Home » Warar »

Maxaa ka jira in Kaniisaddii weyneyd ee ku taalay Muqdisho dib loo Dhisi doono

Warar naga soo gaaraya Dalka Talyaaniga waxay sheegayaan in Dowladda Talyaaniga ay wado qorshe dib loogu dhisayo Kaniisaddii Weyneyd ee ku taalay Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho , taas oo ku burburtay dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wixii ka haray burburkii Kaniisadda oo haatan ay degan yihiin dad Qaxooti ah ayaa Dowladda Talyaaniga waxay Dowladda Federaalka KMG ka codsatay in dadka ku jira laga saaro si dib u dhis loogu sameeyo, waxaana la filayaa dhawaan in wafdi ka socda Dowladda Talyaaniga ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho si ay u eegaan xaaladda Kaniisaddaasi.

Qorshaha Dowladda Talyaaniga ay waddo ayaa warar aan helay sheegayaan, hase yeeshee Su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay xiligaan suuragal ma tahay in dib loo dhiso ama loo dayactiro Kaniisaddaasi.

Magaalada Muqdisho waxaa ku yaalay labo Kaniisadood, mid ayaa ku tiil Degmada Xamarweyne midna Degmada Shibis waxaana kala maamuli jiray Baadariyaal u dhashay Wadamada Talyaaniga iyo Sweden iyadoo sanadkii 1989-kii 13 luulyo Magaalada Muqdisho lagu dilay Badarigii Kaniisadda Xamarweyne ee Salfatore Colombo mana la garanayo ilaa iyo hadda cidda ka dambeysya dilkaasi iyadoo xiligaasi ay jirtay dowladdii Milatariga ahayd, waxayna Dowladda Talyaaniga xiligaasi ay soo dirtay wafdi iyo guddi baara ciddii ku lug lahayd dilka Baadirigaasi.

Dowladda Talyaaniga oo Qaban Qaabinaysa Shir Weyne looga Hadlayo Arrimaha Soomaaliya.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Talyaaniga ayaa lagu sheegey in Xukuumadda dalkaasi ay qaban qaabinayso Shir Weeyne caalami ah oo ay u qabato Kooxaha siyaasadda Soomaaliya.

Qoraalka ayaa lagu sheegey in shirkaasi uu ka mid yahay Shirarka Caalamka oo inta badan looga hadlo arrimaha Soomaaliya la shaaciyay in la qaban doono Bisha Juun Soddonkeeda.

Qoraal;kan ka soo baxay Xafiiska arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Talyaaniga ayaan rasmi ahaan lagu qeexin ajandhaha dhabta ah ee looga hadlayo shirkan ay qaban qaabinayso Dawladda Talyaaniga.

Dawladda Talyaaniga ayaa waxaa ay ka mid tahay dawladihii Soomaaliya soo gumaystay taasoo labaatankii sano ee la soo dhaafay aan door fiican ka qaadan xaaladihii Soomaaliya soo maray mudadaas.

Dawladda Talyaaniga ayaa sheegtay in shirkan uu daba joogo oo keliya shir weynihii caalamiga ahaa eedhawaan lagu qabtay Dalka Turkiga sidaa darteedna ay iyaduna marti gelinayso shir weyne kale oo caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Hadalakn ka soo yeeray Xukuumadda talyaaniga ayaa imaanaya xilli Dawladda ku meel gaarka Soomaaliya ay la halgamayso dhamaystirka arrimaha Road Mapka mana jirto cid ka tirsan mas’uuliyiinta dawladda oo arrintaa ka hadashay.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mial: amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail; amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.