Home » Faallo »

Booqashadeedii Fagaaraha Taxriir aan xalay ku tegey siaan damaashaadka dhacayo u soo arko

Marka hore bogaadin iyo hanbalyo ayaan u soo jeedimayaa walaalaheen masar iyo madaxweynahoodii.

Anagoo saddex dhalinyaro ayaan maqribkii xalay (jun 25, 2012) aadnay fagaaraha aduunka ugu caan san ee taxriir saan farxada iyo damaashaadka dhacaayo indhaheena ugu soo aragno, Soomaali ahaana u tusno Masaarida in aan garabkooda nahay farxadana la qeybsaneeno waxaana qaadanay midkeeniiba 2 calam mid somali ah kii masar .

Intii aan wadada ku sii jirnay dadku dariiqadooda u gaarka ayeey u damaashaadayeen hadeey ahaan laheed baabuurta hoonkooda, alalalaaska, buunan , ciyaar, raqsi, qeylo, magaaladoo dhanna waxaad moodaa in wadooyinka lagu soo daayay, baabuurta aad beey u yartahay socodkooda, ramsiis meel dhahaayo ilaa laga gaaro meedaan cabdimuncimoo ah albaabka laga galo taxriir dadku wey daadsanyihiin sidii koron koradii dhulka oo dhan waa wada calan kalaro leh calanka masar, laakiin taxriir markaan galnay ayaan yaabnay hirarka dadka iyo sida la isku jiiraryo anagoo cabsi iyo neef ku dhag ka cabsooneeno ayaan bilaabnay dhankeena in aan wax ka jiirno ilaa aan ka tagno manasada meesha ah oo khudbado ka socdeen, oo hadafkeena oogu weyn ahaay.

Nasiib xumise aniga iyo labadii wiil ee somalida ahaay waan kala lunnay dad hirar ah ayaa nakala qaaday qoloba meel la aaday , is wacitaana ma jiro oo dhagaha ayaa ku dhilaacayo meesha buuqa iyo sawaxanka ka yeerayo eeyba u sii darantahay baaruud hub cusul aad moodo qeelideeda oo sidii darandooriga loo ridaayo.

Waxaan tagay kaligeey meeshii manasada aheed oo khudbado ka socdo waxaa markaas khudbadeenayay safwat xijaazi oo ah nin islaami ah, ka dib ayaa la yiri salaadda cisho hala tukado, yaabkase sidee loo tukanayaa oo meesha masaaxo yar xataa kama banaano ..!!

Dhinacyadaan fiiiriyay waaba la xirtayba qof waliba meesha uu taaganyahay ayuu ku xirtay saf ma jiro sujuud iyo rukuucba haba sheegin meel lagu sujuudo maleh dadkaa is kor saar saaran, istaaglee la awoodaa, sidii ayaana cisho ku tukanayay ..!!

ka dib anaashiid iyo takbiir ayaa bilaabatay dadku waa wada ilmeenayaan faraxad darteed aniga labbo calan ayaan isla walfinayaa kaygii iyo kii masar, markii danbe niman ayaa yimid oo u dhahay shurkan waan garaneenaa calamkaan waa somalia waa dadka aan aduunka oogu jecelnahay waa walaalaheen , marka waxaan kaa codsaneenaa in aan manasada ku geeno kalimad ka tiraahdo adigoo ka socdo wadankaadii somaliya waanse ka cudur daartay arintaas iga raali ahaada ayaan ku dhahay weyna iga aqbaleen, cabsideedana waxey aheed armaa fuluulkii gadaal kaa soo raacdan bas.

Meesha khalqi ilaahay ayaa iskugu tagay oon dhoor malyan ka yareen taxriir ilaa iyo ramsiis ayaa la daadsanaa dadku markaan ka soo baxayay taxriir waa lagu siii gurmayay waa waxaan kala lunnay aniga iyo asxaabtii ila socotay , farxadu magaalada oo dhan ayaa laga dareemayaya jiifna ma jiro baaruudana wey iska daba dhaceysaa, baabuurta hoonkoodana kala joogsi ma leh dadku wey isku hanbalyeenayaan ayagoo is aqoonin xataa dhoola cadeenta waa astaanta reer masar cawada lamana qiyaasi karro farxadooda inta eey la egtahay in lala qeybsado farxadoodana aad bey u jecelyihiin sifiicana waa la sii soo dhaweeyay aniga oo somali matalalayay calankeega baluugana lulalay.

By : Axmed Muxumed ( bukhaari )
E-mail axmad2@hotmail.com
Cairo Egypt

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.