Home » Warar »

Madaxweynaha Shiikh Shariif oo sheegey in uu soo Dhaweynayo Ciidamada Itoobiya ee Dagaalka kula jira Xarakada Alshabaab

Xiligii Maxaakiimta: Taangi Itoobiya Marnaba Dalkaan laguma qabsan Doono .

Madaxweynaha DFKMG Shariif oo ka mid ahaa saxiixayaashii roadmapka oo shir kaga qayb galay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa Sabtidii waxa uu ka hadlay xiriirka Somaliya iyo Itoobiya.

Sh. Shariif ayaa Xukuumadda Itoobiya Xiriirka kala dhaxeeya dawladda ku meel gaarka Soomaaliya ku sheegay inuu yahay mid aad u wanaagsan isla markaana waxaa uu uga mahad celiyay gacantii ay Itoobiya ka siisay la dagaalanka Xarakada Shabaab.

Madaxweynaha dawladda federaalka KMG Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray inuu sii wanaajinayo xiriirka ka dhaxeeya labada dal oo uu sheegey in ay deris yihiin.

Shariif Shiikh Axmed ayaa intaa ku daray in labada dal ay ka wada shaqeeyaan sidii loo sugi lahaa amaanka Mandiqadda iyadoo la iska kaashanayo sidii looga hor tegi lahaa Xarakada Shabaab oo uu sheegay in ay cadow ku tahay ammaanka guud ee Mandiqadda Geeska Afrika.

Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Ra’iisul wasaraha dawladda Itoobiya uu ka balan qaaday sidii uu u caawin lahaa Xukuumadda federaalka Soomaaliya sidaa darteedana uu si weyn u soo dhaweynayo Ciidamada Itoobiyaanka ee haatan dagaalka kula jira dhaq dhaqaaqa Shabaab.

Ciidamada Itoobiyaanka oo aan ka tirsanayn Hawl Galka Amisom ayaa waxa ay Ciidamo ka joogaan Magaalooyinka Beled Weyne iyo Baydhabo iyo qaybo ka mid ah Gobolka Gal gaduud.

Dhawaan ayay ahayd markii Ciidamada Itoobiyaanku ay isaga baxeen Magaalada Ceel Buur iyo degaano kale ee hoos yimaada taasoo lagu fasiray khilaaf soo kala dhax galay maamulka Ahlu Sunna dartiisa in ay halkaa isaga baxeen.

Siyaasadda Itoobiya ee Soomaaliya ayaan ahayn mid cad iyadoo xukuumadda Zenawina ay hore u sheegtay inaysan ka qayb ka ahany Hawl galka Amisom ciidamadeeduna ay ku ekaan doonaan oo keliya dhinaca Taakuleynta hase yeeshee Xiligii Shiikh Shariif uu Hogaaminayey Maxaakiimta ayaa mar uu ka hadlayey Fagaaraha Tarbuunka waxaa uu sheegey in Taangi Itoobiya aan marnaba dalkaan lagu qabsan doonin isagoo Xiligaa ula jeedey Dowladii Cabdulaahi Yuusuf islamarkaana waxaa uu sheegey in Itoobiya ay tahay Caddowga Ummada Soomaaliyed .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

— Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya

— Taariikh Kooban Soomaaliya: 1960 – 2006

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.