Home » Warar »

Dowlada Mareykanka oo $33 million oo Doolar ku Bixinaysaa Macluumaad laga helo Madaxda ugu Sareysa Xarakada Al-Shabaab

Maraykanku waxa uu $7 million ku bixinayaa asaasaha al-Shabab, Axmed Cabdi aw-Maxamed; sidoo kale waxaa $5 million lagu bixinayaa mid kasta oo kamid ah magacyadan Ibraahim Xaji Jaamac, Fu’aad Maxamed Khalaf, Bashiir Maxamed Maxamuud iyo Mukhtaar Roobow; waxaa kale oo midkiiba $3 million lagu bixinayaa Zakariya Ismaaciil Axmed Xersi iyo Cabdullaahi Yare, sidaas waxaa sheegay saraakiil ka tirsan Maraykanka….

Saraakiil maraykan ah ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda Washinton ay malaayiin doolar ay ku abaal marinayso cid alla ciddii xog ka keenta xubnaha ugu sareeya xarakada al-shabaab ee ka dagaalanta dalka somalia kuna xiran Ururweynaha Al-Qacidda .

Lacagtaas ayaa waxaa lagu bixin doonaa toddobo xubnood oo ah kuwa ugu sareeya xarakada al-shabaab ,sidaasi waxaa shaaciyay af hayeen u hadlay waashinton isaga oo intaa raaciyay in aan la shaacin doonin magaca qofka macluumaadkaasi soo gudbiya .

xarakada ayaa Maraykanka waxa uu ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen falalka argagixiso ee ka dhaca dalalka Kenya iyo Ugandha, waaxda soo saartay war bixitan ayaa u qeybisay abaal marintan uu maraykanka uu ku bixinayo xubnaha sar sare ee xarakada al- shabaab illaa Seddex qeybod oo kalaha ah :

Warbixinta ku saabsan aas aasaha xarakada Al-shabaab Axmed Cabdi aw-Maxamed ayaa la sheegay in lagu bixinayo Toddaba Milyan oo Doolarka Maraykanka ah.

Sidoo kale war bixinta Maraykanku uu soo saaray ayaa sheegaysa in Shan Milyan lagu bixinayo Macluumaadka ku saabsan Ibraahim Xaaji Jaamac(Ibraahim Afgaan), Fu’aad Maxamed Khalaf , Bashiir Maxamed Maxamuud iyo Shiikh Muqtaar Rooboow .

Xukuumadda Washington ayaa sidoo kale abaal marin gaaraysa Seddax Milyan oo Doolarka Marayna ah ku bixinaysa Zakariya Ismaaciil Axmed Xirsi iyo Cabdullaahi Yare sidaasna waxaa laga soo xigtay Saraakiil u hadahay Washington.

Xarakada Ashabaab ayaa la midowdey Shabakadda Al Qaacidda bilowga Sanadkan aynu ku jirno ee 2012ka,.bishii Abriil ayuu Maraykanka waxaa uu ka digay Weeraro Argagixiso oo kaga yimaada Xarakada Shabaab iyo Danaha uu Maraykanku ka leeyahay Daka Kiinya ma aha markii ughu horeysey oo uu Mareykanka uu abaal marin ku bixiyo Shaqsiyaad ka tirsan Xarakada Alshabaab waxayna Xarakada ay sheegtey in Mareykanka uu in Jahawreerinaya dadka soomaaliyeed

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Dowlada Mareykanka oo $33 million oo Doolar ku Bixinaysaa Macluumaad laga helo Madaxda ugu Sareysa Xarakada Al-Shabaab "

  1. yaasi says:

    nuux xaaji wan kugu racsanahay

    shabaabkuna maraykanka ayeey u shaqeeyaan ismase oga

    bal waa sualee lacagta muu siiyo dawlada somaliya haday lacagtaas helaan 24 saac beey shabaab oo dhan ku soo afjari lahayeen

  2. abdulrahman says:

    waxaa is waydiin mudan
    horta maraykanku lacag habalan qaadee
    oo ha yiraahdo ninkii soo sheega ragaa ama alshabab ha ahaadeene ama alqeda ha ahaadeene
    lacag malaayiin ah baan ku bixinayaa
    1 marka hore maraykanku mayahay wadan balan leh oo baxsha wixii lagu balamo ama balan qaadkuu balan qaado
    2 xagee buu geeyaa nin kii war u sheega oo balantii ka soo baxa oo sheega nin muslim ah
    jawaabta
    1 maraykanku balan maleh ninkii soo sheega nin muslim ah
    lacag masiiyo oo waxa uu balan qaaday waxba kama jiraan wuxuuna geeyaa meel ameen keedu sugan yahay oo waa xagee waa aaqiro oo waa uu dilaa ileen lacagtaas in uu baxshu buuna rabine
    mida kale ameenkiisana maba sugi karo marka wuu is dhaafiyaa oo waa dilaa
    marka walayaal maraykan ku saad moodaysaan mahan
    balana maleh
    aaqirkana wuu ku dilayaa
    qayr badan

  3. xakiim says:

    Asc.
    Run ahaantii, Maraykanka xilligan wuxuu iska dhiga inuu yahay Awoodda ugu sareysa ee Adduunka (Super Power). Balse, waxaa hubaal ah, in Maraykanku uu yahay Wadanka gadaal ka riixaya dhibaatada maanta ka taagan Dunida Islaamka, gaar ahaan Soomaaliya.
    Maraykanku haddii uu ku guulaysto xittaa inuu dilo 7-da qof ee hadda lacagta dul dhigay, ilama ahan aniga inay halkaasi ku idlaandoonto feker ay xambaarsanaayeen 7-daasi, waxay waxay ku reebeen in badan oo maanta ku sugan Qaarada Afrika.

  4. Marekanka lacagtaas wuxuu u bixinayaa inuu colaada soomaaliya kusii huriyo ujadadiisa waa soomaaliya oo aan dawlad ka dhalan markasta wuxuu lidi kuyahay jiritaanka umadda soomaaliyeed, xilliga lacagta lagusoo beegey waa wakhti aan rajo badan ka qabney nabada ka dhacdo soomaaliya laakin marekanka ma doonaayo taas.