Home » Warar »

Warsaxaafadeed ka soo baxay Shir ay yeesheen Golaha Wasiirada Xukuumadda FKMG

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Shirkii Golaha Wasiirada DFKMG ayaa u qornaa sidan:

(Muqdisho, 11 June 2012) Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Warbixin safarkii Ra’iisul Wasaaraha, warbixin arrimaha amniga, Dhameystirka Qorshaha Roadmap-ka iyo Siyaasadda Dowladda ee maamul u sameynta goobaha laga xorreeyey kooxaha Al-Shabaab.

Ugu horeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka warbixiyey safari uu ku tagey Ethiopia, Djibouti, Kenya iyo Turkiga. Waxuu sheegay in shirkii Addis Ababa ee saxiixayaasha uu ku soo dhamaaday guul oo ay ka soo baxeen heshiiskii Addis Ababa oo leh jadwal lagu soo afjarayo xilliga KMG ah iyo in dastuurka lagu daray tallooyinkii saxiixayaasha ay soo jeediyeen. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu waxuu sheegay inuu booqasho rasmi ah oo uu ku tegey Djibouti si fiican loogu soo dhoweeyey isla markaana uu Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Djibouti kala hadlay qorshaha dhameystirka Roadmap-ka oo uu sheegay in Dowladda Djibiouti ay muhiim u tahay nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya. Ra’iisul Wasaarahu waxuu kaloo sheegay in uu Nairobi kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Kenya oo ay ka wada hadleen howlgaladda ka socda gobollada jubbooyinka iyo soo afjaridda xilliga KMG ah, waxuuna sheegay in Kenya ay muujisay sida ay uga go’antahay inay kaalin fiican ka qaadato soo celinta amniga iyo kala danbeynta dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka warbixiyey safarkii Turkiga iyo shirkii Istanbul 2 oo uu sheegay in 30kii May uu kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Turkiga oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen shirka Istanbul 2, howlaha baaxadda leh ee Turkigu ka wadaan Soomaaliya iyo maalgashiga mashaariic lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in shirkii Istanbul uu aad iyo aad muhiim ugu ahaa Soomaaliya oo la isku raacay in la furo sanduuq dhaqaale oo loo sameeyo Soomaaliya oo dhanka dib-u-dhiska dalka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale golaha siiyey warbixin la xiriirta wafdi heer sare ah ee dalka Mareykanka oo shalay soo gaaray Muqdisho oo uu hoggaaminayey Ku xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Mareykanka Mr Johnnie Carson. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in dowladda Mareykanka ay Dowladda ku ammaantay hormarka baaxadda leh ee laga sameeyey amniga iyo dhameystirka Roadmapka, uguna baaqeen Soomaalida inay sii labo jibaaraan sidii loo soo afjari lahaa xilliga KMG ah bisha August 2012. Mareykanku waxey sheegeen inay diyaar u yihiin inay sii labo laabaan kaalmada shacabka Soomaaliyeed.

Golaha Wasiiradu waxey warbixin ka dhageysteen wasiirada amniga oo warbixin dheer ka bixiyey xaaladda amniga dalka guud ahaan, sheegeyna in horumar ballaaran laga sameeyey dhanka amniga iyo xasilinta dalka. Warbixin iyo dood dheer ka dib golaha wasiiradu waxey isku raaceen in ciidamda amniga dhammaantood loo hambalyeeyo guulaha waaweyn ee is-daba jooga ah oo ay ka sameeyeen howlgaladdii sugidda amniga, loona soo jeediyo ammaan oo lagu dhiiri geliyo inay howlahooda muhiimka ah sii wadaan si dhammaan gobolada looga sifeeyo kooxaha nabad-diidka ah ee Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha ku dhiiriyey in loo baahanyahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo gudagalo dhameystirka xilliga KMG ah oo qorshaha heshiiskii Addis Ababa la dhaqangeliyo si loo hubiyo in xilliga KMG ah la soo afjaro ka hor 20ka August 2012. Golaha ayaa ka dooday waxqabadkii iyo caqabadaha jira. Dood dheer ka dib golahu waxey isku raaceen in Madax dhaqameedka ay si deg-deg ah u soo gudbiyaan guddigii Xalinta Khilaafaadka oo ay dhexdooda iska doorteen si ay sida ugu dhaqasiyaha badan u soo afjaraan khilaafka yar ee beelaha qaarkood ka jira. Sidoo kale Golahu waxey isku raaceen in si deg-deg ah loo magacaabo Guddiga Farsamada ee ka kooban 27 Soomaali ah, 2 ka socda UNPOS iyo 7 ka socota beesha caalamka oo goob joogayaal ah. Golahu waxey kaloo isku raaceen in Madax dhaqameedka looga baahanyahay inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gudbiyaan liiska Ergada Ansaxinta Dastuurka oo ka kooban 825 oo ay 30% yihiin dumar.

Ugu danbeyntii golahu waxuu dhageystay warbixin xaaladda goobaha laga xorreeyey Al-Shabaab iyo sidii loo hubin lahaa in shacabka deegaanadaas ay sameystaan maamul ay soo doorteen, isla markaana ay u sameysan lahaayeen guddi amni oo ay dib-u-heshiisiin dhab ah u dhexmari laheyd beelaha deegaanaddaas. Siyaasadda Dowladda ayaa ah in shacabku uu sameysto maamul uu ku kalsoon yahay, si loo hubiyo in shacabku ay aaayahooda uga tashadaan.

DHAMAAD –

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.