Home » Warar »

Madaxweynaha Maamulka Pundland oo Raja Xumo ka Muujiyay Hanaanka Road-Mapka ku soo Gabagaboobayo

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo dhawaan ku soo laabtay Magaalada Garoowe ayaa ka hadlay Siyaasadda Soomaaliya Maanta iyo safaradii uu ku soo kala bixiyay Dalal kala duwan.Madaxweynaha Maamulka Puntland Faroole ayaa ugu horeynba ka hadlay heshiis ay kala saxiixdeen mamulkiisa iyo Xukuumadda Itoobiya kaasoo ah sidii labada dhinac ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha ammaanka.

Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegey in heshiiskani ay wada saxiixdeen labada dhinac in uu dhigayo in la isu celiyo dembiilayaasha inta fal dembiyeed ka gaysta dhinac dhinaca kale u tallaaba taasoo uu sheegey in mar dambe dhacayn in qof inta dembi galo uu meel kale u tallaabo.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa soo hadal qaaday arrimaha Dastuurka isagoona sheegey in ay ka mid ahaayeen dadkii u dhabar adeegay sidii Dastuurkaasi u noqon lahaa mid Najaxa taasoo uu sheegey in haatan ay u muuqanayaan Mad madow weli sii jira.

Cabdiraxmaan Faroole oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in ay jiraan arrin mas’uuliyadeeda ay leeyihiin Madaxda sare ee Maamulka TFGda isagoonan si toos ah u carabaabin ha yeeshee uu sheegey in shacabkii lagu jah wareerinayo Khudbado halkii wax qabad dhab ah looga gudbi lahaa.

Iyadoo xiligii dhaqan Galka Dastuurka ay ka harsan yihiin Maalmo uun ayuu Cabdiraxmaan faroole Raja xun ka muujiyay sida ay suurta gal u tahay in hawlaha Road Mapku ay ku soo gaba gaboobaan xilligii loogu tala galay oo ah Labaatanka August.Madaxweyne Faroole ayaa iminka u muuqanaya mid aan ku qanacsaneyn sida ay wax u socconayaan iyo in hawlaha Road Map-ku ay ku soo gaba gaboobaan xilligii loogu tala galay.

Ciidamada Booliiska Kenya oo Xaafadaha Soomaalida u Badan tahay ka Sameeyey Qab qabashada Dad fara badan

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in Ciidamada ammaanka Dalka Kenya ay qaadeen Olole Xooggan oo ay ku qab qabanayaan Soomaalida ku dhaqan Magaalada Caasimadda Kenya.Boqolaal Ciidamada kala duwan ayaa lagu arkayay wadooyinka iyo Xaafadaha inta badan Soomalidu ay deggan tahay.

Boqolaal Soomaali ah ayaa la qab qabtay kuwaasoo isugu jiray kuwo haysta Sharciga dal ku joogga iyo kuwo aan haysan iyadoo qaarkoodna ay ahaayeen dad ganacsata ah.Sarkaal u hadlay Ciidamada ammaanka ee Dawladda Kenya ayaa sheegey in hawl galkan uu yahay mid lagaga hor tagayo Falalka amnidarada ah ee ka dhaca gudaha Magaalada Nairobi.

Sarkaalka ayaa intaa ku daray in ol olahan uusan ahayn mid ku gooni ah Soomaalida oo keli ah balse uu yahay mid looga hor tagayo dhamaanba kooxaha ka shaqaynaya amnidarida iyo dhibaatooyinka ka dhacaya gudaha dalka Kenya. Qaraxyadii dhawaan ka dhacay Magaalada gaarisa ayaa Cashar u ahaa ammaanka Dalka ayuu sarkaalkaan hadalkiisa sii raacsaday isagoona sheegey in hawl galkan uu yahay mid socon doona laguna xaqiijin doono ammaanka Dalka Kenya.

Tirada Habeenkii xalay ahaa lagu soo qab qabtay hawwl galkaas ayaa waxaa lagu sheegey illaa laba boqol oo Soomaali ah kuwaasoo iminka lagu hayo Xabsiyda kala duwan ee Magaalada Jowhar kuwaasoo haatan la baarayo.Ma aha markii u horeeyay ee Ciidamada Dawladda Kenya ay sameeyaan hawl galo lagu Raafayo dadka Soomaalida eek u nool dalka Kenya.

Muwaadiniintii Soomaalida eek u dhaqnaa magaalada Nairobi ayaa cabsi xooggan ka muujinaya hawl galkan manta laga qaaday Magaalada Nairobi kuwaasoo bilaabay in maanta ay iska joogaan Guryahooda iyagoona ka cabsi qaba in haddii ay waddooyinka ay u soo baxaan in la qab qabto ama la raafo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co/uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.