Home » Warar »

Shiikh Shariif “Haddii Boqol Doolar igu Caddaato in aan qaatey waxaan Diyaar u ahay in aan ka Dego Xilka oo aan iska Xaadiriyo Xabsiga Guantanamo Bay”

Madaxweynaha DFKMG Shariif oo ka hadlayay Munaasibad Ololihiisa doorashada daah furayay ayaa halkaa ka jeediyay Khudbad dhinacyo badan taabanaysay.

Shariif Shiikh Axmed ayaa ugu horeynba ka hadlay warbixintii dhawaan ay soo saartay Hay’adda daba galka Cuna qabataynta Hubka Soomaaliya iyo Eretireya, isagoona sheegey in warbixino been ah laga gudbiyay.

Madaxweynaha DFKMG Shariif ayaa ku macneeyay warbixintaas mid aan sal iyo raad toona lahayn isla markaana ay tahay mid ujeedooyin gaar ah laga leeyahay laguna doonayo in lagu Niyad jabiyo Shacabka Soomaaliyeed.

“Kooxdan la yiraah Monitoring Group, Hadda Warbixinta soo saartay waxay ka mid yihiin cadawga ummada Soomaaliyed, waayo 20-kii sano la soo dhaafay Warbixin ma sameeyeen, maxaa diiday inay baaritaan u sameyn waayeen: Dad ayaa la dhacay, Dad ayaa la dilay, Dadka la kufsaday balaayaa Dhacday, wax Warbiixin ah ay ka sameeyeen ma jiraan, dowladda markii lagu dhisay Jabuuti, Boqol Doolar nalooma dhiibin, cid aan lacag ka soo qaadeyno oo noo muuqata ma jirin, Ganacsatada u yeernay Hotelada Isbaheysiga aan aheyn waxaa lagu yeeshey Dayn waxaan ku qasbanaaney in aan Malyan iyo labo Boqol kun Deysano si aan wax u dhaqaajino, waxaa la yaab leh in kuwii aan Deynta ka qaadaney lagu Daro Warbixinta ,” ayuu yiri Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Shariif Shiikh ayaa Codsaday in la sameeyo baaritaan dhab ah isla markaana la xaqiijiyo Lacagaha lagu eedeynayo Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed. Waxana uu balan ku maray Baaritaankaa kaddib haddii ay ku caddaato in Boqol Doolar oo keliya oo lacagahaas la sheegayo ka mid ah lagu Caddeeyo inuu Xilka ka Degayo, isla markaana uu isu diyaarinayo Xabsiga Guantanamo Bay.

Shiikh Shariif ayaa ku celiyay in sababta xiligan loogu soo beegay eedeymahan ka dhanka ah Mas’uuliyiinta Dawladda ku meel gaarka Soomaaliya in ay tahay arrin lagu doonayo sidii la isu hor taagi lahaa loona baajin lahaa Doorashooyinka dhawaan la filayo in ay ka qabsoomaan Soomaaliya.

Shariif Shiikh Axmed oo khudbaddiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in arrintaa uu maqlay goor hore kalana sheekeystay waa siduu hadalka u yiriye Mahigga laakiin aysan ahayn wax micno ka soo qaad leh.

Kooxda Monitoring Group ayaa maalmihii dambe si weyn u hadal haysey Lacago la Musuq Maasuqay iyadoo Madaxweynaha DFKMG Shariifna uu ka mid yahay Shakhsiyaadka sida gaarka ah farta loogu fiiqay lana gudbiyey in Malaayiin lacago ah uu leexsaday.

Si kastaba hadaladan ayaa dhamaantooda waxa ay imaanayaan xilli la filayo in maalinimada sabtida ah ee soo socota la ansixiyo Dastuurkii qabya qoraalka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Quote of the Day: “This government is ready for transparency. If any money is missing, I am ready to resign and to be taken to Guantanamo Bay” Sheikh Shariif

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Shiikh Shariif “Haddii Boqol Doolar igu Caddaato in aan qaatey waxaan Diyaar u ahay in aan ka Dego Xilka oo aan iska Xaadiriyo Xabsiga Guantanamo Bay” "

  1. shakur says:

    Madaxweyne Lacagta xafladaha aad ka bixi la,dahay lagu bixinayo xaggee ka keentey-
    waxaad kaloo ogaataa meesha aad dhahdey waan iska xaadirinaya argagixiso aya lo furtey ee maaha meesha Musuqmaasuqa lagula diriro-
    sidookale ragga meeshas furtey US aya ladhaa iyaga xil uma haysid somali aya u haysaa- waxa ka qurux badnan laheyd adigo dhaha hadii wax igu cadaadan xilka waan ka degaya bulshada ayana i xakumeysa

  2. Eng musharaf says:

    asalaamu calaykum somali talk,

    ani aragtidayda hadaan cabiro waa arrin la doonayo in somalia shaki kale lagu sii abuuro shiikh shariifna si fiican ayuu uga hadlay

  3. John says:

    Waxa aan Madaxweyne Shariif ku Dhiiri galin laha, in meeshiisi uu ka sii wato Ololha Madaxtinimadda iyo Sidi uu marlabaad Hogaanka u qabsan laha … Waayo waxa Caddaan ah, oo aan Shaki ku jirin, in aan la dooneynin Wax qabadka Muuqdo uu waliba Sh. Shariif Horseedka ka yahay … Runti Fadeexadan ayaan aheyn mid Waqtigan Xaadirka lagu Faa’iddi karayo, in Dhib hor leh ay nagaliso mooye … Waxa aan Dareensanahay, in marnaba aan laga Saa’id Caleyn karin Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed siiba inta Waxgaradka ah … Sidaasi darteed ayaa waxa dhici karta, kuwa Tuhunka iyo Fadeexadda Umadda soo dhax dhigay in aysan Waxba ka Faa’iddi kareynin … Waxa aan dhihi laha, xata haddi ay kuwaasi doonaan Qaxar iyo Mariidba ha noo Qoosheen waa in Madaxweynaha lala garab galo sidi uu kuwaasi ula Dabaaqtami laha, waliba uga Guuleysan laha, kuwa iyaga aan Geedna ugu soo Gambanin, sidi Umadda Soomaaliyeed ay marka kale iskaga Hor keeni lahaayeen … ! Wabillaahi towfiiq.

  4. caamir says:

    caamir
    maahmaah soomaaliyeed , sacabka waxaaa loo garaacaa habeenkii waa arin sacabka kawayn..
    madaxwaynuhu waa inuu ogaadaa naftiisii ayuu biimeeyey taangi waxaan ahayna kuma socon mudo sadex sano ah, muqdisho gudaheeda , wuxuu na arintaa u samaynayey inuu wuxuun kasbado waana caadi sida madaxda dunida inuu wax uun meel iska dhigto , haduu yiraahdo waxba ma qaadan hadee cuuruurtu ma aqbalayso iska dhaaf dad waaweyne , waxaa wanaagsan inuu yiraahdo xaq baan u leeyahay inaan waxuun qaatoanoon aad ugu talax tegeyn , una yeero kooxda Monitoring Group waxna uu udhiibo iyagaa iska aamusayee,
    waxay aniga ila tahay dhamaan madaxdii soo maray soomaliya sagaashankii ka dambeeyey ninmaan wax leexsan majiro maarka laga reebo Cabdulaahi yuusuf oo xataa aan qaadan 1 doolar oo dawlala imaaraaku ay sheegtay inuu waayey kharash uu iskaga bixiyo cibitaalkii dubai.

  5. SCW, dhamaantiin shacabka soomaaliyeed.

    Madaxweynaha DKMG, Sh. Shariif waxuu yiri hadii hal doolarka igu soo baxdo xukunka waan ka degi xabsigana ha la taxaabo. Runtii qofka haduu masuul yahay asagaa laga rabaa inuu is bari yeelo. Waayo “Monitoring group” way cadeeyeen lacagta la lunsaday, qaabka loo luns aday, iyo cidii lunsatayba. Marka hada shacabka waxaay ooga fadhiyaan inuu is bari yeelo. Lacagta uu leeyahay halaygusoo cadeeyo waa lacag lagu qeebsaday “cah” oo la og yahay meesha ay martay iyo cida qaadatay. Marka hada waxaan ka rabnaa hadaan nahay shacabka soomaaliyeed inu Madaxweynaha isaga is bari yeelo oo keeno lagacgihii soo galay dowlada iyo meeshay ku baxeen ayaan ka rabnaa. Waayo lacagtaan mucaawanada ah waa canshuurtii laga soo qaaday shacabka shaqeeya ee dalalkaas ee ma’aha waxay leeyihiin dowladahaas, horta waa inay fahmo sh.Shariif. Hadii uusan keenin “Financial Statements” muujineesa lacagahaas meelaha ay ku kharash gareeyay. Waxaa kaloo laga rabaa xisaab xir misaaniyadii inta uu ahaa madaxweyne. Hadii uu taas keenin af waxaa uu ka yiraahdo cid aamineesa majirto.Ugu dambees,waxuu yiri waa inay baaritaan suubiyaan! So asaga ma’aha qofka soo ceeriyay ninkii ka socday QM si uu xogta u baaro. Tan QM Way goormay cadow noqdeen? Soo kuwa uu markasta la shiro oo ay taageero ah mid maliyadeed iyo mid ciidanba? Durbaba Sh. Shariif (madaxweynaha waxuu bilaabay luqadii muqaawamada.Taa mar ayaa ratiga lagu kacsaday oo somaali laga gaday laakiin hada cid dheg jalaq uusii baan jirin. Marka Sh. Shariif ilaa uu meel saaro eedeenta lagusoo oogay asaga iyo madaxda kale waa ineeyan usoo istaagin doorasho.
    Taa waxaa xiga intuusan usoo istaagin doorashada waa inuu u sheegaa shacabka hantida uu hada heesto inatay la’egtahay iyo meeshuu kasoo kasbaday. Tan waa inuu shaeegaa hantida uu heestay intuusan madaxda noqon. Intaa haduusan soo cadeen cid dooran ama wax ka dhegeesan baan jirin.