Home » Announcements »

Horyaalkii 37 aad ee kubadda Cagta ee Soomaaliya oo ka furmey Magaalada Muqdisho

Garoonka Jaamacada ee Syasadda iyo Saxaafada ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa si rasmi ah uga furmay horyaalka 37aad ee kubadda cagta Dalkeenna ayadoo tartankanna ay ku tartamayaan ilaa Sideed kooxood oo ka tirsan kooxaha heerka Koowaad.

Halkan ka daawo Sawirada

Furitaanka tartanka ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda,Xiriirka Kubadda Cagta,gudiga Olombikada iyo kumanaan kun oo shacab ah kuwaasi oo ka kala yimid xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Ciyaartii ugu horeysay ee tartanka ayaa waxaa lagu daahfuray kooxaha Elman iyo Badbaado waxaana ciyaarta waqtigii loogu talagalay ay kusoo idlaatay 3-1 oo ay guusha ku raacday kooxda Elman.

Horyaalka 37aad ee Kubadda Cagta Dalkeenna ayaa ka socon doona magaalada Muqdisho ayadoo bilowga tartankanna uu imaanayo xili Sannadkii hore iyana la qabtey horyaalkii 36 aad kazoo ahaa mid yadidiilo geliyey in la qaban kao Horyaalka ,

Tartankaan oo lagu wadey in lagu qabto Garoonka Banaadir hase yeeshee sida uu sheegey Xoghayaha Xiriirka Kubadda Cagta Cabdiqani Sacid Carab in uu ka socdo Dib u dhis lana filayo in la soo gabagabeeyo dhawaan, sidoo kale tartankaan ayaa waxaa furitaankiisii ka soo qaybgaley qaar ka mid ah Masuuliyiinta Ciyaaraha ee Dowladda Federaalka,Ciyaartoydii hore iyo Xubno ka socdey qurba joogta Somaaliyed kuwaas oo si weyn ugu farxay Furitaanka Tartankaan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.