban raaca oo haku talo diidin maxaa yeelay maanta waxa noo dhaqan anaga iyo soomaalida kale intaba wa odayaasha dhaqanka oo intii tabartooda dadalaya waxaanse leeyahay hadii ka leexdaan wadadooda oo ah in ay umada wada sax ah ku hogaamiyaan waa in bulshadu isu timaado cidii kale oo ay ku qanci karaan doortaan ayda oo aan wax kale la samey wada kale oo qaldan la marin umada

    Sidaas ayaan ugu baaqayaa dhamaan odayaasha iyo dhamaan bulshada ay hogaaminayaan oo dhan

    ASCWW

    Q:salad ibrahim sahal

  2. shariifa says:

    asc waxan aad ugu faraxsanahay saruur oo wax dooranaya manata gabdhuhuna waxay xaq u leeyihiin in aay barlamanka inay ka mid noqdan waxay ku xusan tahay dastuurki garoowe waxa nala haray wa jahiiliinta beeesha meetesha hanaga haran hadi dad oqon yahana la doorto waxa imana horumar lataban karo

  3. Abdiaziz says:

    Anigu Ra’yi Ahaan waxaan Qabaa Dumarku ineeysan Hor boodin raga..Ugaaz kuna Waxuu ilaalinayaa sumcada Beesha Saruur, Waayo sumcad inooguma jirto inaan qof dumar ah La weerer tagno ,iyagoo eey ragii Saruur dhooban yihiin,,Waana arin wanaagsan inuu Ugaazka diiday in qof dumar ah Lagu daro Xildhibaanada saruur

  4. cali ahmed says:

    naagtan wax ay tahay ma laha,ugaasku ma oga miyaa in uu jiro dastuur,lagana rabo hadalkiisu in uu ku saleysnaado dastuurka.
    haddii beeshu u ogolaatay maxaad uga hor istaageysaa mise waa naag ayaad ka wadaa?
    Duq xirsi fadlan baro in aad xaqdhowrtid dadka na matalaya,si adigana laguu ixtiraamo,xaalna sii gabdhaha beesha.
    teeda kale ugaasku waa waalidkeena,waalidkuna ilmihiisa marka uu soo qorayo iskoolka,waxa uu soo qoraa iyaga oo la socda marka waa sax in aad is raacdaan

  5. abdirahman says:

    A S C M SOMALITALK.COM IYO SHAQAALEHEDA MAAMULKEEDA

    besha saruur waxan kula talinayaa tanasul iyo in les garab istaago iyo in aan shaqsi jufo lagu raaci ee laraco shaqsiga hor marinkara dadkiisa iyo dalkiisa iyo diintiisa waxan wada ognahay in aan weli lahelin shaqsi daaca u ah umdada iga rali ahada hadan ka hadlay waxan loo bahnenn