Home » Warar »

Hay’ada Samafalka Haro oo Afurisay Barakacaal gaaraya Lixboqol oo ruux

Dhagayso dadka la afuriyey oo ka hadlaya baahida ay u qabeen afurka loosameeyey, una ducaynaya cidkasta oo qayb ka qaadatay

Ha’ayda Haro oo ah Hay’ad ka howl gasha geeska Africa, ayaa waxay qiimayn kusoo sameeyeen dhowaan Gobolka banaadir, halkaas oo ay kusoo arkeen dhibaato lixaad leh, sida uu waraysigiisa ku sheegay Xasan Dhooye oo ah Agaasimaha Haro, mar uu ka sheekaynayey safar ay isaga iyo Sh. C/raxaan Muqdiso ku gaareen, warbixintaas oo ahayd warbixin naxdin leh, ayaa waxaad loogu soo celceliyey TV-yada iyo idaacadaha Maraykanka, iyadoo ay lasocoto sawiro ay ka muuqato dhibaatada dadka haysata, Hay’ada Haro ayaa isu taagtay in baahidaad ay wuxuun kala tacaasho, waxayna bilowday laba barnaamij, Afurinta dadka dhibaataysan iyo in Baco loo helo dadka roobka ay ka galaan.

Dadka Maraykanka ayaa fariintaas jawaab bilow ah ka bixiyey,waxayna Ha’ayda Haro illaahay fadligiis iyo dadka wax sadaqaystay kadib bilowday Afurinta maalinkasta 600 oo qof, kuwaasoo ka kooban Indhoola yaal iyo dad aad u tabar dar, dhaqaalahaas bilowga ahna waxaa tabarucay in yar oo kamid ah Jaaliyada Maraykanka.

Halkaan ka dhagayso kana daawo dadkii oo la afurinayo iyo sida ay u arkaan.

Fariinta Hay’ada Haro Masuulkeeda Xasan Dhooye ku celcelinayo ahaa ah;

1- In dadkaan dhibaataysan loo gurmado oo barnaamijkaan afurinta laga qayb qaato.Qofkiina bishii waxaa afuriya $60

2- In Zakaatul Fitriga lagu soo hagaajiyo Ha’ada HARO inta bishu dhamaan si dadkaas dhibaataysan loo gaarsiiyo
3- In dadkaas dhibaataysan loo helo baco ay Roobka ka galaan.
4- Sidoo kale Maalinta Sabtida ah waxaa shir isugu jira afur iyo Barnaamij lagu qaban doonaa Maqaayada Safaari dhamaana waa lagu casumayaa dadka reer Minnesota.Faah faahin fadlan Flayerka Akhri. http://harousa.org/?p=1130

Daawo Socdaalkii Sh. C/raxmaan iyo Xasan Dhooye ee Soomaaliya

Waxaad kala soo xiriiri kartaa Ha’ada HARO wardoon iyo waxbixinba cinwaanadan hoose;

Humanitarian African Relief Organization (HARO)

Minnesota
3355 Hiawatha Ave South. Ste 202
Minneapolis, MN 55406
612-315-5691
612-636-5338
info@harousa.org

California
6161 El Cajon Blvd # 912 San Diego, CA 92115
1(619) 741-9260

Seattle Washington
(619) 741-9260
206-7870631

Ohio
614-471-5329
614-207-2552

Sawiro dheeraad ah fadlan boowo www.harousa.org

www.harousa.org
Face book: Haro EastAfrica

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.