Home » Warar »

Mahiga oo Booqday Odayaasha Dhaqanka ee ku Shirsan Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG iyo Ergeyga Gaarka ah ee QM Mahiga ayaa booqday Odayaasha Dhaqanka ee shirka ugu soconaya Magaalada Muqdisho. Waxaa kale oo booqashadaas ka qayb galay Xubin ka mid ah sideeda xubnood oo Beesha Caalamka oo sheetay in ay soo dhaweyneyno in ay Dumarku helaan 30% xilalaka dowligga ah.

Halkan ka daawo Sawirada

Warsaxaafadeedka oo dhan waxa uu u qornaa sidan:

Warsaxaafadeed

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta booqday Odayaasha Dhaqanka.

Muqdisho, July,10, 2012—–Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali oo maanta booqday Odayaasha Dhaqanka ee shirka ugu soconaya Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa kala qayb galay kulanka booqashada ah Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya Mr Agostina Mahiga iyo qaar ka tirsan Golahiisa Wasiiradda.

Ugu horeyntii waxaa Odayaasha la hadlay Ergeyga Gaarka ah QM u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Mr Mahiga, Wuxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu maanta la kulmo Odayaasha Dhaqanka ee Muqdisho ku shiraya.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaa halkaan ku kulano inkastoo aan qaarkiin ku kulaney Istanbul balse aan ku riyaaqsanahay idinkoo wada dhan in aan kulano, Waxaa tihiin Odayaashii Dhaqanka Soomaaliyeed oo laga sugayo talada iyo hogaaminta dalka”.

Wuxuuna intaasi ku daray in Odayaasha Dhaqanka uu saaran yahay Labo xil oo waa weyn oo halkaan la idinkeenay, markuu dhamaado barnaamijkaan Roadmap-ka ay mar walbo qaar idinka idin ka mid ah aad noqon doontaan kuwii laga qaadanayay talada dalka maadaama aad tihiin Odayaashii Dhaqanka Soomaaliyeed isla markaana tilmaamay in shaqada Odayaasha Dhaqanka aysan dhamaaneyn.

Sidoo kale Wuxuu Mahiga xusay in Odayaasha ay Seddex arrimood oo waa weyn laga sugayo sida, 1. iney soo xulaan Ergada Ansixinta Dastuurka, 2. inaad soo xushaan Xubnaha Barlamaanka, 3. iyo inaad na siisaan talada wanaagsan.


Waxaana sidoo kale goobta ka hadlay Xubin ka mid ah sideeda xubnood oo Beesha Caalamka u matali doona gudiga farsamada waxeyna ka socotay Midowga Yurub iyadoona sheegtay in Midowga Yurub ay Soomaaliya taageero nooc kasta ah la garab taaganyihiin isla markaan aad u soo dhaweyneyno in ay Dumarku helaan 30% xilalaka dowligga ah.

Ugaas Ibraahim Dheere oo isna ku hadlayey magaca Odayaasha Dhaqanka ayaa xusay in markii hore uu jirey ismaan dhaaf u dhexeeya iyaga iyo gudiga khilaafaadka balse wada hadal dhex maray kadib isku afgarteen iney wada shaqeeyaan, waxaa kale oo uu soo jeediyey in ay haboontahay in laga dhigo Baarlamaanka cusub 275 xubnood si ay ugu fudutaato soo xulida Baarlamaanka.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in dhamaadka Bisha Barakeysan ee Ramadaan lagu ciidi doono farxad iyo dalka oo yeesha dowlad rasmi ah.

—DHAMAAD—


Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Mahiga oo Booqday Odayaasha Dhaqanka ee ku Shirsan Muqdisho "

  1. John says:

    Siyaasadda Soomaaliya laga leeyahay marka Caqliga Dhaqanka lagu dhufto ayaa waxa Hubaal ah, in markaasi iyo marka kaleba ay Tageyso sidi la’iskaga Sasabi laha, Caqliga uu markaasi Odayga ku Dhaqmayo … Haddaba waxa halkaasi ka Cad in Mahiiga iyo Kooxihiisi ay Caqligi Odayaasha ay Galaan Gal kula jiraan … Waxa kale oo halkaasi ka Cadaatay, maladdi Mahiiga iyo Hanjabaadiisiiba ay noqotay Hal Bacaad lagu Lisay, sidaasi darteed ay hadda runta Taagan tahay, mana fillayo in Oday Dhaqameydyadda laga Saa’id Caleyn doono, ama laga Hoos bixin doono waxa lagula Ag Wareegayo … W.t.