Home » Warar »

Xukuumadda FKMG oo sheegtay “In cid kasta oo haysta hanti gaar loo leeyahay ay deg deg ugu celiso qofkii iska lahaa”

Shir ay yeesheen golaha Wasiirada DFKMG ayaa lagu go’aamiyey “In ay danbi tahay in qof haysto hanti gaar loo leeyahay.”  Waxaana go’aanka wasiiradu intaas raaciyey  “In cid kasta oo haysta hanti gaar loo leeyahay ay deg deg ugu celiso qofkii iska lahaa.”

Hoos ka akhri warsaxaafadeedka

War Saxaafadeed Golaha Wasiirada oo Galabta Isugu Yimid Shir Looga Hadlayo Amniga

Muqdisho, Isniin, Jun. 18.2012——-Golaha Wasiirada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shir aan caadi ahayn iyadoo shirkani uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxaana shirkan looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ugu horeysay xoojinta amniga Muqdisho, sidii looga hortagi lahaa bar-koontoroolada kusoo badanaya magaalada muqdisho Road Map-ka, iyo halka ay marayaan maamul u samaynta gobolada laga xoreeyey Al-shabaab.

Ugu horeyntii shirka waxaa lagu dhegeystay warbixin la xiriirta amniga magaalada Muqdisho iyadoo hay’addaha qaabilsan amniga ay sheegeen in amniga Muqdisho uu aad u soo hagaagayo balse dhanka kale ay jiraan bar-koontoroolo aan sharci ahayn kuwaas oo kusoo badanaya magaalada Muqdisho waxaana goluhu si buuxda isugu raacay in la sameeya gudi baaritaan ku sameeya goobaha ay yaalaan bar-koontorooladaas si loo ogaado kuwa loo dhigay dhanka amniga iyo kuwa gawaarida looga qaado lacagaha sharci darada ah.

Sidoo kale waxaa golohu is ku soo qaaday sidii loo dar dar galin lahaa arimaha Road Map-ka, iyadoo waqtiga haray lagu dhamaystirayo howlaha horyaala xukuumada waxaana golohu si buuxda isugu raacay in la sii wado saxitaanka iyo xalinta khilaafadka beelaha qaar ka dhexjira si Odayaasha Dhaqanka u gudo galaan soo gudbinta ergada ansixinta Dastuurka.

Sidoo kale goluhu wuxuu warbxin kadhagaystay gudi wasiiro ah oo loo xil saaray kasoo talo bixinta sidii maamul loogu samayn lahaa gobolada gacanta dowladda kusoo laabtay waxaana gudigaas talo kusoo jeediyeen:

  • In maamulo KMG ah loo sameeyo gobolada ku soo laabtay gacanta dowladda.
  • in bulshada qaybaheeda kala duwan lagala tashto maamul u samynta gobolada.
  • in dib loo howl galiyo goobihii caafimaadka.
  • in bulshada la wacyi galiyo sidii ay dowladda ugala shaqayn lahaayeen nabad galayada.

Ugu danbayntii waxaa goluhu isku soo qaaday hantida gaarka loo leeyahay oo la kala haysto sida guryaha iyo beeraha wuxuuna goluhu kasoo saaray qodobadan hoose ku xusan:

  • In ay danbi tahay in qof haysto hanti gaar loo leeyahay.
  • In cid kasta oo haysta hanti gaar loo leeyahay ay deg deg ugu celiso qofkii iska lahaa.
  • · in hay’adaha amniga iyo cadaaladda ay u howl galaan sidii loo fulin lahaa qodobada kor ku xusan.

—-DHMAAD—-

Isha warka: Xafiiska Ra’iisul wasaaraha DFKMG…

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xukuumadda FKMG oo sheegtay “In cid kasta oo haysta hanti gaar loo leeyahay ay deg deg ugu celiso qofkii iska lahaa” "

  1. Dhinac-raaca says:

    DADKA DHULKA LOO CELINAAYO WAA IN LA HUBIYAA IN AY MARKOODII HOREDOWLADA DHACEEN IYO IN KALE, OO WAXAA JIRA KUWO MAGAC DOWLADEED IYO CANSHUURTII DADKA MASAAKIINTA GURYO KU IIBSADAY WAA IN KUWAA AAN WAXBA LA SIININ, LAAKIIN NINI LA OG YAHAY EE SOO XAMAASHAY WAA XAQ IN LA SIIYAA.

    WAXAA KA MID AH MEELAHA XOOLAHA UMADA LAGU DHACAY (( BOOLI-QARAN)).