Home » Warar »

Qaar ka mid ah Xisbiyada Siyaasada Soomaaliya oo Berri Shir uga Furmaya Dalka Jabuuti

Waxaa la filayaa in dalka Jabuuti uu berri oo ay bishu tahay 9 Juun uu ka furmo shir Muddo Lix Maalmood Soconayaa kaasoo la sheegey in ka qaybgalyaasha qaar ka mid ah Xisbiyada Siyaasada ee ka jira Dalka Soomaaliyeed waxaana shirkaan looga hadlayaa arrimo la xiriira Dastuurka Qabyada si iyana Xisbyada wax ugu biiriyaan Dastuurka weli Ansaxintiisa lagu Muransan yahay.

Xisbiyada Siyaasadda ee ka qayb galaya Shirkaas ee aan Magacyadooda helney waxaa ka mid ah Somali National Party ,Peace And Developments Party, Peace And Democratic Party ,Democratic Party of Somalia, Somali Peace Party, Somali People Party iyo Somali Social Visit Party.

Shirkaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Hayad Mareykan ah iyo Hayad lagu magacaabo NDI oo inta badan ka shaqeysa arrimaha lagu hormarinayo Dastuurada , Baarlamaanada iyo Dimoqraadiyada waxaa sidoo kale lagu martiqaadey Shaqsiyaad soomaaliyeed si ay ugu Fikrad uga dhiibtaan Dastuurka .

Shirkaan ayaa waxaa kaloo looga hadlayaa sida ay u shaqeeyeen Xisbiyada Dowladaha Adduunka iyadoo warar aan helney ay sheegayaan in qaar ka mid Xisbiyada Siyaasada ay diideen in ay ka qayb galaan Shirkaas waxaa ka mid Xisbiga Hiil Qaran , Xisbiga Tayo iyo kuwa kale hase yeehee siyaasiyiin u dhuun daloola Sameynta Xisbiyada ayaa noo sheegey in Xisbiyadaan maalmahaan sameyntooda lagu waashey ay yihiin kuwa aan Aqoonsi haysan islamarkaana ka hor maray Waqtigii la sameyn lahaa.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.