Home » Warar »

Warar ku saabsan Ciidamadii Itoobiyaanka ee ku Sugnaa Magaalada Ceel Buur oo halkaa isaga baxay

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Ceel Buur ee Gobolka gal gaduud ayaa sheegaya in Askartii Itoobiyaanka ee ku sugnaa magaaladaas ay faaruqiyeen.

Ciidamadan oo wata Gaadiidkooda dagaalka ayaa la sheegey in xiligan ay ku wajahan yihiin Degmada Guri Ceel ee isla Gobolkaas waxaana la sheegey in ay la socdaan Ciidamo ka tirsan kuwa Ahlu Sunna .

Ka bixitaanka Ciidamada Itoobiyaanka ee Magaalada Ceel Buur iyo Faaruqinteeda ayaa sida ay sheegayaan warar Hoose waxaa loo sababaynayaa ka gadaal markii Khilaaf uu soo kala dhex galay Maamulka Ahlu Sunna Gobolada Dhexe Saraakiishiisa Sar Sare.

Degmada Ceel Buur oo inta badan ay hore isaga baxeen Ciidamadii ahlu sunada Gobolada Dhexe ayaa muddooyinkii sida ay wararku sheegayaan waxaa ku sugnaa Maliishiyo aan sidaa u badneyn oo Ciidamada Madaniga lagu sheego.

Ka bixitaanka Ciidamada Itoobiyaanka oo halkaa isaga baxa ayaa waxa ay dhabar wareen ku noqonaysaa Maamulka Culumaa’uddiinka ahlu sunna oo Dagaal dhiig fara badani ku daatay halkaa kula galay Ciidamada Xarakada Shabaab.

Ciidamadii Shabaabku oo ay u awood sheegteen kuwa Itoobiyaanka ayaa lagu soo waramayaa in ay haatan ku sugan yihiin qiyaas Magaalada Ceel Buur u jirta illaa labaatan Kiilo Mitir taasoo ay suurta gal tahay in ay dib ugu soo laabtaan isla Magaaladas oo muddo sedax Bilood laga joogo laga qabsaday Magaaladaas.

ma jiraan wax hadal ah oo ka soo baxay dhinacyada Itoobiyaanka iyo Ahlu Sunna oo xaqiijinaya in Magaaladaas ay ka wada baxeen in kastoo wararka laga helayo dadka Degaanka ay arrintaa xaqiijinayaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.