Home » Warar »

Hoggaamiyaha Xarakada Shabaab Fariin uu soo direy ku Sheegay Inaysan Dagaalka Joojineyn inta AMISOM ay ku Sugan Yihiin Gudaha Soomaaliya.

Shiikh Muqtaar Cabdiraxmaan Abuu Zubeyr Hoggaamiyaha Guud ee Xarakada Shabaab oo Cod Maqal ah soo dhigay Barta Internetka ayaa ka hadlay Dagaalada ka soconaya Soomaaliya.

Abuu Zubeer ayaa sheegey in Dalka Muslimka ah ee Soomaaliyeed ay ku soo Duuleen Cadowga islaamka oo ay Hoggaaminayaan Xukuumadaha Maraykanka iyo Itoobiya.Soomaaliya ayuu sheegey Amiirku in ay tahay Dal lagu soo duuley ha yeeshee aysan dagaalka joojinayn isla markaana cadowga isu dhiibeyn.

Dawladda Maraykanka ayuu sheegey in hore uu ugu soo duulay Soomaaliya ha yeeshee Jab uu kala kulmay darteed uu Dalka isaga Huleelay isagoona markaa kaddibna sheegey in Itoobiya ay soo gashay Dalka Soomaaliya iyadoo duleysana ay isaga baxday.

Ciidamada Amisom ayuu sheegey Hoggaamiyaha Al Shabaab in iyaguna ay mari doonaan halkii ay mareen kuwii iyaga ka horeeyay isla markaana ay ku wadi doonaan Dagaalka ay iminka ku bilaabeen.

Shiikh Zubeyr Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qayb qaataan Dagaalka lagula jiro Ciidamada dawladda iyo Ciidamada Amisom kuwaasoo uu sheegey in ay dhibaateeyeen Shacabka Soomaaliyeed isagoona ku tir tir siiyay in Dagaalka Xaqa ah ay ka wada qayb galaan.

Hadalkan ka soo Yeeray Hoggaamiyaha Guud ee Xarakada Shabaab ayaa waxaa uu imaanayaa xilli Xarakada Shabaab Dowladda Maraykanka dhawaan Malaayiin lacag ah Dul Dhigay Madaxa Mas’uuliyiin Todoba ah oo ka tirsan Xarakada Shabaab oo uu Abuu Zubeer ka mid yahay.

W/D Amniin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Hoggaamiyaha Xarakada Shabaab Fariin uu soo direy ku Sheegay Inaysan Dagaalka Joojineyn inta AMISOM ay ku Sugan Yihiin Gudaha Soomaaliya. "

  1. Nuur says:

    ASC, ALLAHA GAAL RAAC IYO MUNAAFIQ IYO JUHALADA ISLAAMKA DAGAALKA KU WADA UMADA HA KA BAD BAADIYO, ALLAHA XIFDIYO KUBA ISLAAMKA MAR WAL U TAAGAN MASA QULUUBTA KA JECEL, ASC