Home » Warar »

Gen Maxamed Nuur Galaal oo Noqodey Musharaxii 46-aad oo Isu soo Taagay Musharaxnimada Madaxweynaha Soomaaliya

Gen. Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ah Saraakiishi soo martay Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ka mid noqday Musharixiinta u taagan qabashada Madaxtinimada Soomaaliya.Gen Galaal oo ka hadlayay Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen Boqolaal Taageerayaashiisa ah ayaa halkaa ka jeediyay Khudbad dheer oo uu kaga hadlay Hadafkiisa Siyaasadeed waxa uu doonayo inuu haatan ka qabto Dalka Soomaaliya.

Gen Maxamed Nuur Galaal ayaa sheegay inuu waaya aragnimo dheerad ah u leeyahay arrimaha Soomaaliya in ka badan afartan Sanno uu ka soo shaqeynayay Hawlaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Galaal ayaa xusay haddii uu ku guulaysato Madaxtinimada Soomaaliya inuu wax ka qaban doono waxyaabo fara badan gaar ahaana dhinaca horumarinta Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Tacliinta.

Gen. Maxamed Nuur Galaal ayaa intaa ku daray in Shacabka Soomaaliyeed uu ka gudbin doono ama ka tallaabin doono dhibaatooyinkii soo wajahay Sanooyinkii dhowrka ahaa ee dalkan uu ku jiray Bur Burka.Gen. Maxamed Nuur wuxuuna ugu yeeray Shacabka Soomaaliyeed Midnimo iyo Cadaalad isagoo si gaar ahna ugu jeediyay Mahadnaq Taageerayaashiisi Munaasibaddaas ka soo qayb galay isagoona u rajeeyay Guul ololahiisa uu isu soo sharraxayo Madaxwynaha Soomaaliya

Musharaxnimadaan uu Gen. Maxamed Nuur Galaal isu soo Sharaxaya Jagada Madxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ay ka dhigaysaa Musharixii 46aad ee isu soo taiga Jagadaas iyadoo ay jiraan Musharixiin aad u fara badan oo isu soo taagaya Musharaxnimada Madaxtinimada Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.