Home » Warar »

Ugaas Mowliid “Aad baan u soo Dhaweyneynaa Hadalkii ka soo yeerey Madaxweyne Shiikh Shariif ee ahaa in la Saxo Qaladaadkii lagu sameeyey Odoyaashii Dhaqanka”

Iyadoo weli uu taagan yahay Murankii la xiriirey qaabka loo soo xuley Odoyaasha Dhaqanka ee la sheegey in ay ansaxinayaan Dastuurka isla markaana soo xulkaya Xildhibaanada Baarlamaanka,waxaana Beelaha qaar ay qabaan in Cadaaladarro la sameeyey islamarkaana in laga tagey Odoyaashii Dhaqanka ee soo jireenka ahaa iyadoo taasi ay jirto ayaa Ugaaska Beeesha reer Ow Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Cabdulaahi oo ku magacdheer Ugaas Mowliid oo ka mid ahaa Ugaasyadi hore uga qaybgaley Shirarkii Soomaalida ee ka dhacay Kenya iyo Jabuuti haatanka ka mid ah Ugaasyadii laga tagey ayaa soo dhaweeyey Hadalkii ka soo yeerey Madaxweynaha Shiikh Shariif ee ahaa in la saxayo Qalaadkii dhacay.

Ugaas Mowliid ayaa ayaa yiri”Anigoo ah ku hadlaya Magaca Ugaaska Beesha reer Ow Xasan waxaan ka xunahay sida Sharaf dhaca iyo Karaamadarada leh loogu sameeyey Dhaqankii soo jireenka ahaa ee Beesha waxaana ka dambeeyey in Ugaaskii Beesha sidaa loo galo Shariif Xasan Shiikh Aadan oo isagu dan gaar ah kale si loogu gaaro Kursi” waxaan weydiiyey Beesha sidee u aragataa qaabkii loo gacan dhaafey Dhaqankii beesha wuxuu ku Jawaabey.

“Beesha aad bay ula yaabtey gacan dhaafkaas waxayna qoraalo gaarsiiyeen Dowlada Federaalka Hayadaha Caalamiga ah waxayna ka codsadeen in arrinkaas ay ka cabanayaan deg deg wax looga qabto” wuxuu sii raaciyey “ Qalaadaadkii lagu sameeyey Odayaashii dhaqanka ee soo jireenka ahaa waa mid keeni kara in beelaha soomaaliyeed la iska horkeeno kuwa ka dambeeyey Xadgudubkaas in ay qaadi doonaan Musuuliyada wixii ka yimaada ee Dhibaato ah .

Ugu dambeyntii Ugaas Mowliid waxaa uu ka codsadey Madaxweynaha Dowladda Federaalka in uu deg deg u soo farageliyo Xadgudubkii lagu sameeyey Ugaaskii soo jireenka ahaa ee Beesha reer Ow Xasan sidoo kale wuxuu ugu baaqey in iyana la soo farageliyo Xadgudubyada kale ee loo geystey beelaha kale ee Soomaaliyeed ee maanta Ugaasyadoodii dhabtaa ahaa Banaanka ka jooga Shirka Odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee haatan ka socda Magaalada Muqdisho.

Kulamadii uu Madaxweynaha uu maalmahaan la yeelanayey Odoyaasha dhaqanka ayaa sheegey in Dowlada Federaalka ay saxayso wixii qaladaad ahaa ee dhacay waxaana lagu waramey in Madaxweynaha uu Guddi u saarey arrimahaas waxaana dhacay in intii uu socdey Kulamadaas qaar ka mid ah Odoyaasha dhaqanka ay si Cad Madaxweynaha ugu sheegeen Masuqmaasuqii iyo Cadaalodarro lagu sameeyey Odoyaashii dhaqanka ee Soo jirreenka ee Beelaha Soomaaliyeed.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.