Home » Warar »

Dagaal u Dhaxeeyay Ciidamada Dawladda KMG iyo Xarakada Shabaab oo ka Dhacay Ceelasha Biyaha laguna Diley Sarkaal sare oo Dowlada ka tirsan

Dagaalkan oo ahaa Dagaalka loo Yaqaano Jid Galka ayaa subaxnimadii hore ee saaka (oo Jimce ah) waxaa soo qaaday Ciidamada Xarakada Shabaab kuwaasoo Weerar ku ekeeyay Sal dhig ay Ciidamada dawladda FKMG ku lahaayiin Degaanka Ceelasha Biyaha.

Dagaalka oo Muddo soconayay ayaa wararka halkaa ka imaanaya waxaa ay sheegayaan in uu jiro Khasaare soo kala gaaray dhinacyadii dirirtu u dhaxaysey iyo waliba dadka Rayidka ah ee halkaa ku sugan.

Sarkaal u hadlay Ciidamada Xarakada shabaab ayaa sheegey in Dagaalkaas ay ku dileen Sarkaalkii u sareeyay ciidamada halkaa ku sugan ee dawladda magaciisuna ahaa Afrax Cali Afrax. Xarakada Shabaab Sarkaalka u hadlay ayaa intaa ku daray in gaari uu watay Taliyahaas ay ku dileen taliyahaas iyo Ciidankii la socdayba.

Ciidamada Xarakada Shabaab ayaa la sheegay in halkaas ay ku soo weerareen Hubka Gantaalaha ee Garbaha laga Tuuro isla markaana ay rasaasta ka dhacda Qoryaha fudud ay la beegsadeen saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamada dawladda iyadoo Wadada isku xirta Muqdisho iyo afgooye ayaa maalmihii dambe waxa ay ahayd mid ay ku soo lab laabtaan dagaalada u dhaxeeyay Ciidamada dawladda iyo kuwa Ashabaab.

Shalay ayay ahayd markii sidan oo kale Ciidamada xarakada Shabaabku ay dagaal ku soo qaadeen Kolonyo gaadiidka Ciidamada dawladda iyo kuwa Amisom ah oo marayay wadadaas taasoo saraakiisha Ciidamada shabaabku ay sheegeen in ay ku gubeen illaa Siddeed gaari oo nooca dagaalka ah

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.