Home » Warar »

Dowladda Maraykanka oo ku Hanjabtay in ay Tallaabo Adag ka Qaadayso Ciddii Isku Deyda Carqaladeynta RoadMapka Soomaliya.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka dhinaca Afrika Johnny Carson oo shalay soo gaarey Magaalada Muqdihho ayaa mrkii uu ku laabtay Magaalada Nairobi Shir Jaraa’id halkaa ku qabtay ayaa ka war bixiyay Safarkiisii gaabnaa ee uu ku soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Mr Carson ayaa Raja wanagsan ka muujiyay Xaaladda amman ee haatan ka jirta Magaalada Muqdisho isagoona ku amaanay Ciidasmada Midowga Afrika Doorkooda ku aaddan dib u soo celinta ammaankii guud ee Magaalada Muqdisho.

Kaaliyaaha ayaa soo hadal qaday hawlaha ka gudubka Xilliga ku meel gaarka iyo Road Mapka isagoona sheegey in xukuumaddiisu ay si weyn ula dhacsan tahay isla markaana ay soo dhaweyneyso in Marxaladdaas laga gudbo.

Carson ayaa ku nuux nuuxsaday in Dawladdiisu ay cuna qabatayn ku so rogeyso cid walba oo ka tirsan Labada Gole iyo dadka kaleba ee isku deyda inay carqaladeyso Hanaanka Road Mapka Soomaliya cunaqabatayntaas oo uu ku sheegay mid dhaqaale iyo mid safarba.

Hadalkan Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka aya imaanaya xilli uu shalay Booqasho maalin ah uu ku yimid Soomaliya isla markaana uu kulamo la qaatay Mas’uuliyiinta ugu sarreysa Dawladda Federalka Somaaliya oo iyaga laga dareemey in ay Carqalad ku yihiin ka gudubka Xiliga kala guurka

Muddo labaatan Sana ah waa Sarkaalkii ugu horeeyay ee ka socda Dalka Maraykanka oo boqasho u yimaada Somaliya waxaana lagu waramey in qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaliyeed ay si aad ah u soo dhaweeyeen hadalka Kaaliyaha ee ahaa in ciddi is hortaagtaka gudubka Xiliga kala guurka

W/D Amiin Yuusuf Khasaro
E-Mail aminkhasaaro@hotmail.co.uk
E-MAIL amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Dowladda Maraykanka oo ku Hanjabtay in ay Tallaabo Adag ka Qaadayso Ciddii Isku Deyda Carqaladeynta RoadMapka Soomaliya. "

  1. Cidii carqaladaysa MoadMapka ma ku jiraan dowladaha dariska sida Ethiopia iyo Kenya mise waa Soomali kaliya waxa loo cagajugleenayo?