Home » Warar »

Xarakada Alshabaab iyo Ciidamada Kenya oo isku Fara saarey Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada Dawladda oo ay kaabayaan kuwa Kenya iyo Xarakada Shabaab uu ka dhacay Degmada Af Madow ee Gobolka Jubada hoose.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Xarakada Shabaab ay Duulaan ku soo qaadeen Fariisin Ciidamada dawladda iyo kuwa Kenya ay ku lahaayeen Duleedka Magaalada halkaasoo Dagaal muddo soconayay oo labada dhinac ay isku adeegsanayeen Hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka degaanka ayaa sheegey in aysan sharaxaad ka bixin Karin khasaaraha dhabta ah ee labada dhinac ee uu dagaalku u dhaxeeyay soo kala gaarayay keliyana ay maqlayeen Deryanka madaafiicda ay is weydaarsanayeen dhinacyadu.

Ma jiraan wax hadal ah oo ka soo baxay dhinacyadii dagaalku u dhaxeeyay ee Dawladda Kenya iyo Xarakada Shabaab oo ay kaga hadlayaan Dagaaladaas ha yeeshee wararka aynu ka heleyno Dadka degaanka ayaa inoo xaqiijiyay in Dagaalkaas uu sababey Dhimasho ka gaarey Labada Dhinac .

Ma aha markii u horeeyay oo ay dhinacyadaas ku dagaalamaan degaanadaas iyadoo dagaalyahanada xarakada Shabaab ay mar walba degaanada ka tirsan Gobolka Jubada Hoose ee ay ku sugan yihiin Ciidamada huwanta ah ku soo qaada dagaalo ku dhufo ka dhaqaaq ah oo inta badan dhaca habeenkii.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.