Home » Warar »

Kulan Xasaasi ah oo 4 Bishaan Agoosto ay Magaalada Nairobi ku yeelan doonaan Saxiixayaashii Road Map-ka iyo Hillirey Clinton

Waxaa la filayaa in 4ta Agoosto 2012 Magaalada Nairobi ay soo gaarto Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Hillary Cilnton oo iminka Booqasho ku Mareysa Dalal ka mid ag Qaarada Afrika , waxaana la xaqiijiyey in Magaalada Nairobi ay kula kulmi doonto Saxiixayaashii Road Map-ka.

Saxiixayaasha Road Map-ka waxaa kamid ah Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG, Shiikh Shariif Shiikh Axmed , Raiisul Wasaaraha DFKMG Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Shariif Xasan Shiikh Aadan , Madaxweyanaha Maamulka Pundland Cabdiraxmaan Faroole , Madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalim, Ahlu Sunna , Ergeyga Gaarrka ee Qaramada Midoobey ee Soomaaiya Mahiga , waxaa Kulan la sheegey in uu qaadan doono muddo Saacad ah.

Lama oga waxaa keeney Kulankaan hase yeehsee waxaa la sheegey in looga hadli doono waxa ka qabsoomey arrimahii Road Map-ka , wuxuuna kulankaan ku soo beegmey Xilli 1-dii Bishaan la ansaxiyey Dastuurkii Qabyada ahaa hase yeeshe warar ayaa sheegeya oo aan ka helney Siyaasiyiin Somaliyeed in Hillery Cilnton ay ka hadli doono arrimo la xiriira Lacagihii la sheegey in ay lunsadeen qaar ka mid ah madaxdii soo martay Dalka oo ay ku jiraan qaar ka mid ah kuwa ay la kulmeyso.

Warar kale ayaa sheegaya in Hillery Clinton ay kala hadli doono Qaabka Doorashada ee Madaxweynimada , waxaana la sheegey in Dowladda Mareykanka loo direy qoraal lagu wargelinayo in Doorashada loo soo diro Guddi Madaxbanaan haddii taasi dhicin ayaa lagu yiri Qaraalkaasi in ay dhici karto in dib u soo laabtaan Madaxda iminka hor Boodeysa Dowladda Federaalka .

Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif oo wax laga weydiiyey Kulankaasi ayaa sheegey in Kulankaasi uu jiro isagoo yiri ”Wadankaan kama dhamaan Faregelin Shisheeye hase yeeshee midkaan ka dhacayo Magaalada Nairobi ma ahan Fargelin shisheeye ee waa mid la tashi ah oo looga arrinsanyo waxa ka qabsoomey Barnaamjikii Road Map-ka

Siyaasi aan wax ka weydiiyey Kulanakaan ayaa yiri” Waa la yaab in Madaxdii ugu sareytsa inta is daba galaan ay wadan kale kula kulmaan Xoghaye arrimo Dibadeed , waxaa sharci ah ah in Xoghayaha uu yimaado Magaalada Muqdisho waayo Madax ka waaweyn ayaa yimid oo tagey Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya marka Ilaah ha noo soo dedejiyo sidaan uga bixi lahayn Ihaanadaan heerkaas gaartey

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.