Home » Faallo »

Ohio: kulankii koobaad ee North American Council of Somali Youth

Mahad dhamaanteen waxaa iska allaah SW nabad gelyo iyo naxariis allaah ha yeelo nebigeennii Muxamad ahaa SCW dushiisa.

Intaas ka db.

Masjidka Ibnu taymiya and Islamic center ee magaalada Columbus, ee gobolka ohio Waxaa farxad weyn u ah inuu walaalaha muslimiinta u soo diyaariyey kulankii koobaad ee North American Council of Somali Youth, ururkaas oo ah mid ay ku midaysanyihiin dhammaan dhalin yarada maraakista hoos timaada golaha imaamyada soomaaliyeed (North American Council of Somali imams). Iyadoo cinwaanka guud ee kulanka uu noqon doonoولاتعجز احرص على ماينفعك واستعن بالله (ku dadaal wixii ku anfacaya ilaahayna talo saaro, hana caajisin)

Kulankaan waa mid ka gedisan kulamadii hore loo qaban jiray waxaana ka soo qayb geli doona dhammaan dhalinyarada maraaksista aan soo sheegnay,wuxuuna kulanku ka koobnaan doonaa insha allaah qaybo kala duwan.

1-Muxaaradaad qiimo gal ah oo ay soo jeedin doonaan  cilimada kala ah:-

Somali speakers

1- Sh. Muxamad Idriis                      Columbus Ohio

2- Sh. C/raxmaan Sh. Sh. Cumar     Minneapolis Minnesota

3- Sh. Abdullaahi Ibraahim              Minneapolis Minnesota

4- Sh. Adam Sh. Abdullaahi             Columbus Ohio

5- Sh. Cabdi Nuur                             Atlanta Georgia

6- Sh. Mukhtaar Ibraahim                 Columbus Ohio

English speakers

1-Sh. Kareen Abu Zeyd                    Denver, Colorado

2- Sh. Abu usamah ad’dahabi           London, U.K.

3- Sh. Yousef Soussi                         Minneapolis Minnesota

2-Tartamo xiiso badan oo dhex mari doono dhallinyarada ka kala timid maraakista kala duwan iyagoo ku tartami doona kutub kala duwan oo ay si siman usoo wada qaateen waxaana ka mid ah kutubtaas:-

1-Tartanka quraanka kariimka ah oo ka kooban

A-30 ka jus

B-20 ka Jus

C-10 Jus

2- Kitaabka Tuxfatul adfaal (Tajwiid)

3-Kitaabka Muqadimatu Usuulu Tafsiir

4- Kitaabka Sullam Al wusuul ilaa cilmil Usuul

5- Kitaabka Al Kawaakib Addurriyah (Naxwe)

Tartankaas  badan leh ka dib waxaa abaal gudyo kala duwan oo qiimo leh la gudoonsiin doonaan dhalinyarada tartanka ku guulaysata iyo masaajidooda.

3- Wacyi gelin guud oo ku saabsan dhinaca caafimaadka iyo wax barashada oo ay soo kala jeedin doonaan

1-Dr. Muxamad Hashi             Columbus      Ohio

2-Dr. Abdinur Muxamad         Columbus      Ohio

Masjidka ibnu taymiya wuxuu walaalaha u soo martinaya ku soo dhawaynayaa quluub iyo gacmo furan wuxuuna u diyaariyey marti gelin heer sare ah oo noocyo kala duwan ah.

Waqtiga kulanka:

July 5, 6, and 7

Goobta kulanka ;

Aladdin Shrine Center 3850 Stelzer Rd.,

 Columbus, Ohio 43219

Wixii faah faahin dheeri ah kala soo xiriir taleefonada hoos ku qoran:-

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.