Home » Announcements »

Tartanka Dugsiyada Kubbadda Gacanta oo furmay

Markii ugu horeysay muddo dhowr sanadood ah ayaa ardayda soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdsiho waxaa ay ku tartamayaan cayaarta kubada gacanta oo ka dheceysa garoonka arradan ee 1-da Luulyo Ex 21-ka October ee ku yaala degmada Cabdi Casiis ee magaalada Muqdisho.

Tartanka ayaa si rasmi ah u furmay shalay galab wuxuuna socon doonaa muddo 2 todobaad ah sida masuuliyiintu ay sheegeen.

Dhalinyaro da’doodu u dhexeyso 14-16 sanadood ayaa tartanka ka qeyb qaadanaya iyagoo kala matalaya 8 school oo ku yaala xaafado kala duwan oo Muqdisho ka tirsan, waxaana tani ay tahay talaabo dib loogusoo nooleynayo cayaarta kubada gacanta ee dugsiyada oo muddo sanado ah aan la dheelin.

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada gacanta Maxamed Xuurshe Xasan (Eenow) oo munaasabadii furitaanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in xiriirkiisu uu ahmiyad weyn siinayo dugsiyada oo uu sheegay in ay muhiimad gaar ah u leeyihiin horumarka kubada gacanta Soomaaliyeed.

“Sida aan ognahay dugsiyadu waa meeshii uu isboortiga Soomaaliya kasoo bilowday markiisii hore taasina waa sababta aan ahmiyada weyn u siineyno tartamada dugsiyada”ayuu guddoomiyuhu hadalkiisa sii daba dhigay.

“Tartankan oo socon doona muddo 2 todobaad ah waxaa uu tijaabo u yahay dib usoo nooleynta tartamadii Dugsiyada sidaa darteed 8 dugsi oo keliya ayaa ka qeyb qaadanaya laakin sanadka dambe waxaan rajeyneynaa in aan qabano tartan intaa ka weyn oo ugu yaraan 20 dugsi ka qeyb galayaan”ayuu mar kale yiri guddoomiye Eenow.

Wiilashii ku cayaarayay magaca dugsiga Al-Mathal school ayaa 21-9.kaga adkaaday iskuulkii kasoo horejeeday ee Al-furqaan ciyaartii furitaanka shalay galab.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.