Home » Faallo »

Maxaa la gudboon madaxweynaha Agoosto?

Ma noqon doonaa madaxweynaha cusubi mid keeni kara xaaladlooga baxo marxalladda lagu jiro maanta?

Shacabka Soomaaliyeed waxaa hor yaalla maanta hawlo badan ooku wajahan sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyin kala duwan oo muddo dheersoo jiitamayey. Dhibaatooyinka ayaa waxay u kala baxaan qaar la wada ogyahay oosi aad ah afka loogu hayo in xal loo helo iyo qaar aan si sahal lagu arki karinuna baahan in la iftiimiyo. Kuwa muuqdaa waa amni darrada dalka ka taagan,la’aanta dawlad loo wada dhan yahay, dhaqaale xumida, baahida iyo macluushahaysata caruur iyo haween,barakaca iyo xaaladaha qaxootiga soomaalida ee kunool xeryaha qaxootiga dunida iwm.

Dhibaatooyinka dahsoon ee iyagana xalka u baahan ayaa waxaaka mid ah cuqdada dheeraatay ee ku abuurantay quluubta shacabka, qabyaaladda loofahmay iney tahay jaranjarada keliya ee loogu gudbo mansab siyaasadeed, dareenkamidnimo iyo qowmiyad oo yaraaday iyo in loo arkay madaxtinimadu iney tahayfursad ku soo marta ee lagu noqon karo maalqabeen waqti gaaban gudahood.

Xalka dhibaatooyinkaa wuxuu u kala baxaa laba qaybood oo ah xal ku meel gaar ah iyo mid joogto ah. Xalka ku meelgaarka ahoo u gogolxaadhaya xalka joogtada ah ayaa ah

Habka looga bixi karo amni xummida dalka ka jirta.
Habka lagu abuuri kara xaalado bulshadu ay ku fahamto mecnaha iyo danta laga leeyahay dimoqraadiyadda.
Sidii loo dhisi lahaa xoog militari ka madaxbannaan siyaasadda gudaha ee dalka. ( waa ineynu ka khibrad qaadanaa dhacdooyinkii dalka masar oo marka dawladda iyo shacabku ay isku dhaceen , xoogga militariga wuxuu qabtay hawl dhexdhexaad difaac ah ee kama uusan qayb gelin rabshadaha ka socday dalka masar )

Dhibaatooyinka hor taagan ku tallaabsashada xal joogto ahwaxay u kala baxaan qaar ka imaanaya gudaha dalka iyo kuwo dibedda:

In dawlad waliba ee somaliya u dhalata aysan helin fursad iyo waqti ay ku meel mariso dhammaan hawlahaa culus .
in qaar ka mid ah xubnaha dawladda ay ku fekeraan iney mas’uuliyadoodu tahay fursad soo martay noloshoooda oo markaa ay muhiim tahay iney ka faa’ideystaan , halkaasna hawlihii aysan u qabsoomin sidii la rabay.
In aysan qaybsiga jagooyinka xafiisyada dawladdu iyo hawlaha mas’uuliyadaha dawladda ku xidhnaan khibradda iyo aqoonta shaqaalaha ee ay tahay YAAD U DHALATAY ama BEESHEE KA SOO JEEDDAA.

Carqaladaha hor taagan dawlad kastoo somaliya u dhalata eekaga timaada dibedda dalka :

Ø In dawladaha deriska la ah soomaaliya aydoonayaan dhismaha dawlad soomaaliyeed ee aan halis ku ahayn amnigooda,markaanawaxaa dhacaysa iney hor joogsadaan si toos ah ama si dadban dawladda markaa aanu janjeedhin himilooyinka siyaasadeed ee ay ka leeyihiin soomaliya.

Ø Somaliya oo ah dawlad 100 % muslim ah ayaa marwalba waxay welwel ku haysaa waddamada yurub iyo markeykan in ay diintaislaamka ku fido shucuubta la deriska ah , markaana waxaa laga shaqeynayaasidii ay itoobiya gacan ugu yeelan lahayd abuurista dawlad aan khatar ku ahaynamnigeeda.

Ø Ayadoo ay dadweynuhu u bisleen dhinaca maskaxiyo aqoonba iney fahmaan qorshe walboo siyaasadeed ee dawladdu la timaadomarkaa si sahal ah bey warbaahinada dunida saamayn ugu yeelan karaan ra’yigadadweynaha soomaaliyeed.

Haddaba maxaa lagudboon madaxweynaha cusub si uu u meel mariyo barnaamijka soo celintaamniga iyo midnimada somalia .

Inuu ilaah ka cabsado oo uu xasuusto xisaabta maalinta qiyaame.

Inuu ku dhaqaaqo habka odaydhaqameed-aqoonyahan kaasoo ah in beel waliba ay la timaado koox ka kooban oday dhaqameed oo ay weheliyaan laba aqoon yahan oo ku abtirsada beeshaa.

In dawladda cusub ay ku dhaqaaqdo barnaamij dadweynaha loogu wacyi gelinayo laguna diyaarinayo sidii hab goboleed kadibna loogu gudbo hab dimoqradi ee axsaab siyaasadeed lagu abuurayo.

inuu ku dhaqaaqo hab cusub oo loo yaqaan xanib biyomareenka. In la daboolo isha oo la xanibo meesha ay biyuhu ka soo baxayaan baa ka fiican in mar walba biyaha soo daatay la nadiifiyo. Taasoo loola jeedo in maadaama sababta ugu weyn ee dagaalanka loogu jiro kuraasta siyaasadda ay tahay in faa’iidooyin dhaqaale iyo mid awood siyaasadeed laga helayo, waxaa muhiim ah in kursigu noqdo mid aan laga heleyn in ka badan faaiidada qofku shaqeystay ee dawladdu ay ka war hayso , shacabkuna ay la socdaan. Mushaharada madaxweynaha iyo xubnaha dawladdiisa iyo waxyaabaha ay xaq u leeyihiin waa inuu noqdaa warbixin aan shacabku ka daboolneyn.

Inuu raadiyo si kastaba hab wadahadal iyo is afgarasho lagula yeelan karo kooxda alshabaab ama koox walboo ka hor imaata horusocodka soocelinta midnimada dalka.(waa ineynu xasuusanahay iney xubnaha ururkani ku jiraan dad soomaali ah markaana lagala tashan karo sidii loo gaari lahaa is afgarasho siyaasadeed.)

Inuu ku dhaqaaqo barnaamijka shaki bixinta iyo qalbi dejinta dadweynaha kaasoo ah dood uu ra’iisalwasaaraha iyo dawladdiisa iyo mucaaradka ka soo horjeeda ay ku yeelanayaan xarunta baarlamaanka ayadoo si toos ah looga daawanayo telefishanada dalka iyo kuwa dadweynaha soomaaliyeed ay daawadaan oo idil.In qaar ka mid ah shacabka ay goob joog ka ahaan karaan doodahaasi ,halkaasna lagu lafaguro dhammaan mowduucyada siyaasadeed ee la hadal hayo si kutirikuteen ahna dadku ay uga sheekeystaan. Barnaamijkaa in la qabto todobaadkiiba mar.

In mid ka mid ah doodahaa uu wasiirka maaliyadda iyo madaxweynaha ay ku soo bandhigaan qaabka dejinta maaliyadda dalka, miisaaniyadda sanadka soo socda , dakhliga soo galay , sida loo maamuli karo iyo arrin walboo ku saabsan dhaqaalaha oo si cad ay dadku u maqlayaan. In markaana la weydiin karo su’aalo ku saabsan haddii la tuhunsan yahay in ay wax lacag ah maqan tahay. Shacabku waxay xaq u leeyihiin iney dareemaan in hantida qaranka aysan ahayn mid madaxweynaha iyo dawladdiisu ay si gaar ah u leeyiin ee ay tahay hanti qaran loo wada dhan yahay.

In la sameeyo Guddiga xisaab xil maleh oo ka kooban culumaa’udiin ilaah ka baqaya & aqoonyahano ku xeel dheer sharciga xajiijinta xisaabta iyo dabagalka qaldaadka, laguna dhaariyo maxkamadda ayadoo telefishanka dalka laga wada fiirsanayo iney si cadaalad ah hawshooda u gudanayaan. Guddigaa waxay hawshiisu tahay keliya iney farta ku fiiqaan wax walba oo qalad ah ee soo dhex gala maamulka maaliyadda dalka , maamulka siyaasadda dalka , maamulka maxkamadaha dalka oo ay soo gudbin karaan haddii si caddaaladarro ah wax loo maamulo.

In Guddiga xisaab xil maleh ay baaraan,hubiyaanna in jagooyinka dawladda loo magacaabay shaqaale leh aqoonta iyo khibradda loo baahnaa, iney baaraan in fursadaha shaqo ay u simman tahay dhammaan beelaha soomaaliyeed .Haddii ay la kulmaan wax khayaano ama isdabamaris ahna ay si toos ah awood ugu leeyihiin iney ka soo saaraan qoraal rasmi oo lagu daabacayo wargeysyada dalka ayna u gudbinayaan cadaaladda si wax looga qabto.

Awoodda shacabka waa iney xor ahaataa oo loo fasaxaa iney dibed ubax sameyn karaan markii ay la kulmaan dhaliilo & khayaano ay soo xaqiijiyeen guddiga xisaab xilmaleh.

In madaxweynaha cusub uu si cad ah u soo bandhigaa nooca xiriir siyaasadeed ay dawladdiisu la yeelaneyso wadamada deriska la ah, kalana tashadaa xubnaha baarlamaanka sida arrinta loo qabanayo iyo siyaabaha loogu sharxayo dadweynaha. ( waa ineynu ogaanaa in dawladda Itoobiya aysan marnaba faraha kala baxeen arrimaha siyaasadda gudaha ee somaliya, ayna u haysato taageero xoog weyn ay ka heshay waddamada yurub iyo mareykanka. Arrintani ma ahan mid ugaar ah itoobiya ee waa dhacdo siyaasadeed ku qoran istaraatejiyada siyaasadaha caalamka oo dhan. Haddii tusaale ahaan ay burburto qaranimada waqooyiga kooreeya,waxaa waajib ku noqoneysa koofurta kooreeya iney ka shaqeyso sidii aysan u soo noqon xoog ama dawlad la mid ah tan dawladdii shuuciyadda waqooyiga kooreeya ee ay sameysanto dawlad daciif ah khatarna aan ku ahayn amniga dalkeeda . waxay markaa dawladda kooreeya ayadoo ay la shaqeyneysa xulafadeeda dawladda mareykanka meelo badan oo dalka waqooyiga kooreeya ka mid wax ka baabi’in lahaayeen waayo kharajka, dadaalka iyo jahawareerka kaga baxaya iska difaaca dawladda shuuciyadda ee deriska la ah waxaa ka jaban,kana dhib yar kharajka & dadaalka ku baxaya carqaladeynta iney soo noqoto dawlad taa oo kale ah), Markaa waa inuu madaxweynuhu la yimaadaa siyaasad qun yar socod ah kuna saleysan u qosol cadawga, isuna diyaari dagaal.

Inuu abuuraa xaalad siyaasadda gudaha ee aannu awoodda siyaasadeed ku xirneen shakshiga meesha uu ka soo jeedo,ciidanka iy awoodda ay leeyihiin beeshiisa ee waa inuu ku saleysnaadaa kartida & aqoonta shakhsiga soomaaliyeed.

Inuu ka shaqeeyaa in ayadoo ay soomaliya ku dhaqmeyso sharciyada diinta islaamka haddana ay la yeelato deris wanaag wadamada jiiraanka la ah kana qayb gasho tartarnka horumar ee caalamka ka socda.

inu madaxweynahu daacad u noqdaa mas’uuliyadda xilka adag ( waan ka war haynaa in markii dhulgariir xoog leh ka dhaceen dalka jabaan madaxweynaha dalkaasu wuu ilmeeyey, asagoo islamarkaana ku baaqay in mushahar uusan qaadan doonin bisha ay murugada iyo dhibaatadu haysatay shacabkiisa).

Awes A. Osman

DNS, Stockholm

dennyasomalia@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.