Home » Warar »

Madaafiic Maanta lagu Garaacay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo.

  • – Warsaxaafadeed: Ra’iisul Wasaare Ku Xigenka Irland oo Booqasho Ku yimid Muqdisho

Madaafiic Maanta lagu Garaacay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo dhinaceeda waqooyiga ee Maamulka Puntland ayaa sheegaya in Garoonka Diyaradaha ee Waqooyiga Gaalkacyo in maanta ay ku soo dhaceen Madaafiic. Maareeyha Garoonkaas ee Maamulka Puntland Siciid Dhega Weyne oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Madaafiicdaasi ay kaga soo dhacday dhinaca Koofurta Magaalada gaalkacyo oo ay ka arrimiyaan Maamulka Gal Mudug.Maareeyaha ayaa intaa ku daray in xilligii Madaafiicdaasi ay soo dhacaysey in ay ahayd xilli ay shaqadu socotay Shirakadaha Duulimaadkuna ay halkaa ku sugnaayeen.
Siciid Dhega weyne ayaan xusin wax khasaare ah oo ay gaysteen Madaafiicdaas lagu soo garaacay Garoonka Diyaaradaha Waqooyiga Gaalkacyo maanta.Ma aha markii u horeeyay oo Garoonkaas Madafiic lagu garaaco goor aan sidaa u sii fogeyn ayaanay ahayd markii Kooxo Maliishiyo ah oo gadoodsan ay sidaan oo kale ay Madafiic ugu tuureen Garoonkaas.

Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacayo ayaa Mudooyinkaan dambe waxaa ka jirey Khilaafyo u dhaxeya Maamulada Pundland iyo Galmudug waxaana Khilaafkas uu ahaa mid la xiriira dhinaca Dhaqalaha ee ka soo Xarooda Garoonkaas waxaana Khilaafyada Noocaan ah markey dhacaan waxaa Xalin jirey Odoyaal labada dhinac..

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

AKHRI: Baarlamaanka DFKMG ee Soomaaliya oo Ansixiyay Kudhaqanka Shareecada Islaamka (April 18, 2009)


Warsaxaafadeed kak soo baxay DFKMG hoos ka akhri:

Ra’iisul Wasaare Ku Xigenka Irland oo Booqasho Ku yimid Muqdisho Kulana Laqaatay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya

Moqdisho, 29, July, 2012…..Ra”iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xafiiskii ku qaabilay wafti uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibada iyo Ganacsiga ee Dalka Irland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulankiisa waxaa ku wehliyey Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane, Cabdiwahab Ugaas Khaliif Ugaas Xuseen, Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane: Cabdulahi Godax Bare, iyo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane: C/qaadir Xusein Jaahweyn.

Ugu Horayntii Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Irland Eamon Gilmore ayaa aad u soo dhaweeyey dadaalka ay wado Xukuumada kaas oo dalka looga saarayo KMG, isagoona ku tilmaamay in ay tahay talaabo horay loo qaaday oo lagu xaqiijinayo in Soomaaliya ka dhalato dowladd rasmi ah, sidoo kole waxa uu soo hadal qaaday in Dowladda Irland ay ka wado Soomaaliya mashaariic badan kuwaas oo isugu jira dhanka Bana’adanimada iyo mashaariic lagu hormarinayo dalka.

Ra’iisul W. ku xigeenka Irland ayaa sheegay in dhamaan deeqaha ay bixiso dowladiisu ay soo maraan EU iyo UN ayna wax weyn ay ka badashy deeqdaas Abaarihii ku dhuftay koonfurta Soomaaliya sanadkii hore, waxaa kale oo uu sheegay in nabdgalayda magaalada Muqdisho uu ku muuqdo isbadal wanaagsan dowladiisuna ku tala jirto sidii ay Soomaaliya ula samaysan lahayd heshiis wax wada qabsi mustaqbalka dhow.

Ugu Danbayntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga mahadceliyey waftiga Irland booqashadooda isagoona sheegay in Irland safka hore kaga jirto dowladdaha ka shaqeeya horumarka Soomaaliya waxaana uu soo dhaweeyey mashaariicda kala duwan oo ay ka wadaan Soomaaliya, iyo in labada dowladood yeeshaan xariir wanaagsan. Sdioo kale Ra’iisul wasaare Gaas wuxuu warbixin kooban ka siiyey Waftiga isbadala siyaadeed oo dalka ka socda iyo in loo fadhiyo ansixintii Dastuurka si Soomaaliya 20 Augst uga baxdo KMG.
##DHAMAAD


Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
+252-699270033
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.