Home » Faallo »

Away dhalintii Soomaaliyeed? | Xisbiga Tiir

Dhamaan dhalinyarad Soomaaliyeed ay kunool dunida dacaladayda waxaan xasuusinaynaa in ay cashir kabartaan waxa kadhacaaya dalka Masar iyo meelo badan oo dunida kale ah. Waxaa xaqiiqa ah isbaddalada kadhaca dunida waxaa lafdhabar u ah dhalinyaro. Haddaba su’aashu waxaytahay, maxaa inagudhacay haddaynu nahay dhalinyarada Soomaaliyeed oon wax ooga badaliwaynay xaaladda dalkayna ay murugsan muddadadheer?

Lagasoobilaabo 1529 qarniigii Imam Ahmed Guray, dhalinyarada Soomaaliyeed waxay ahaanjirayn kuwo firfircoon markastana kashaqeeya wanaaga dalkooda, dadkooda, iyo midnimada Soomaaliyeed. Maantana dhalinyaradii Soomaaliyeed waxay kukala jirnaan kooxo kalawata magacyo iyo mabaadii kaladuwan kooxahas oon waxkufalaynin wanaaga dalkayna iyo dalkayna. Haddaba su’aashu waxaytahay haddaynu nahay dhalinyaradii Soomaaliyeed, maxaa inaga qaaday kartidii aan lahaanjirnay oo inaga dhigay hannaadyo qabaan u ah kooxo danaystayaal ah?

Dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan oogu baaqaynaa in ay kaqeebqaataan kacdoonka Xisbiga Tiir oo kagaduwan dhamaan xisbiyadakale ay siyaasiga ah todobadaan qodob ay hooskuqoran iyo kuwakale:

1) Waa xisbigii oogu horeeyay ay lugudhawaaqay in uu yahay siyaasi.

2) Waa xisbigii oogu horeeyay ay kahoryimaada nidaamka 4.5 si’bublik ah.

3) Waa xisbiga kaliyah ooy aas aasayn, hogaakana u hayaan dhalinyaro Soomaaliyeed.

4) Waa xisbiga kaliyah oo xubnahiisu intooda badan ay yihiin dhalinyaro.

5) Waa xisbiga kaliyah oo xubno kuleh 16 wadan oo dunida kamid ah.

6) Waa xisbiga kaliyah oo aaminsan halkudhaga “U isticmaal waxiitagay taariikh, maya aargoosi. U isticmaal mustaqbelka in aad dhisitd, maya in aad dumisid”.

7) Waa xiisbiga kaliyah oo aaminsan in xalka dalkayna loogu raadiyo halkudhiga “Haddaan lakala roonaan roob madao”.
Dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan oogu baaqaynaa in ay kaqaybqaataan kacdoonka ay wadaan dhalinyarada Soomaaliyeed ay kubahoobay Xisbiga Tiir oo ah xisbiga kaliyah oo leh qorshayaal cadcad oo lugubadbaadin dalkayna baaba ay iyo dadkayna tabaalaysan.

Dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan oogu baaqaynaa in ay nalasooxiriiraan si’aan wadajir oogu badbaadino dalkayna iyo dalkayna kujira xaaladda cakiran ayagoo nagalasooxiriiri website ka xisbiga Tiir oo kuqoran Afsoomaali iyo English.

www.tiir.org.
Maamulka Xisbiga Tiir
info@tiir.org
www.tiir.org

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Away dhalintii Soomaaliyeed? | Xisbiga Tiir "

  1. Asc dhaman xibga tiir xubnahoda then runti adbn ugu farxay marki an arkay xisbgan iyo objective kisa wana ku faraxsanahay waxane jclan lahaa inan kamid nqdo si an qeyb libax uga qato hormarkisa mahadsanidin jwb ayan idinka sugay waxane ku nolahay somalia qasatan casimada muqdisho