Home » Warar »

Xildhibaan Woosh “ in Beesha Caalamku si Dhab ah ula Xisaabtanto cid kastoo lagu tuhmayo in lug ay ku leedahay Musuq-Maasuqa”

Xildhibaan Maxamed Shiikh Cali Woosh oo ka mid ah Xildhibaanada Barlamanka ku meel gaarka Soomaaliya ayaa sheegay in ay jiraan eedaha ku aaddan Musuq maasuq ay galeen mas’uuliyiinta ugu sarreysa Dawladda ku meel gaarka Soomaaliya.

Xildhibaan Woosh ayaa farta ku fiiqay in ay jireen baaritaano ay hore u sameeyeen Guddiga Dhaqaalaha ee barlamanka ku meel gaarka Soomaaliya isla markaana ay muujiyeen in ay jiraan lacago la lunsaday isagoona si gaar ah farta ugu fiiqay Sedaxda Mas’uul ee Xukuumadda ugu sarreysa.

Maxamed Shiikh Cali Woosh oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in Eedeymaha ku saabsan lunsashada Lacagaha la lunsaday in aysan ahayn wax cusub ha yeeshee Dawaladihii ku meel ee gaarka ee iska dambeeyay ay mid walba dhinaceeda u lunsatay Lacagihii qaranku lahaa.

Woosh ayaa farta ku fiiqay in Xilligii Shariif Xasan uu ahaa wasiirka maaliyada ay soo jeediyeen in lala xisaabtamo isla markaana uu hor yimaado Guddiga maaliyadda ee Barlamanka si loo weeydiiyo Lacago xilligaas la tabayay ha yeeshee uu diiday Shariif xasan in Guddiga uu hor yimaado taasina waxa ay daliil u tahay ayuu yiri Xildhibaanku in ay wax badan ka jiraan Musuq Maasuqa la sheegey in ay gashay Dawladda ku meel gaarka Soomaaliya.

Dhinaca kale ayuu xildhibaanku soo dhaweeyay hadaladii dhawaan ka soo yeeray Guddiga Daba galka Cuna qabataynta Soomaaliya iyo Eritireeya isagoona sheegay inuu soo dhaweynayo warbixintii Monitoring Group uu ka diyaariyay Musuq maasuqa la degay Dawladda ku meel Gaarka Soomaaliya.

Xildhibaan maxamed Shiikh Cali Woosh oo ka tirsan Mudanayaasha Barlamanka Soomaaliya ayaa ku taliyay in Beesha caalamku si dhab ah ula xisaabtanto cid kastoo lagu tuhmayo in lug ay ku leedahay Musuq maasuqa la sheegay isla markaana Cadaaladda la hor keeno.

Xildhibaan Woosh ayaa shacabka Soomaaliyeed u sheegey in arrinta maanta soo baxday ay iyagu ka guddi Maaliyad ahaan ay muddo soo wadeen isla markaana ay maanta gaarsiyeen Heer caalami ah oo Hay’adihii arrimahaa ku shaqada lahaa arrinta soo fara geliyaan warar dheeraad ahina ka soo saaraan.

Si kastaba hadalkan Xildhibaanka ayaa imaanaya xilli dhawaan Kooxda Monitoring-ka Group ay shaaca ka caddeeyeen Musuq maasuq Xooggan oo hareeyay Xukuumadda uu Madaxweynaha ka yahay Shariif Shiikh Axmed in kastoo xukuumadduna arrintaa beenisey.

Seddax Boqol oo Muwaadiniin Soomaali ah oo Madax Furasho loogu Haysto Magaalada Misarata ee Liibiya.

Waxaa si weyn isu soo taraya Cabshada ka imaanaysa maalmahan dambe Boqolaal Muwaadiniin Soomaali ah oo ku xir xiran Xabsiyada dalka Liibiya iyagoona ka Cabanaya tacaddi iyo Gabood Fal xoog leh oo loo gaystay.Xabsiga Magaalada Misarata ee Dalka Liibiya ayaa iminka waxaa ku Xiran Soomaali Tiradooda lagu sheegay Seddax Boqol iyo Soddon Muwaadiniin Soomaali ah.

Maxaabiistan Soomaalida ah ee halkaa ku xiran ayaa Soddon ka mid ahi waxa ay yihiin haween halka tirsada soo hadhay ee gaaraysa illaa sedaxda Boqolna ay yihiin Rag u badan Dhallinyaro Soomaaliyeed.

Haweeney lagu magacaabo Deeqo oo ka mid ah Maxaabiista Soomaalida ah ee halkaa ku Xiran ee war baahinta caalamka la hadashay ayaa sheegtay in halkaas ay ku haystaan Rag Maliishiyaad ah oo uu hoggaaminayo Nin u dhqmaya sida Hoggaamiye Kooxeedyada oo kale.

Deeqo ayaa sheegtay in Kooxdaas Maliishiyada ah ay weeydiisteen Maxaabiista halkaa ku Xiran in ay bixiyaan lacago madax furasha ah oo ayan cayimin inta ay gaarsiisan tahay ha yeeshee sheegtay in ay tahay Lacago aad u fara badan oo aysan awood u lahayn Xiligan in ay iska bixiyaan.

Haweeneydan Soomaaliyeed oo markii ay hadlaysey aad u Ooyeysey ayaa sheegtay in ay la kulmaan Jir dil iyo Ciqaab joogta ah iyadoona intaa raacisey in lagu cadaadiyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee xabsiga ku jira in Reerahooda ay la hadlaan weeydiistaana lacagaha loo haysto haddii ay ay leeyihiin Ciqaab joogta ah.

Deeqo ayaa ka codsaday Xukuumadda ku meel Gaarka Soomaaliya iyo haya’adaha qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga in laga soo gaaro dhibaatadan ay ku hayaan Maliishiyaad ka amar qaata Ninka Xukuma Magaalada Masarata ee dalka Liibiya kaasoo la sheegay inuu leeyahay awood Hoggaamiye Kooxeed.

W/DAmiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.