Home » Warar »

Boqolalaal Barakacayaal Caraysan oo Saaka Dibadbax Cabasha ah kula soo Waabariistay Xarunta Gobolka Banaadir

Boqolaal Dad Barakacayaal ah oo isugu jira Dumar, Caruur iyo Dad Waayeel ah ayaa Sedaxdii Habeenimo ee Saqdii Dhexe Xalay ka soo dhaqaaqay Xeryihii ay degganaayeen ee Degmada Shanggaani kuwaasoo soo gaaray Afaafka hore ee Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Dadkan Barakacayaasha ah ayaa ka cabanaya Musuq Maasuq ay sheegeen in lagu sameeyay Gargaarkii loogu tala galay Dadka soo barakacay ee Xeryahaas ku sugan. Cabdullaahi Odowaa oo ka mid ahaa Dadkii Dibadbaxaas hor boodayay oo Dadkaas u hadlay ayaa sheegay in si aan wanaagsanayn loo maareeyay qorshihii loogu tala galay Dadkaas barakacayaasha.

Odowaa ayaa sheegey in Xalay Saqdii dhexe Sagaalkii Saac in ay yimaadeen Guddi uu sheegay in ay qaybinayeen Kaararkii Raashiinka lagu bixin lahaa sidaas darteedna ay labadii Qoys ama afartii qoysba la siiyay hal kaar si ay u wadaagaan taasoo uu sheegey in ay tahay mid cadaaladdarra ah isla markaana aan u cuntamin dadkaas oo sida uu sheegey horey ugu soo Ceeyrtoobay Abaarihii Dalka qaybo ka mid ah ku dhuftay Kal hore.

Dibadbaxayaasha oo Wejiyadooda laga dheehanayay Caro aad u badan ayaa soo gaaray afaafka gobolka Banaadir halkaasoo xilli Roob uu da’ayay ku waabariistay Xarunta Gobolka kuwaasoo ku qaylinayay in aysan halkaa ka tageen illaa uu Maamulku wax ka qabto Cabashadooda isla markaana uu maamulku arrintaa ka soo fara gelinayo.

Cabashada Dibad baxayasha ayaa imaanaysa xilli si weyn loo sugayo Bishii Barakaysneyd ee Ramadaan taasoo si gaar ah u taabanaysa Dadka barakacayasha oo xiligan la daalaa dhacaya Xaalado aadanimo.

Ma jiraan cid ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir oo qaabishay dadkaas dibadbaxa saaka ka dhigaya Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir iyadoo dibad baxayaashuna ay hor dhooban yihiin Xarunta Gobolka banaadir iyagoo buux dhaafiyay Waddooyinkii soo galayay Xarunta maamulka Gobolka Banaadir.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.