Home » Faallo »

Nuur Geedi Bootaan “Waa Arrin aan ka Aamusi Waayey oo u Baahan in loo Sheego Dowladda Federaalka ”

(Warbixin la Yaab leh)

Anigoo Wada fadhina Goob Qaxwaha laga cabbo oo Tiraddeenu gaareyso 4 qofood ayaa waxaa nagu soo biirey nin odey ah oo lagu magacaabo Nuur Geedi Bootaan markii aan dhameysaney Qaxwahii ayaa ka wada hadalney Xaaladda Dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho ,qaar ka mid ah ayaa sheegey in maalmahaan Magaalada sidii hore dhaanto waxaa Durbaba in Muqdisho sidii hore dhaanto ka qayliyey Odey Nuur oo sheegey in Magaalada ku soo kordheen arin u baahan laga hadlo oo dhibaato ku ah Bulshada Somaaliyeed iyo Dowlada Federaalka.

Odey Nuur oo careysan ayaa weydiiney waxa soo kordhey markaasuu yiri “ Magaalada waxaa ku soo korhey arrin aan ugu magacdarey Madaxaada ha ku furto”Markaasaa ayaa ragii kale inta yaabeen ayey yiraahdeen war Nuurow noo bayaani macnaha Madaxaada ha ku furto” Nuur ayaa waxaa uu bilaabey in uu ka sheekeeyo dhacdo qabsatey wiil uu dhaley wuxuu ku bilaabey”

Wiilkeygi Cumar ayaa isoo wacay markaasuu yiri “ Aabbe Laba askari ayaa I heysata waxay leeyhiin waan ku gudbineyaa haddi aadan bixin lacaga dhan Bqoql Doolar “Wiilkii ayaa iri ii dhiib raga ku haysta’ markiiba waa ii dhiibey waxaan ku iri maxaa ku haystaan wiilkeyga “markaasuu yiri mid ka mid ragii haystey” addeer wiilkaada waa Alshabaab haddi aad bixin weydo 100-ka Doolar waan gudbineynaa” Markaas baa iri halkee loo gudbinayaa “markaa buu I yiri ”Adee waxaa loo gudbinayaa Godka “ waxaan iri ma xumee in la gudbiyee ee Muxuu sameeyey markaasuu yiri “waa Shabaab “ waxaan ku iri “Wiilkeyga ma aha Shabaab ee sidee wax u jiraan” Mariiba wiilkii ayey ka qaylisiyeen waxaan maqlayey isagoo leh “Aabbow iga soo gaar”Markiiba lacagtii 100-ka Doolar baan hal haleel u diry oo iigu jirtey Mobile-ka “Saacad ka dib waa la soo daayey waxaa uu ii bilaabey wixi qabsadey.

“Aabbe aniga oo saaran gaari Caasi ah oo BL-ah ayaa waxaa na istaajiyey laba nin oo ku labisan Tuutaha Milatariga mariiba aniga yey igala Degeen waxay Durbadiiba xoog ku joojiyeen gaari Grip ah waxaa I geeyeen degmada Shangaani waxaa la igu tuurey guri jaba jabsan “waxay igu yiraahdeen Saaxib waan ku gudbineynaa weliba haddi aan ku gudbino waxaa nala siinayaa 300 Doolar ee haddi kale waan kuu naxariisaneynaa ee iska bixi 100 Doolar “ waxay sii raaciyeen ilaa saakey waxaan qabaney lix dhalinyaro ah oo midkiiba ka qaadaney min Boqol Doolar marka Aabbe sidaa baan kuu soo wacay,Markii uu sheekadii dhameeyey odey Nuur ayaa nin kale oo nala fidhiyey isagana bilaabey dhacdo kale oo ku dhow mida Odey Nuur “wuxuu ku bilaabey

“Wiil walaalkey ah ayaa ka soo degey Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho markii aan mareyno meel ku dhow isgoyska Howlwdaag ayaa Askari ku labisan Dareyska Ciidamada Milariga uu joojiyey Gaarigii markiiba wuxuu isha la raacay Dhaliyaradii Gaariga saarnaa waxaa markii dambe uu la degey walaalkeygii wuxuu intaas noo raaciyey muddo labasano ah ayaa raadinayney Wiilkaan”markaas baan ku iri “war Toban sanno ayuu dalka ka maqanaa ee maxaa u dan leedahay”

Waxa la doodaba waxaa aakhiritaankii nagu ri “waa in aad bixisaan Boqol Doolar”waa yaabey gorgortan ka dib waxaa uu naga qaatey 50 Doolar markiiba uu jeebka gashadey intii aan taagneyn ayaa gaari kale uu soo istaagey waxaan arkayey Askari kale oo goobta joogey oo isna la degey wiil Dhalinyaro ah oo loola dhaqaaqey meel la ii sheegey in uu yahay guri ay ka buuxaan Dhalinyaro aan ogaadey in ay yihiin kuwo dadkoodii awoodi waayey in ay lacag bixiyaan markiiba waan ka dhaqaajiney walaalkey ayaa yiri” Walaalow beriba I celi haddi Madaxeyga uu noqdey lacag arintaan waxaan ku arki jirey Magalada Nairobi oo ciidamada Booliska oo qab qabanay dad Soomaali ah ka dibna inta Taleefon loo diro la leeyahay soo shub lacag Madax furasho.

Ragii goobta isugu yimid mid weliba waxaa uu ka sheekeeyey waxaa ku soo kordhey Magaalada oo u badan dhacdooyinkaan Madax furashada ee Ciidamada ku labisan Direyska ay sameynayaan,waxaana Ciidamada u fududeynaya in ay Madax furasho qaataan Taleefoonada laga Xawilo Lacagaha maadaama ay si sahlan ku helayaan lacag aan laga daba imaaneyn , waxaana markiiba la istusey in baaq loo jeediyo Dowladda Federaalka oo ah in ay deg deg wax uga qabtaan Madax furashada ku soo korodhey Magaalada Muqdisho haddii aysan Dowladda wax ka qaban waxaa imaan karo in uu soo deg dego fashil waayo waxa ay Ciidamada ku labisan Direyska Dowladda ay keeni karaan in shacabka iyo Dowladda la iska horkeeno maadaama arrintaan ay Cabashadeeda soo kordheyso.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Nuur Geedi Bootaan “Waa Arrin aan ka Aamusi Waayey oo u Baahan in loo Sheego Dowladda Federaalka ” "

  1. Diini says:

    ASCaleykum waa wax lala yabo laakiin hada waxaa la shageeyey in lakeeneyo ciidan boliis ah oo AMISOM ah sababaha keeney in lakeeno cidamadas ayeey ka mid tahay waxa ka dhacaya Xamar marka hala ogaado Somaali duliga aay ku jirto waa wax gacanteeda aay ku keensatay illaah SWT hanaga wada bixiyo dhibaatada waxaana looga bixi karaa in loo soo laabto kitaabka illaah SWT laguna dhaqmaa sc.

  2. Samodoon says:

    Hal xaaraan ah, baan maqli jiray, nirig xalaala ma dasho! Waa tabtii Dowlad bey ku leeyihiin waxan gacan ku rimiska ee loo soo dhoodhoobey lugooyada umadda Soomaaliyeeda Muslimka ah. War xageey dowladdu joogtaa. Dowladda la sheegayo waxa ay ka kooban tahay xubno tartan ugu jira or darajo ku doonaya iney milki wareejiyaan dalka iyo kheeyraadkiisa, iyo kuwo jirri ah oo ciidamo loogu yeero oo baada oo silciya kuwa Ilaaheey baday inay ku hoos noolaadaan. Ilaaheeybaan ugu beryey waxay nala doonayaan oo xumaato ah inuu Ilaaheey kaligood ku roga.

  3. Hassan says:

    Marka hore waxaan rabaa inaan u mahadceliyo qoraaga maqaalkaan iyo akhiyaarta kale dhaamaan ee arintaan kahadashay. Waxaanan leeyahay aniga qof ahaan, aadbaan uga kaxumahay dadka dhibkaan kujira iyo kuwa horey usoo maray. Ilaahayna ha idiin wada fududeeyo dhamaantiin, Aamiin. Arintaan waa arin foolxun qofkasta oo kahadla ama wax kaqabtana waa wax wanaagsan, hadana wadaninimo ah. Waxaana loobaahan yahay in sidag dag ah wax looga qabto lana faafiyo. Waayo, waxa markay dadku kahadlaan waxbaa kasoo kasoo baxa, dadka ku haboona waxbay kaqabtaan.
    Balse waxaan rabaa inaan hal arin taabto taasoo ah dawlada iyo masuuliyadeeda dalka. Dawladu waa hay’ayd ay dadku iska leeyihiin ee maahan iney ayadu leedahay dadka. Shaqadeeda ugu horeysana waa iney amaanka iyo nabadgelyada dadkeeda kafaalo qaado. Si taas lagu helana, waa inaan dhamaanteen wada fahanaa midaan waana iney fahmaan dadka masuuliyada haaya arintaan. Waa arin naga qaldan hadaan nahay dad badan oo Soomaaliyeed. Hadii aanan fahmin ama ku dhaqmina, wey adagtahay in dawlad wanaagsan ama ciidan wanaagsan lahelo marka horeba. Sidaas daraadeed waa in wax laga badalaa habka ciidamada loo qoro ama loo abuuro lana raacaa qodobadaan iyo kuwa kale ee wanaagsan laguna dhaqmaa si joogta ah:

    1- Ciidamadu waa lafdhabarta dawlada ayaga la’aantoodna waxba maqaban karto, haday noqdaan kuwa nabadsugida ama kuwa qalabka sida. Marka, waa inaan abuurnaa ciidan wanaagsan marka hore.
    .
    2-Dadka mooryaanta ah waa ineysan kaqayb qaadan ciidamada qaranka, ugu yaraan kuwa aadka uliita ama bahaloobay.

    3-Waa in ciidamada qoritaankooda lagu xulaa aqoon oo ardada loogu yeeraa iney kaqayb qaataan ciidamada.

    4-Waa in ciidamada lagu xulaa wadaninimo iyo iney jecel yihiin dadkooda, dalkooda,iyo diintooda oo ayrabaan iney wadankooda u shaqeeyaan.

    5-Waa in ciidamada ay iskuulo iyo kuliyado soomaraan lagu baro, waxa ay yihiin, waxa ay shaqadoodu tahay, waxa laga rabo iney qabtaan, waxa laga rabo ineysan qabanin, iyo haday dhib ama danbi geystaan in ay sharciga hor imaan doonaan.

    Hadii qodobadaan iyo kuwo kale ee wanaagsan marka horeba lagu bilaabo dadka wanwanaagsan hadana aqoonta iyo wadaniyadaba leh lagu bilaabo, fursadna lasiiyo, waxaan aamin sanahay inaan dhisi karo ciidan xoogbadan, qurux badan hadana shaqadii loo abuuray si wanaagsan uqabta. Dadkiisana si hufan oo daacad ah ugu shaqeeya ee aysan dhibin.

    Waad mahadsan tihiin.