Home » Warar »

Mahiga iyo Cabdiraxmaan Faroole oo Wada Qorshe Shirka Odoyaasha Dhaqanka looga wareejinayo Magaalada Muqdisho ka dib Markii..

Iyadoo Muddo Saddex Jeer ah  uu dib u dhaca ku yimid Shirkii Odayaasha Dhaqanka ee ka soconayey Magaalada Muqdisho si ay u soo xulaan Ergedii Ansaxin lahayd Dastuurka Qabyada ee la isku haysto,  Dib u dhacaas ayaa sabab u ahaa ka dib markii Odyaashu soo jeediyeen in Qodobo ka mid ah Dasuurka ay yihiin kuwa Wax u dhimaya Shareecada islaamka iyo Qaranimada  Soomaliyeed  ayaa warar aan helney Xafiiska Siyaasada ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya waxay sheegayaan in la wado qorshe la doonayo in shirka laga Wareejiyo Magaalada Muqdisho.

Qorshahaan  la doonayo in shirka laga wareejiyo Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay wadaan Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mahiga iyo Madaxweynaha Maamulka Pundland Cabdiraxmaan Faroole,waxaana uu qorshahaan uu soo baxay markii Jimcadii uu deg deg ku gaarey Magaalada Garoowe Ergeyka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Amabasadoor  Mahiga oo kulamo Albaabadu u xiran yihiin la yeeshey Cabdiraxmaan Faroole.

Shirkii Saxiixayaasha ee ka dhacay Magaalada Nairoboi ee Dalka Kenya ayaa waxaa la isku afgartey in Shirka ugu horeeya ee Ansaxinta Dastuurka uu dhaco Taariikhda 12-ka Luulyo hase yeeshe Shirkaas dib u dhac ayaa ku yimid waxaana Gudiga Farsamada Shirka ay sheegaan in dib u dhacaasi uu ku yimid Arimo Farsamo  oo la xiriirta markii ay soo buuxsami waayeen Tiradii la doonayey ee Ansaxinta Dasuurka oo gaareysa 825 ergo.

Qorshaha  ay wataan Mahiga iyo Faroole ayaa dadka qaar waxay sheegeen in Magaalada Garoowe ay marti gelin  karto Shirka  Ergeda Ansaxinta Dasuurka  waayo waxay magaalada hore u Martigelisey Laba shir oo ahaa Shirarkii looga arrinsanayey Road Map-ka.  Balse Dad kale ayaa aaminsan in haddii shirka loo wareejiyo Magaalada Garoowe ay keeni karo in Siyaasadii Soomaaliya ay Cirka isku shareerto waxay kaloo ay sheegeen in arrinkaan ay  Faaiido ku qabaan Madaxda Sare ee Dowladda oo aaminsan in Mudada hartey aan lagu qaban karin Doorashadii Madaxweynaha iyo Baarlamaanka, Waxayna hore u  Codsadeen in muddo sannad ah loo kordhiyo taasoo Caalamka ay ku diideen.

Madaxweynaha Maamulka Pundland  Cabdiraxmaan Faroole  wuxuuna Horey u Codsadey in la qabto shirar kale taasoo ay si weyn  loogu ogolaadey waxaana shirarkaas lagu qabtey Magaalooyinka Adis Ababa iyo Nairobi  Qododbadii ka soo baxayna waa kuwa socon waayey marka waxaa haatan la sheegey in uu uloleynayo shirka Ansaxinta Dasuurka lagu qabto Magaalada Garoowe maadaama uu Horey u Codsadey intii ay socdeen Shirarakii Garoowe1-Garoowe-2 marka waxa uu doonayaa in uu ka faaiideysto Khilaafka Oodotaasha Dhaqanka ay ku diidan yihiin qaar ka mid ah Qodobada Dastuurka.

Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif ayaa dadka Siyaasada Odorosa waxay sheegayaan in haddii uu Ogolaado Qorshaha ay watan Mahiga iyo Faroole ay keeni karto in Siyaasada looga adkaado Waayo Cabdi weli iyo Shariif Xasan ayaa waxay sheegeen in ay dhici karta in ay taageeraan Qorshahaasi maadaama la sheegey in maalmahan labadaan Masuul ay aysan la dhacsaneyn  Hanaanka Siyaasadda  Shiikh Shariif  oo dhowr jeer uu dhex marey Khilaafyo fara badan. Sidoo kale waxay sheegeen in Shiikh Shariif uu hore u Ogolaadey  in uu ka qayb galo shirar uu Codsadey Cabdiraxmaan Faroole waayo waxay ahayd  in  Shiikh Sahriif in uu ka baaqdo shirarkaas balse la taliyaashiisa ayaa u soo jeediyey in uu ka qaybgalo Shirarkaas  si Dabacsanaan ugu Muujiyo Beesha Caalamka maadaama uu doonayo in marka loo dooorto Xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Dhinaca kale Markaan fiirino Odyaasha Dhaqanka ee haatan ku shirsan Xeradii hore ee Xalane ayaa haddii ay suurtagal noqoto ama uu hirgalo Hindisaha Mahiga iyo Cabdiraxmaan Faroole ay iyana kala jabi doonaan waayo waxana dhici karta in Booskooda ay buuxiyaan dad kale,iyadoo Soomaalida baryahaan  lagu yaqaaney Boos iska riiixasho oo  aan la waayi karin Odey kale oo dhegta wax loogu sheego.

Hadaba la arki doonee waxaa uu ku dambeeyo  Qorshahan cusub ee la wado in shirka loo wareejiyo Garoowe.

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.