Home » Announcements »

Wararkii ugu Dambeeyay ee Horyaalka Soomaalida Jidda

Iyadoo magaalada Jidda ee dalka Boqortooyada Sacuudiga uu si xiiso leh uga socdo tartanka sanadlaha ah ee horyaalka kubada cagta Jaaliyada Soomaaliyeed ee Jiddah ayaa ayaa cayaarihii ugu dambeeyay waxaa kooxuhu isu arkeen sedan: Xiddigaha Ruweys VS Batroolka – Iftin stars VS Baanow Stars –GololeyVS Fc-Alba – iyo Janaale VS LLPP .

Hadii aan ku horeyno ciyaartii dhexmartey kooxaha Kooxaha Xiddigaha Ruweys iyo Batroolka Ciyaartaasoo aheyd mid lagu kala ogaanaayey labada kooxood ee kawada tirsan Group” D” midkii Kaalinta koowaad geli lahaa ileyn labada kooxoodba horey ayey usoo wada shaqeyteen kooxda Xiddigaha Ruweys waxey laheyd 12 dhibcood iyo kooxda Batroolka oo iyana laheyd 10 dhibcood .

Ciyaarta waxeyku bilaabatey weerar iyo weerar celis waxba yaanan hadalka kuugu daalinin waxaa ilaaiyo hadda dhinacooda dhulka la dhigi waayey Kooxda Xiddigaha Ruweys waxey kaga adkaadeen kooxda batroolka 2 : 0 . oo Xiddigaha Ruweys ay kaalinta koowaada kusoo baxey Group kooda iyagoo uruursadey 15 dhibcood.

Ciyaartii labaad ayaa iyana waxaa fooda is darey Kooxaha Iftin Star iyo Kooxda Baanow Stars runtii waxey aheyd ciyaar aad u adag iyagoo labada kooxoodba ay soo bandhigeen ciyaar aad u sareyso oo dadweynihii daawanaayey ay aad u raali gelisey qeybtii hore ee ciyaarta ayaa kooxda iftin waxaa laga saarey ciyaaryahan Axmed oo difaaca ugu dheelaayey , hase ahaatee kooxda iftin Stars uma dhutinin ciyaaryahankii laga saarey waxey badiyeen dadaalkoodii waxaana u suurto gahsey inay 2 : 1 kaga badiyaan kooxda Baanow Star .

Mar aan wareysi la yeelaney Guddoomiye Ciise gacamey wuxuu yir Mustaqbalka kooxda waxaan jecelahay inaan halka ay taalo ka sii qaado guulna ka gaari doono Koobka Horyaalka ee hadda socda .

Ciyaartii Saddexaad ayaa Fooda isla galey Kooxaha Goleey iyo Kooxda FC-Alba iyadoo kooxda goley ay sanadkan ilaa iyo hadda dhinacooda dhulka la dhigin lana soo shirtaga Ciyaaryahano tayadooda sareyso , waxey kaga badiyeen kooxdii FC-Alba 2 : 1 Ciyaartii afaraad ayaa iyana waxaa wada ciyaarey Kooxaha Janaale iyo LLPP waxaana ay 1 : 0 guusha ku Raacdey kooxda Janaale

W/D Amiin Yuusuf Khasaro
E-Mail aminkhasaaro@hotmail.co.uk
E-MAIL amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.