Home » News »

Shirkadda Golis oo loo magacaabay maareeye cusub

Xaflad si heer sare loo mamusey ayaa ka dhacday xarunta shirkadda Golis ee magaalada Bosaaso.

xafladaas ayaa ahayd xil-wareejinta maareeyaha shirkadda Golis.waxaana maareeye cusub loo magacabey Mudane/ Cali Xaaji Warsame.

Xafladaas ayaa waxaa ka soo qayb galay madaxda ugu sareeysa ee shirkadda Golis ee uu hogaaminayey mudane/Cabdi Casiis Guureeye Kaarshe gudoomiyaha guddiga sare ee shirkada iyo maamulayaasha shirkadda Golis u jooga gobolada Puntland.

Halkan ka daawo Sawirada

Ugu horayntii ayaa xaflada waxaa ka hadlay Maareeyihii hore ee shirkadda Golis Mudane/ Aadam sheekhdoon Cali oo ka hadlay hanaqaadkii shirkadda intii uu xilka hayey.

Sheekhdoon ayaa muujiyey in shirkadda mudadii uu hayey lagu tilmaami karo waqtigii aasaska shirkadda iyo baahinta adeegyada shirkadda Golis.

Maareeyihii hore ayaa muujiyey in shirkadda Golis ay soo martay heerar fara badan oo dhammantood laga qaatey casharo waayo-aragnimo u kordhiyey maamulka shirkadda.

Hadalka maareeyihii hore ka dib,waxaa kalmad wacdi ah ka soo jeediyey madasha sheekh Daahir Aw Cabdi oo tilmaamey culayska ay xanbaarsantahay mas’uuliyada iyo sida diinta islaamka ay fiiro gaar ah u siisey,iyadoo uu tilmaamayey sheekhu in ilaah looga baqo mas’uuliyada loo hayo umaadda.

Gunaanadkii xaflada ayaa waxaa soo xiray mudane/Cabdi Casiis Guureeye Kaarshe gudoomiyaha guddiga sare ee shirkadda,isagoo tilmaamey in shirkadda Golis ay dhab ka tahay wax-u-qabadka bulshada Soomaaliyeed ee isticmaala adeegyada shirkadda Golis Telecom Somalia.

Guureeye ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in ay rajeynayaan in maareeyaha cusub ee shirkadda uu qaban doono shaqooyin gali doona taarikhda “sida maareeyihii hore Aadam Sheekhdoon uu uga tagey raad aan la ilaawin Karin shirkadda”.

Wuxuu Guureeye ku dheeraadey in uu amaan u soo jeediyo maareeyihii hore ee shirkadda isagoo ku tilmaamey in uu ahaa nin Aamin,maamul-wanaag,dhabar-adeyg, iyo kartinimo lahaa.

Waxaa uu sidoo kale u rajeeyey maareeyaha cusub in ilaahey waafajiyo mas’uuliyada uu ku tilmaamey in labaduba aysan dooran ee ay ahayd mid loo gartay ka dib markii lagu qancay hawl kar nimada ay u leeyihiin maamulka shirkadda Golis.

Xigasho: Xafiiska xiriirka Dadweynaha

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.